Ka welwelka qoyska ama qaraabada

Dhibaatooyinka dhimirku waa kuwo lala kulmo culeyskeeduna waa mid aad u kala duwan: dhibaatooyinka yar-yar nolol maal-meedka wax-yar ayey dhib u keenayaan, dhinaca kale dhibaatooyinka waaweyn hoos u dhac weyn ayey u keenayaan awooda qofka. Sida ay ku bilaabato dhibaatada dhimirku inta badan ma laha sabab cad. Haddii aad tuhmeyso in qof qaraabadaada ah uu qabo dhibaato dhimirka ah, waad ka caawin kartaa inuu caawimo raadsado. Bbaadhitaanka waxaa mar walba sameynaya takhtar.

Qaraabadda welwelsan waxaad ku caawin kartaa hadal adigoo tusaale ahaan dhahaya: ”Intii muddo ah waxaan dareemayaa inaad u muuqato qof welwelsan/qof cabsanaya/ama xanaaqsan, ma waxaa dhacay wax dhibaato ah?” Waxaa laga yaabaa in dhib khatar ah uusan jirin. Waxaa laga yaabaa in qofku ilaa dhowr asbuuc uu ahaado qof hami-la’aan ah iyadoo aysan jirin wax dhibaato maskaxeed. Waxaa kale jira  in qofka niyadjabka qaba uu daahiyo raadsashadda kaalmada.

Mararka qaar waxaa laga yaabaa in qofku uu ka xumaado markuu arko qofka qaraabada ah oo raba inuu caawiyo. Qofku wuxuu la yaabayaa in dadka kale xataa ay dareemayaan welwelka iyo dhibaatada haysa ee qofku uu is diidsiinayo. Badanaa dadka qaba dhibaatada dhinaca welwelka dhimirka waxay sheegaan in ay u arkaan wax fiican in qof kale uu daneynayo wanaagooda.

Helidda kaalmada

Dadka qaraabada ah inta badan waxay ka welwelaan sidii loo heli lahaa daryeel ku haboon kuna filan qofka. Badanaa xarumaha caafimaadka lagama helo caawimo hadal, dhinaca KELA  daryeelka ay lacagta ku bixiyaan ee latalinta helidoodu waxay u baahantahay waqti iyo dadaal dheeri ah oo qaraabadu la yimaadaan. Sii akhri teraabiyada cilminafsiga. Badanaa daaweyntu waqti kadin ayey muuqaneysaa. Sidaas awgeed kaalmada qaraabada sida dhiirigalinta qofka aad ayey muhiim u tahay qaasatan xiliga bilowga.

Qofka qaraabada ah wuxuu rabaa in qofka qaraabadiisa ah ee u dhaqma sida qof waallan kuna  fikiraya inuu inuu ishalaago in isbitaalka la dhigo. Tan kale dhimis lagu sameeyey jiifka isbitaalada dhimirka ayaa abuurtay wada  hadal badan bulshada dhexdeeda. Dadka dhimirka daran qaba waxaa dhacda in xiliyada qaar aysan ku filayn in isbitaal la’aan la daweeyo.

Dadka qaraabada ah xaaladdoodu aad ayay u adagtahay haddii qofka dhimirka qaba uusan dareensaneyn inuu u baahanyahay caawimo. Arrintan waa suurogal haddii qofku uu qabo ama uu yahay laba miire. Halkan ka akhriso akhbaar arrintan. Dareen la’aan la xiriirta qofku inuusan xanuunsaneyn waxay saameyneysaa helidda kaalmada iyo qaabilaadeeda.Waxaana laga yaabaa in arrintani qofka u keento inuu diido dawooyinka ama inuu rabi waayo wada hadalka dhibkiisa.