Isdilidda xigaalka

Isdilidda qof qoyska ka mid ah waxay keeneysaa murugo culus oo qaabiliddeeda iyo xallinteeda ay qaadaneyso awood iyo waqti. Waxaa in la xasuusnaada ah, in isdiliddu tahay xaalad rajo la’aan ah ee qofka taasoo qofkasta oo isdilaya is celin karin. Isdilka qof qoyska ka mid ah waxay inta badan sababtaa xaalad dhibaato oo culus taasooo qaabilaadeeda iyo xalinteedu ka gaabiso marka loo eego qofku si caadi ah u geeriyoodo. Isdiliddu marka way adag tahay in la rumeeyo. Geerida isdiliddu waa arrin adag in la aqbalo.

Geerida isdilidda ee qof qoyska ah waxay qofka ku reebtaa dareen culus. Gaarahaan dareen shallaay ah oo culus iyo weliba dareen ceeb iyo caro leh. Waxaa kaloo lagu arkaa murugo qarsoon iyo fahmid yar oo ah inaan dib loo soocelin Karin naftaas go’day.

Isdilka qof qaraabada ka mid wuxuu keeni karaa in la isu yimaado ama lagu kala hayaamo. Dadka habab kaladuwan u qaabilaan murugada iyo dhibaatada, kala duwanaanshahaas ayaa wuxuu keeni karaa jahawareer iyo mararka qaarkood khilaaf qoyska guduhiisa ah. Qofbaa laga yaabaa inuu arrinta soo dhexgalo oo qaboojiyo, qof kalena uu arrinta kiciyo oo uu eedeeyo dadka kale, qofka sedexaadna uu murugadiisa la aamuso, kan afraadna uu iskudayo inuu caawiyo dadka akle oo uu ilaabo nafsahaantiisa siduu uu uga kaban lahaa dhibaatada. Waa muhiim ah in lafahmaa, iney jirin hab dhab ah ee murugada lagu xaliyo. Khamri ama isticmaal mukhaadaraad inaan marnaba laga raadin xal. 

Habaka kaladuwan ee murugada, dadku waxay u xaliyaan habab kaladuwan. Dadka inta badan waxaa ku filan wadahadal ay helaan taasoo nafis ku dareemayo, dadka qaar waxay rabaan inay arrintooda ay iyaga gooni u ahaato, qaarka kalena waxay raadiyaan hab ficil ah sida: cayaaraha, farshaxanka ama waxqorista si ay isugu mashquuliyaan. Dadka inta badan waxay leeyihiin habab awoodeed oo  kaladuwan oo ay iticmaalaan. Dhacdadu waxay keentaa waayaragnimo ku saleysan dareen, rumeyn, qiimeyn, aqoon ama xitaa xaalad dareen jir ahaaneed. Si tartiib iyo tartiib ah ayay dadku mustaqbalka cusub u dhistaan.

Qaraabada qofka isdilay waxay xaq u leeyihiin inay helaan mustaqbal wanaagsan. Inkastoo aysan ilaabeyn qofka ka dhintay, haddana waa lagamamaarmaan in laga gudbo, oo loo gudbo noloshii hore ee wanaagsaneyd. Markii ay dhacdadu muddo ka soo wareegato oo laga soo kabsado, dadku waxa ka sheekeeyaan heerkii uu soo maray iyo sidii uu uga soo gudbay. Inta ka horeeysa qaraabada qofka isdilay waxay xaq u leeyihiin inay ka faa’iideystaan caawinaad kasta oo suurtogal ah oo murugadaka bi’in kara oo gaarsiin kara farxad.

Ururadan hoos ku xusan waxay diyaar u yihiin caawinaad iyo taageero u fidiyaan qoyska qofka isdilay:

SOS-Xarunta dhibaatooyinka

SOS-xarunta dhibaatooyinka waxay fidisaa qoyska qofka isdilay koorasyo baxnaaninta hore oo bilaash ah. Qaar koorasyada ka mid waxay ka baxaan wadanka oo dhan. Ujeeddada koorsooyinka baxnaaninta hore waxay tahay ka hortagga muddada dheer ee murugada iyo khibrad ka qaadasha dadka dadkoodu isdilay sidii uga gudbeen. Waxaad ka qabsan kartaa ballan shaqaalaha SOS-xarunta dhibaatooyinka ama wac telefoonka dhabaatooyinka.

Xaruma dhibaayinka ee gobolada

Xarumaha dhibaatooyinka ee Finlad waxay dadkooda u fidiyaan caawimaad iyo kaalmo dhanka masiibooyinka dhibaatooyinka. Wixii caawimaad degdegga ah waxaad kalaxiriiri karta rugaha caafimaadka iyo bukaan socot eegtooyinka.

Surunauha - Itsemurhan tehneiden läheiset ry

Surunauha waa urur ay leeyihiin qoysaska dadkoodu isdilay, kuwaas soo qabanqaabiya koorasyada dhibaato kabsashada iyo caawimaadyo heer sare oo dhan telefoonka ay ku fidiyaan iyo waliba wadahadal dhan internetka ah.

Ka faaleynta isdilka xigaalka

”16 sano jir ayaan ahaa markii aabahay isdilay bilawgii xagaagii 1993. Xagaa murugo badan ayuu ahaa. Waan ooyay duugtiisii, laakiin waxaan dareemay in qosykanaay ila qabaan dareenkaas. Markii hore shook bay igu noqotay, kadibna waxaan culeyska saaray inaan caawiyo inta kale. Waxay dabeecadeydii isu bedeshay mid si wanaagsan waxbarashadiisii u gudan waayay. Markii dambana waan niyadjabay, fasalka sedexaad ee dugsiga sare ayaan la kulmay saykolojiga iskoolka.

Aad ayaan u nasiib badnaa, waxaan awooday inaan kala sheekeysto geerida aabahay saaxiibadayda iyo wiilka saaxiibkeyga. Saaxiibadey wey i caawiyeen oo igala qeybqaateen duugtii aabahay. Xitaa waxay iga caawiyaan sidii aan nolomaalmeeka u wadan lahaa. Ma helin wax caawinaad oo dhan dawladda ah. Boliis waa la kulmay, duugta ka horna baadari waa la kulmay iyo weliba asxaab iyo qaraabo faro badan. Qoyska oo idil wuxuu u baahnaa caawimaad. Aniga xitaa waxaa iga buuxay fikrado badan oo qaab darran shalaayti ah. Waxaan is oran jiray aabahaa sabata uu isudilay mindhaa wuxuu islahaa dugsi sare helimeyso.

Runtii caawinaadihii tan wadahadalka, taakuleyn qoyska iyo wixii kaloo sooraacaba wey nacaawiyeen. Kadib waxaan ka fakaray dhacdadii kadib maxaan in badan socod u sameyn waayay. Waxaan aaminsanahay in taasi i caawin lahayd. Inkastoo aan in badan biyaano qaraaci jiray oon welina qaraaco.

Hooyaday dhacdadaas kadib runtii waxay ka qaadatay shaqadeedii fasax jirro, Waqtiga xaadirka ah runtii dadka waxay qaataan fasax dheer. Dhacdadii kadib reerku wuu kala hayaamay. Hooyo dhibaato weyn ayaa qabsatay, reerki isku dhexyaacay iyo wax la mid ah ayaa ku dhacay. Waxaan ogaaday, haddii nolosha sidaas ku sii socoto ay qar ka dhaceyso oo qofna celin karin. Kadib inaad dabada iska riixo oo aan iskoolkii aado ayay noqotay.

Waxaan bilaabay inaan masuuliyad qaado, inkastoo madaxadeygii da’da qaangaarka hooyo mushkilad kala kulantay oo markii dambana kala hadashay dhibkaas qolyaha aqoonta u leh caawinta dadka. Si kastaba ha ahaatee reerkoo wada jira kala aanan hadlin dadka wax caawiyaa geeri aabahay. Taasna duruufta ayaa keentay oo ah inaan laga wadahal si wada jir ah looga hadli karin.

Ma xusuusto, inaaniskey iskey u raadsaday saykolojiga anoo u maraya kalkaaliya caafimaadka ee iskoolka markaan ahaa fasalka sedexaad ee dugsiga sare iyo inkale. Si kastaba ha ahaatee waqti xun ayay ii ahayd xilligaas. Saykolojiga wuxuu ahaa qof wanaagsan oo la wadahadalkiisana wanaagsanaa. Dugsiga sare kadib waxbarasho ayaan dibadda u aaday, ma garan karin in xilligaas ay habbooneed iyo in kale. Wadan kale u guuristiisa ayaaba dhibaato ah iyo ka waramidda  noloshaada iyoshaqsiyadaada.

Aabahay wuxuu ahaa ganacsade shaqo badan. Dhallinyaranimadiisu khamrigaa dhib ku hayay, taasoo isbadbadal u keentay oo waxwalba shaqadaa uga muhiimsaneyd. Shaqo badan ayuu qaban jiray. Markii dambe ayaan ku fikiray, inay wanaagsanaan laheyd in si wadajir ah uga wada qeybqaadano arrimaha qoyska. Waa run waan wada safarney, laakiin waxaa habooneyd inaan waxwalba ka wadahadalno. Laga yaabaa in aabe kalinimo ku sugnaa.

Hadda waxaan ku jiraa da’dii iyo xaaladdii aabahay oo kale. Nolosha da’da dhexe inta badan waa mid aan xiiso lahayn, waa hawl maalmeed, waa mihnado, waa carruur da’ yar oo ah hawl culus. Guud ahaan aabe shirkadda iyo ganacsiga ayaa noloshiisu ahayd. Sida u maleynayo deganaashadu ma aha mid ka imaaneysa dibadda. Nolosha waxaa soo wajaha qoonsimaad iyo dhibaato oo laga barto waayo-aragnimo.Waa muhiim iney jirto qeyb yar oo farxadda nolosha.  Anagu xaaladdeena dhaqaale ma ahayn mid xun, inkastoo shirkaddeenu kacday, tusaale ahaan gurigeenii ma waayin. Geeridii aabe ka dib waxaa na soo wajahay deymo farabadan.

Finland qofku wuu ku guuldareysan karaa culeyskaa saaran. Dadku koox ahaan way ka dhex muuqan, laakiin culeyska waa ku keli. Sidaan u arko waxa haboon in dadka lagu dhiiri geliyo inuu qoonsasha u dulqaato. Geerida caadiga ah ama tusaale ahaan tan shilka baabuurta waa geeri sabab macquul ah oo la aqbali karo. Haddii qof qaraabada ahi isdilo, caawimaad raadsashadu way adag tahay. Waxaa ku hareereyn shalaayti iyo ceeb. Isdiliddu waa arrin weli inta badan xaaraan ka ah Finland. Sabanka 2000 aad ayaa inta badan looga hadlaa arrimahaas nasiib wanaag.

Waxaan ogahay aabahay markuu dhimanayay sideey doontaba ha ahaatee inuu niyadjab ku dhacay, laakiin xilligaas dadku wey adkeyd sidii ay caawinaad u doonan lahaayeen haddii niyadjab ku dhaco. qofku wuxuu iska dhigayay mid isdaberi karo. Marka dambena waxaa laga arki jiray wajigiisa inuu niyadjab qabo si muuqata, waxaan xusuusta si fiican tusaale ahaan wareysigii Tellervo Koivisto.

Waxaan u sheegi lahaa dadka dareemaya sideyda oo kale inaysan aad u qarsan. Waa muhiim inaad hesho hab aad ku burqato, waa wanaagsanaan lahyd inaad ka hadasho ama telefoon ku sheegto ama aad hiwaayad isboorti yeelato. Xita way fiican yahay inaad u sheegto qof kale fikirka gurracan ee aad qabto si hadal ah.