Dhibaato masiibo ah

Dhibaatada masiibada ahi waxaa sababa dhaco kadis ah, lamafilaan ah iyo weliba xoog leh. Dhacdadu waxay keentaa argagax weyn,  kaasoo qofka awoodda oo dhan ka qaada muddo yar. Dhibaatada masiibada ahi waa waxyeello dhacdo, taasoo dhawaceysa arrimaha lafdhabarta nolosha.

Dhibaato waa masiibo sababo badan leh, tusaale ahaan geerida qaraabada, isdilka qof qoyska kamid ah, cudur hallis ah ama curyaamid, shaqo ka ceyrin ama dhibaateyn qofka loo geystay oo niyadjab ku reebtay. Ama xitaa shil ama masiibo dad badan ku wada habsatay ayaa sababi karta dhibaato masiibo ah. Dhibaato masiibo ah ka gud-biddeedu waa mid adag oo shaqo badan u baahan. Qofwalbaa wuxuu lee yahay awood u gaar ah oo uu kaga bixi karo dhibaatada. 

Kaalmo la xiriirta sidii qofku uga gudbi lahaa xaaladda dhibaatada ama masiibada waxaa laga heli karaa tusaale ahaan xarunta gar-gaaridda masiibooyinka, rugta fayadhowrka shaqaalaha ama xaruntaada degmada ee arrimaha bulshada ama sooshalka waaxda gargaarka deg-degga dhibaatooyinka.

Arrimaha sababi karo dhibaatada

Waxa jira dhacdooyin iyo xaalado nololeed oo badan oo sababi kara dhibaatada. Liiska hoose waxaa ku qoran qaar kamid ah waxayaabaha sababi kara dhibaatada.

  • Geerida qof qoyska ama qaraabo ah
  • Isdil
  • Cudur halis ah adiga, qoyska ama qaraabada
  • Waayidda xoriyadaada ama ismaamulidda tusaale ahaan curyaamid awgeed
  • Arrimo sababa ceeb ama jaha-wareer dadka kugu xeeran iyo bulshada dhexdeeda, sida qofka oo maandooriye isticmaalay oo baabuur wada lana qabto, qofka oo xabsi loo taxaabo
  • Shaqo la’aan
  • Dhaqaale xumo
  • Shilal, sida shil baabuur ama dab
  • Masiibo dabiici ah ama shil weyn soo qabsaday
  • Dhibaateyn, sida dhibaateyn qof ku xiga, kufsiga, dhibaaten jidka kala kulanto
  • Dhac la kulamid, guri jabsi ama weerar la kulmid
  • Dareen hanjabaad cabsi leh, sida cabsi ka qabid dhibaateyn
  • Khatar qofku ka badbaado, taas oo naftaada, tan qoyskaaga ama qaraabadaada caafimaadkoodu ay khatar ku sugneyd.
  • Dhibaatooyinka la xiriia ilmo helidda, sida ilmo la’aanta, dhicinta ama jirashada carruurta ama curyaamidda
  • Arrimaha la xiriira xiriirka dadka, sida furriinka ama diin la’aanta
  • U guuridda wadan kale ama dagmo kale

Dhibaatada masiibada leh qeybaheeda kala duwan

Xiligga argagaxa

Argagaxu ama naxdinta xun waxay bilaabaneysaa bilowga marka dhibaatadu dhacdo. Waqtiga argagaxa qofku wali ma awoodo inuu aqbalo dhibaatada waxaana laga yaabaa inuu is diidsiiyo. Dadka qaar markay ku sugan yihiin naxdin badan ama argagax gabi ahaanba way tabar-dhigaan, qaarna way aamusaan oo way is galayaan, mana muujiyaan dereenkooda. Dadka qaar marka ay argagaxaan aad ayey u kacaan, way qayliyaan ama si aad ah ayey u ooyaan. Qaar waxaa laga yaabaa in marna uu tabar-dhigo marna uu kac-sanaado. Qofku marka uu argagax-sanyahay ama uu ku jiro waqti naxdin badan waxaa laga yaabaa tusaale inuu muujiyo mararka qaar dareen la’aan taas oo ay la yaabaan dadka qaraabada ah lagana yaabo xataa in ay ka xumaadaan.

Argagaxa ama naxdinta daran waxaa la xiriiri kara

  • isdiidsiin in wax dhaceen
  • dareen muujin la’aan ama qofkooaamusa
  • filan waa iyo dareemid ka dhac-sanaan xaaladda
  • qaylo, oohin iyo isku dhexyaac

Ficil-celinta ama dhaqanka qofka xiligga uu ku jiro argagaxa waxay noqon karaan wax cabsi leh ama aan caadi aheyn. Waxaana la xiriira fal leh muhiimad difaac maskaxeed iyo mid nololeed: naxdinta aad u weyn ama argaggaxa laguma dareemi karo waqti gaaban sidaas awgeed xiliga argaggaxu wuxuu suurogalinayaa in qofku uu wajaho waxa dhacay. Qofka ku jira xiliga argagaxa wuxuu badanaa u baahanyahay inuu si muuqata u dareemo cid uu ku tiirsanaado iyo dareen ah in dadka ku gadaafan ama la jooga in xaaladdu ay u sugantahay  ama u koontaroolantahay. Xiliga uu qofku ku jiro argaggaxa waxaa fiican in qofka loogala hadlo waxa dhacay si naxariis leh. Waxaa fiican in maskaxda lagu hayo in arrimaha laga hadlo in uusan xusuusaneynin qofka argaggaxa ku jira, sidaas awgeed hadalka lala hadlayo waa inuu noqdo mid deggan, la fahmi karo isla markaasna kooban, qofka argaggaxa ku jira awoodiisa xusuusta wixii loo sheego way hooseyso.

Xiligga ficil-celinta

Waqtiga argaggaxa waxaa xiga waqti ficil-celin, waqtigan qofku wuxuu bilaabayaa inuu ogaado, wajaho naxdinta waxa dhacay, wuxuuna isku dayaa inuu fikir ka qaato waxa dhacay iyo micnahooda.

Bilowga waqtiga ficil-celinta dadka qaar waxaa lagu arkaa dareen iyo hab shaqan aan caadi ahayn, tusaale ahaan, in qofkii dhintay uu joogo meel dhow ama codkiisa uu maqlayo. Maxkaxda qofka ayaa isku dayeysaa iney wali diido waxa dhacay, sidaas awgeed ficilka aan caadiga aheyn waa qeyb ka mid ah hab socodka arrintan.

Marka qofku ku jiro waqtiga ficil-celinta wuxuu u baahanyahay qof dhageysta sidoo kale la talin iyo caawimo muuqata oo la xiriirto siduu uga gudbi lahaa xaaladda nolol maalmeedka uu ku jiro. Waqtigan dhibaatada waxaa bilaabaneysa in qofku uu derso dhibka isagoo u dhexeeya dhibka uu la kulmay iyo siduu uga gaashaaman lahaa. Waqtigan ficil-celinta qofka waxaa ku soo noq-noqonaya si xusuus ah dhibkii dhacay markuu soo jeedo iyo markuu hurdaba. Waxaa kaloo dhici karta in dhibkii dhacay uu qofka si kadis ah u horyimaado ama uu u xusuusto sida isagoo uriya caraf ama maqla cod ama wada hadal uu qof kale la yeesho. Dhacdada waxaa suurogal ah in qofku uu ku riyoodo, laakiin inta badan hurdadu dib ayey u soo noqotaa.

Waqtiga ficil-celinta dadka inta badan si isku mid ah yey u dareemaan inta badana usku si ayey u muujiyaan dareenkooda sida “waxaan u maleeyey inaan waalan rabo”, “wax madaxa ka weyn ama lama filaan ah”, ”ma ka soo kaban doontaa xaaladda marna”, nolosha oo u muuqata mid wajiyo badan”, ”xanuunka arrintu ma socon doontaa mar walba”

Waqtiga ficil-celinta waxaa la xiriiri kara

  • cabsi iyo kalsooni daro
  • is kohosho iyo baahi helid dambiilaha
  • hurdo la’aan iyo cunto xumo
  • gariir, lalabo iyo dareen kale oo qofku dareemo

Waqtiga ficil-celinta dhibaatada badanaa qofku wuxuu u baahanyahay suurtagal-nimada in la dhageyto. Waxaa laga yaabaa in qofku rabo in dhibaatada uu ka hadlo marar badan, taas oo qofka kale ama qaraabadu ay u dareemi karaan mid aan fududeyn adkeysi badana u baahan. Qofka qaraabada ah waa inuu xusuustaa, in wadahadalku uu muhiim u yahay in qofku ka soo kabto dhibkii dhacay: hadalku wuxuu suurogalinayaa in qofku uu fahmo wixii dhacay, waxaa suurogal ah in qofka ay u fududaato inuu derso dareenkiisa marka dareenka la meeleeyo ama la xadido. Waxaa kale oo khibrada lala wadaagi karaa qof dhibkaas oo kale uu horey ula soo dersay, taas oo suurogalineysa in qofku uu dareenkiisa cabiro si loo fahmo. Sidoo kale hadalku wuxuu suurogalinayaa in xaaladda laga eego dhinacyo kala duwan muhiimadeedana la sugo.

Waqtiga argaggaxu socoto

Waqtiga argaggaxa dhibka, waxaa la soo fahmaa wixii dhibaatada sababay. Waxaa dhacaya in wixii markaas ka dambeeya aan la xaqirin wixii dhacay, waxaana loo fahmaa in wixii dhacay isbadelkiisa iyo wixii la waayey ay yihiin run. Qofku wuxuu xiligan diyaar u noqonayaa inuu wajaho dhammaan wixii la xiriira dhacdada iyo isbedelka xaaladdiisa.

Waqtiga murugad socoto waxaa la xiriiri kara,

  • dhibaato dhinaca xusuusta iyo degenaan la’aan
  • dulqaad daro ama caro
  • qofka oo isku kaliyooba dhinaca bulshada

Waqtiga murugada qofku wuxuu gar-waaqsanayaa isbedelalka ay keentay dhibaatada la soo deristay wuxuuna ka fikirayaa jiritaankiisa, wuxuu aaminsanyahay iyo wuxuu rumeysan yahay. Waxaa bilaabanaya in qofku ka fikiro waxyaabo kale oon aheyn dhibaatada dhacdey, laakiin wali ma karo inuu ka fikiro waxyaabaha ku soo food leh.Qofku wuxuu u diyaar-garoobayaa waxyaabaha ku soo food leh. Qofka laga geeriyoodey wuxuu waqtiga ka soo kabashada diyaar u noqonayaa inuu si khaas ah u wajaho murugada.

Waqtiga soo kabashada

Waqtiga ka soo kabashada dhacdada waxay noqoneysaa qeyb-kamid ah nolosha iyo khibrad nolol ama khibrad uu qofku soo maray. Qofku wuu la noolaan karaa wixii dhacay, mana xusuusanayo mar walba. Mar marka qaar wuu xusuusanayaa xanuunka dhibkii la soo dersay, laakiin hadana noloshiisu caadi ayey soo noqoneysaa, qofku wuxuu aqoodi karaa inuu ka fikiro waqtiga fooda ku soo haya waxaana soo noqonaya aaminaadii nolosha.

Dhacdadu waxay noqoneysaa qeyb weyn oo kamid ah socodka nolosha, laakiin aan saameyn buuxda ku lahayn dareenka qofka ee noloshiisa. Qofku kama sii fikirayo maskaxdiisuna kuma sii mashquuleyso dhacdada, waxayna keeneysaa inuu adkeysigiisu sii fiicnaado. Qaab socodka dhibaatadu ma aha mid toosan, wixii arrintaa shabaha waxay soo kicinayaan xusuus keeni karta dareen culus oo qofka ku abuurta kurbo ama uu dareemo wax kale.

Dad badan oo ay ku dhacdey dhibaato culus waxay sheegeen inuu ku yimid isbedel: waxay sheegeen in ay iska heleen xoog iyo adkeysi aysan fileynin in uu ku jiro. Dhibaatadu waxay sababi kartaa in qofku uu nuglaado ama dan-qasho dhowaado, laakiin hadana uu sii qiimeeyo nolosha.

Waqtiga masiibada

Marka waxa dhibaatada sababay ay tahay mid murugo xun sii leh oo maskaxiyan loo nug-laanayo, ama qofku uu yahay mid maskixiyan u nugul in dhibaatada uu wajaho, waxaa dhici karta in ka soo kabashada dhibaatadu ay noqoto mid aan fududeyn oo wajiyo badan leh. Mar mar waxaa dhacda in qofku uu waji cusub ku bilaabo noloshiisa taas oo qaadan karta waqti.

Hawsha dhibaatada waxaa inta badan lagu tilaamaa, in xiliga argagaxa kadib in qofku uu is diid-siiyo dhibka ama wixii uu ku soo xusuusanayo. Tan kale dhibaatada naxdinta leh iyo xusuusteedu maskaxda ayey ku soo dhacayaan si deg-deg ama lama filaan ah. Inta badan wajihida dhibaatadu waxay u baahantahay in la helo kaalmada qof khabiir ah oo aan qeyb ka ahayn arrinta. 

Kaalmeynta qofka dhiibaateysan

Marka qof reerka ka mid ah ama qaraabada ah ay la soo deristo dhibaato, waxaa laga yaabaa inuu rabo inuu arrintaas ka hadlo marar badan. La joogitaankaaga iyo inaad dhageysato waxay keenayaan in aad ka kaalmeyso inuu derso dhibaatada. Waxaad waydiin kartaa qofkaas ehelka ah sida uu dareemayo. Waxaa fiican in aadan adigu siinin jawaabo diyaar ah, ee ka sug qofka inuu muujiyo dareenkiisa. Hadalku wuxuu calaamad u yahay in qofka dhiibaateysan uu rabo inuu derso xaaladda isla markaasna uu rabo inuu dareenkiisa la qeyb-sado qofka kale.

Waxaa ugu muhiimsan in lala xiriiro qofka dhibaateysan waqtina in la siiyo. Badanaa asxaabta ama dadka qaraabada ah ma awoodaan in ay wajahaan qofka dhibaateysan waxaana taas sabab u ah iyagoo ka baqaya in ay si khaldan wax u yiraahdaan. Sidoo kale waxaa dhici karta qofka oo si qaldan wax loo yiraahdo ama inuu dareemo kalinimo iyo qaraabadii oo la waayo markii loo baahnaa.

Dad badan oo dhibaatooyin la soo gudboonaadeen ayaa sheegay in ay qiime weyn u lahayd kaalmadii ay ka heleen qaraabadooda. Waxayna yiraahdeen, markii aanan awoodin inaan xataa dukaanka wax ka soo iibsado, waxaan dareemayey wehel sidoo kale in saaxiibada aan cunto wada sameyno. Waxaa taas la mid aheyd in xiligga caawinta hawlaha guriga sida nadaafadda ama cunto karinta in ay  suurogal ahayd in aan ka wada hadalo arimo adag.

Waxaad ku kaalmeyn kartaa qoyskaaga ama qaraabadaadda dhibaateysan:

  • inaad dhaqeysato
  • inaad ka ag dhowaato
  • inaad kaalmeyso
  • inaad rajo u muujiso
  • inaad u muujiso imaad waqti u hayso mar walba
  • hadii loo baahdo inaad ka kaalmeyso sidii uu caawimaad u heli lahaa

Kaalmeynta iyo caawinta dhibaatada

Dhibaatada qofka la soo derista naxdinta iyo saska ay keento waxay sababeysaa in qofku isku dhex-yaaco ama uu u maleeyo inuu waalanayo, wuxuuna dareemayaa cabsi. Dareenka noocaas ah waa wax caadi ah marka qofka ay dhibaato la soo deristo.

Waxaa muhiim ah in la fahmo, in qofka ay ku xiran tahay sida uu uga soo kabanayo dhibaatada, sidoo kale inta badan qofku wuxuu u baahanyahay kaalmada qof kale. Waxaa la xaqiijiyey in ka hadalka dhibaatadu ay muhiim u tahay soo kabashada qofka.

Haddii dhibaatadu ay saameyso qoyska oo idil, waa muhiim in la suurogaliyo in xubnaha qoyska oo idil haddii ay rabaan in ay ka hadli karaan dareenkooda, cabsida ama dhibka culus ee jira. Haddii la rabo in aan laga hadlin dhibaatada culus, arrintaas waxay sababi kartaa dhibaato qoyska soo derista xataa sanado kadib.

Dhibaato naxdin leh oo ku dhacda qof qoyska ka tirsan ama qoyska oo idil waxay sababi kartaa isku-duubni ama isku soo dhawaansho qoyska dhexdiisa ka dhalata. Haddii xubnaha qoysku ay ku guuleystaan in midba midka kale kaalmeeyo sidoo kalena in ay isa siiyaan fursad qof walba kaga hadlo dhibka, taas waxay sababi kartaa in xubnaha reerku intii hore isaga soo dhawaadaan. Waxaa markaas dhici karta in dhibkii dhacay uu xusuus ku reebo qoyska ayna isku duubni ku abuurto.

Reer walba wuxuu leeyahay dareen iyo fikir u gaar ah, kana caawin kara marka dhibaato la soo deristo. Reer ayaa laga yaabaa in ay leeyihiin saaxiibo badan ama qaraabo ay ka heli karaan kaalmo iyo caawimo. Reer kale ayaa laga yaabaa in ay awood u leeyihiin in wax kasta ay ka wada hadli karaan xalna u raadiyaan sidii dhibka ay uga gudbi lahaayeen. Mararka qaar caruurta reerka ayaa laga yaabaa in ay helaan waxyaabo reerka ka baxsan oo u fududeeya in dhibka ay ka gudbaan sida hiwaayad ilowsiisa dhibaatada ama dad kale oo muhiim ah waalidkana sii kaba.

Dhibaato naxdin leh ka fikirkkeeda iyo wajihideeda waxaa haboon in qofku u raadsado kaalmo xirfadeysan kana raadsado tusaale xarunta arrimaha dhibaatooyinka, xarunta caafimaadka shaqaalaha ama xaruntaada caafimaadka. Inta badan deegaamada waxaa ku yaala xarun u gaar ah arrimaha bulshada iyo gar-gaarka deg-degga ah. In la helo gar-gaarka qof xirfad leh waxay muhiimad gaar ah sii leedahay, haddii aad isku aragto ama qofka qaraabada ah aad ku aragto calaamadaha am arrimaha soo socda:

  • Hurdada oo noqota mid aan deganeyn ama adag in la seexdo
  • Nolosha oo noqota mid aan muhiimad lahayn
  • Qofka oo ka go’a saaxiibadiis
  • Degenaan la’aan waqti socota iyo xusuusta oo xumaata
  • Khamriga ama maan-dooriyeyaasha isticmaalkooda oo bata
  • Dareen-xumo daba dheeraata iyo degenaan la’aan
  • Xanuun baahsan, shaf xanuun iyo dareen xanuun oon lahayn sabab
  • Haddii aysan jirin qof kale oo dhibaatada lagala sheekeysto

U sheeg saaxibkaa