Hab dhaqan qasan

Anni waxay leedahay wiil la yiraa Jussi oo 22 jir ah. Jussi wuxuu degenyahay Lappeenranta, halkaas oo uu sooguuray muddo labo sano ka hor oo uu arday ka yahay. Anne waxay degentahay Tampere oo waxay la kulantaa wiilkeeda sanadkii dhawr jeer. Anni muddo dheer waxay ka shakisaneyd wiilkeedu inuusan caadi ahayn. Markuu telefoon kula hadlayso hadalkiisu marmar waa mid qasan, oo wuxuu yiraahdaa dad kale ayaa maskaxdeyda akhrisanaya.

Anni waxay u safartay oo ay booqatay halka uu Jussi degenyahay, waxay aragtay in gurigiisu isku dhexyaacsan yahay. Taas waxa dheer in Jussi uu maqlo codad uuna arko muuqaalo, taasoo Anni ay ogaatay in maskaxdiisu khayaali ka buuxdo. Jussi wuxuu joojiyay inuu qubeysto, inuu saaxiibadiis la kulmo iyo inuu waxbarto. Jussi ma aha mid daryeelaya caafimaadkiisa, sida ay la tahay isaga, in dhibta jirta ay tahay iney jiraan in dad ay dabagal ku hayaan oo arrimihiis faragelinayaan.

Maxa la gudboon Anni iyo Jussi?

Anni waxaa looga baahan yahay iney si deggan u fahamto Jussi, dhibtan uu ku jira ineysan sii socon, waana in Jussi la kulmaa takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan, sida rugta caafimaadka ee xaafadiisa ama rugta daryeelka caafimaadka ardeyda.

Waa suurtagal in Jussi ka diido Anni isku daygeeda ah inuu takhtar la kulmo. Xaaladda caafimaad ee Jussi waa mid meel khatar ah mareeysa, marka Anni waa iney ku dadaashaa in Jussi helo caawinaad. Anni waxay wici kartaa si toos ah bukaan socod eegtada qeybta degdegga ah ama xarunta caafimaadka dhimirka, ama haddii loo baahdo lambarka guud ee xaaladaha degdegga (112).

Jussi wuxuu leeyahay calaamadaha waallida. Inta badan dadka dhimirka la’ way adag tahay iney fahmaan xaaladdooda caafimaad oo ah iney go’aansadaan iney takhtar la kulmaan. Dadka leh calaamada dhimir la’aanta ma aha kuwa daryeela caafimaadkooda, xitaa haddii loo sheegi lahaa.

Markuu qofku is daryeeli waayay xaaladdan dhimir la’aanta awgeed, waxaa lagu daweeyaa inta badan isbitaalka dhimirka. Haddii Jussi xaaladdiisu aad u liidato, oo uusan rabin wax caawinaad ah, waxaa lagamamaarmaan noqoneysa waxa loo yaqaan daryeelka daaweynta khasabka ah. Taasoo takhtarku qoreyo diridda MI (waa daaweyn khasab ah), taasoo noqoneysa in Jussi uu muddo isbitaal ku jiro si uu u helo daryeel ku habboon.

Isbitaalka dhimirka waxaa loo dejiyaa dadka qaba dhimir la’aanta qorshe caafimaad. Muddada ku jiridda isbitaalku way is bebedheshaa iyadoo ku xiran hadba sidii loo arko in bukaanku diyaar u yahay inuu gurigiisa ku laabto iyo inuu dabberi karo nolomaalmeedkiisa.

Ku laabasha guriga kadib bukaanku wuxuu helayaa waxa loo yaqaan daryeel furan: Wuxuu si joogta ah u booqan doonaa rugta caafimaadka dhimirka wuxuuna halkaas kula kulmi doonaa takhtarka dhimirka iyo qolyo kale oo aqoon u leh caafimaadka dhimirka. Wuxuu booqan karaa maalintii isbitaalka, halkaas oo uu maalintii joogayo, habeenkiina gurigiisa ayuu aadi doonaa, wuxuu ka qeybqaadan doonaa kulamo wadajir ah ama wixii kaloo baxnaanin ah.

Mararka qaarkood haddii loo baahdo caawinta dhanka guriga waa suurtogal. Guriga daryeelka waa goob ay joogaan dad aqoon u leh cafimaadka dhimirka, kuwaasoo ka caawin doona siduu u dabaran lahaa nololmaalmeedka. Caawinaadahaas jira awgeed Jussi waa suurtogal in loo qorsheeyo mustaqbalka siduu isu daberan lahaa nololmaalmeedkiisa.

Anni waa iney iyana nafsadeeda daryeeshaa, waalidku xanuunka carruurta aad ayay ugu culus tahay. Haddii Anni rabto iney kala hadasho xaaladdeeda cid kale oo waayo aragnimo u leh, waxay wici kartaa sida qolyaha ka caawinta dhibaatooyinka ama ama la xiriiri kartaa heyadaha baxnaaninta ee ehelka qofka xanuunsan.