Daan-daansiga (bahdilka) iskuulka

Daan-daansiga ama bahdilka iskuulka ilmaha loogu geysto wuxuu yeelan karaa wajiyo badan. Wuxuu noqon karaa mid gacan qaad leh, mid laad iyo haraati leh, mid u gacan qaadid wata ama ilmaha timaha la jiido. Wuxuu noqon karaa aflagaado, in ilmaha laga faquuqo saaxiibada kale ama in ilmaha laga fidiyo dacaayad ama sawiro si qaldan loo rogay laguna fidiyo internetka. Khaasatan gabdhaha ayaa iska fidiya dacaayado ay adag tahay in qofka kale uu fahmo laakiin meel ka dhac weyn ku noqon karta ilmaha la faquuqayo.

Qofka walba ayaa noqon kara mid la daan-daansado ama la faquuqo, si sabab la’aan ah ayuuna dhibkaas ula kulmi karaa. Daandaansigaas wuu socon karaa xataa haddaad sameyso wuxuu qofkaas doonayo tusaale haddii lagugu dacaayadeeyo inaad buuran tahay ood is caateyso. Dadka wax daandaansada waxay bilaabaan inay wax kale qofkaas ku dacaayadeeyaan ama waxay daandaansadaan saaxiib kale oo iskuulka dhigta. Daandaansigaas marna ma laha sabab rasmi ah.

Horey waxaa loo maleyn jirey in dadka wax daandaansadaa ay taas u sameeyaan dareenkooda oo xun. Waqtiyadan dambe waxaa lagu macneeyaa in ay yihiin khaqsiyaad kibir badan ama raba in ay faan-faanaan. Daandaansaduhu wuxuu noqon karaa mid raba inuu xanaaqiisa iyo dareenkiisa xun ku reebo qofka la daandaansanayo ama wuxuu noqon karaa mid isaga naftiisa aad loo daandaansaday lana bahdilay. Badanaa kuwa la daandaansado waa kuwo dabeecad wanaagsan oo saaxiibtinimo leh. Dabeecadahaas wanaagsan faa’iido ayuu qofku ka helaa markuu waynaado. Qofka yaraantiisa la kulma daandaansiga wuxuu noqon karaa saaxiib wanaagsan.

Daandaansiga waa in wax laga qabto si loo bad-baadiyo la daandaansadaha iyo wax daandaansadaha labadaba. Kuwa wax daandaansada waxaa la sheegay inay galaan dembiyo kale noloshuna aysan u fududeyn marka loo eego dadka kale badanaa. Sidoo kale qofka la daandaansado waxaa daandaansigaasi uu ku reebi karaa fikir dhibaato leh xataa markuu weynaado.

Dadka la daandaansado xaaladoodu ma ahan mid sahlan. Waxaa arintaas looga tusaale qaadan karaa in ilmaha la daandaansado uu maalin walba iskuulka kala kulmo gacan-qaad iyo xumaan badan oo haddii ay ku dhici lahayd qof weyn isla markaasba noqon lahaa dambi. Waqtiyadan dambe arintu makay gaadho gacan qaad badanaa arinta si culus ayaa loo dersaa. Gacan qaadka waxaa sidoo kale baadhitaankiisa iska leh poliiska. Waxaa kale oo iyana jiri kara daandaansi la xiriira aflagaado, ciyaarta oo ilmaha laga hor istaago, kuwan ayaa noqon kara kuwo ilmuhu iskuulka kala kulmo loona baahanyahay in macallimiinta, waalidka iyo dhammaan in wax laga qabto.

Daandaansiga iskuulka waxyaabo k taxaluqa

Dhibane

Waa ardeyga si is daba joog ah loo daandaansado. Tusaale gacanta oo loo qaado, jir dil, dharka oo laga jiido ama laga jeexo, cay, alaabta oo laga jajabiyo ama internetka oo ardeyga cay loo soo mariyo.

Wax dhibe, qofka wax daandaansada

Qofkan isagaa sameeya daandaansiga, waxaana laga yaabaa inuu kuwo kalena galaafto si ay taas ula fuliyaan.

Daandaansadaha kuwa kaalmeeya

Qofkan isagu ma bilaabo daandaansiga, laakiin wuu ka qeyb-qaataa. Wuxuu noqon karaa mid ku qosla marka qofka la daandaansanayo sidaasna kaga qeyb-qaata. Qofkan wuxuu dhiirigalinayaa in daandaansigu sii sodo, waxna kama qabanayo si uu u dhammaado.

Difaacaha

Qofkan wuxuu la jiraa midka la daandaansanayo, dadka waaweyn ama waalidka ayuu u sheegaa xaalada jirta, wuxuuna isku dayaa in ay dhammaato.

Kor ka eege

Qofkan meesha ayuu ka tagaa marka daandaansigu bilowdo, dadka waaweyn ama waalidka uma sheego xaalada jirta mana caawiyo midka la daandaansanayo. Qofka si uusan dareensaneyn ayuu u ogolaanayaa in waxaas ay sii socdaan.

Caawintan waxaa hadda laga helikaraa Helsinki oo keliya

Waxaan tuhunsanahay in ilmahayga la daandaansado

Badanaa waalidka yaab ayey ku noqotaa in ilmahooda ilaa waqti la daandaansanayey. Xataa haddii xiriirka waalidka iyo ilmuhu fiicanyahay, uuna yahay mid wuxuu dareemaya ee xun u sheegta waalidkiisa, ilmaha waxaa laga yaabaa in ay ku adagtahay inuu ka hadlo daandaansiga iskuulka ka dhaca.

Ilmuhu waxaa laga yaabaa inuu daandaansiga u sheegi waayo sababaha soo socda awgood:

  • Wuxuu ka baqi karaa i n sheegitaanku uusan waxba ka tarin dhibaatada ama uga sii daro.
  • Wuxuu ka baqi karaa in aan si culus hadalkiisa loo qaadanin.
  • Wuxuu ka baqi karaa in isaga lagu eedeeyo inuu arinta qeyb ka yahay.
  • Wuxuu ilmuhu dareemi karaa qiimo dhac iyo ka xumaansho daandaansiga uu la kulmay.

Hadaad ilmaha ku tuhunto arimaha soo socda waxaa laga yaanaa in daandaansi lagu sameeyo:

Ilmaha oo leh calool xannuun aan sabab lahayn, madax ama jir xannuun sidoo kale aan sabab muuqata lahayn.

  • Ilmaha oo iskuulka waqti hore aada, kana soo rawaxa waqti dambe. Waxaa laga yaabaa in ilmuhu rabo inuu ka leexdo kuwa daandaansada ama bahdila iskuulkana uu u maro wado dheer.
  • Ilmaha oo leh dhaawacyo fudud oo uusan sheegin sababtooda ama dharkiisa iyo alaabta iskuulka oo jeexan.
  • Heerka ilmuhu iskuulka ka galo oo hoos u dhacda iyo ilmaha oo aan rabin inuu iskuulka aado.
  • Ilmaha oon lahayn farxad, niyadjabsan ama hurdada oo ku xun.

Haddii uu ilmuhu kuu qirto ama uu kula soo qaado in idkuulka lagu daandaansado ama lagu bahdilo, u sheeg inaad rumeyneyso hadalkiisa isla markaasna isagu uusan arintaas sabab u ahayn. Ilmaha si deggan u dhageyso una waydii su’aalo, waydii kuwa daandaansada ee bahdila? waydii waxay ku dhahaan ama ku sameeyaan? waydii in qofna uu isaga difaaco? waydii in macallinku arinta la socdo iyo in kale? waydii dareenkiisa sida uu yahay? u sheeg waxaad sameyn doonto iyo in aad aaminsantahay in dhibaatadu ay dhammaaneyso.

Waxyaabo wax looga qaban karo daandaansiga iyo bahdilka:

  • La xiriir macallimiinta iyo maamulaha iskuulka kana codso in la idiin qabto kulan, ayna goobta yimaadaan macallin/maamulaha sidoo kale caruurta dhibaatada geysaneysa waalidkood. Arinta horey ugala sii hadal macallinka/maamulaha sidoo kale haddii ay kuu suurogasho waalidka ilmaha dhibaatada geysanaya. Kulanka ka sheeg sida ilmahaagu uga xun yahay in la dhibaateeyo, la daandaansado ama la bahdilo. Kulanka kadin la xiriir waalida ilmaha dhibka geysanaya haddii ay baahi jirto. Haddii waalidka ilmaha dhibka geysanaya uusan arinta wax ka qaban ama uu fududeysto, la hadal macallimiinta iyo maamulka kale ee iskuulka sida maamulaha iyo kalkaaliyaha waxbarashada ee cauurta si ay arinta wax kaagala qabtaan.
  • Haddii ilmaha daandaansiga iyo bahdilka loo geysanayo ay ku jiraan jir dil ama ganac qaad, waxaa lala xiriiri karaa booliska. Sidoo kale haddii internetka la soo galiyo wax qofka dadnimadiisa wax u dhimaya sida cay, aflagaado qofku wuxuu xaq u leeyahay in arintaas uu dacwo ka furo, haddii fal geystuhu uu ka yar yahay 15 sano arinta waxaa soo fara galin kara xafiiska arimaha bulshada.
  • Haddii arintu ay aad u adagtahay waxna laga qaban waayo si dhibaatadu u dhammaato, badanaa markaas ilmaha dhibaatada lagu hayo iskuul kale ayuu u badashaa. Badanaa iskuulka oo la badelo wax ayey ka tartaa in daandaansigu dhammaado inkastoo laga yaabo in ilmuhu iskuulka kale kulmo kuwo daandaansada ama bahdila. Sidoo kale iskuulada faraq ayaa u dhexeeya waxaana suurogal ah in iskuulada qaar arinta isla markiiba laga hadlo waxna laga qabto.
  • Inta uu daandaansiga iyo bahdilku socdo, waxaa muhiim ah in ilmaha loo raadiyo meel uu dareemayo in aan la faquuqeynin uuna ku faraxsanyahay. Meelo sidaas oo kale ah waxaa laga heli karaa hiwaayadaha isboortiga ama deriskaaga haddii ay jiraan caruur ay isku da’a yihiin ilmahuna la ciyaaro. Sidoo kale waxaa ilmaha caawin kara xayawaanka guriyaha lagu xannaaneysto kaas oo uu ka dhiganayo saaxiib.

Sii akhri MLL Vanhempainnetti.

Ilmahayga waxaa bahdila macallinka

Haddii ilmuhu uu kuu sheego in macallinku bahdilo ama daandaansi ku sameeyo arintaas xaqiijinteedu ma sahlana. Mararka qaar ilmuhu wuxuu macallinka dhaqankiisa iyo su’aalaha badan ee la xiriira layliyada iskuulka u macneysan karaa in isaga loola jeedo oo lagu xumeynayo. Sidoo kale waalidka waxaa mararka qaar ku adkaan karta in ay fahmaan sida ay u kala duwanyihiin dhaqanka ilmaha ee iskuulka iyo kan guriga.

Waxaa iyana suurogal ah in qofka ilmaha bahdilaya uu yahay macallinka. Haddii markaad arinta si fiican u baadho eed waydiiso caruurta kale ee ilmaha iskuulka la dhigata ay kuu soo baxdo in macallinku arintaas ku kaco, waxaa kuu furan in aad arinta kala hadasho maamulaha iskuulka. Haddii maamuluhu uu arinta wax ka qaban waayo waxaad u gudbeysaa maamulka waxbarshada ee deegaanka, kadibna waxaad u sii gudbi kartaa maamulka waxbarashada ee gobolka.

Xaaladaha macallinka iyo ardeygu ay si hayaan ma dhib yara in loo kala gar-qaado ama la ogaado xaqiiqadooda. Haddii taasi dhacdo, waxaa fiican in la weydiiyo ardeyda kale ee fasalka lana weydiiyo sida ay arintaas ku xaqiijin karaan sidoo kale aredeyda waalidkoo ayaa la weydiin karaa sida ay iyagana ula muuqato. Haddii waalidiinta ardeydu ay u arkaan in ardeyda mid ka mid ah dhib lagu hayo, way fududaataa in arintaas wax laga qabto.

Aniga ama saaxiibkay ayaa iskuulka lagu daandaansadaa ama lagu bahdilaa

  • Waxaa laga yaabaa inaad hadalkan maqashay: ”bahdilku wuu dhammaanayaa haddaan loo sii fiirsanin”, waad la ogtahay in mar mar uun aad run sheegeyso. Hadaba qofku ma noqon karaa mid aan arintaas dhibsanin? Maya, haddii qofku dareemo dhibaato, wuu soo muujin karaa badanaana sidaas ayaa dhacda. Uma baahna in aad adiguna wax ku sameyso, wax ku dhufato, caydo ee waa in dadka waaweyni ay arinta wax ka qabtaan.
  • Macallimiinta, maamulaha, shaqaalaha kale ee iskuulka, waalidkaa iyo waalidka qofka wax dhibaya waxaa loo baahanyahay inay daneeyaan daandaansiga iskuulka isla markaasna ay xooga saaraan inuu dhammaado. Tan kale uma baahna in la daneeyo midka wax dhibaya haddaladiisa cayda ah. Qofna ma aha inuu niyad jabo sabab kaga timid daandaansi.
  • Waxaa laga yaabaa inaad u fikirto in aan loo baahneyn in daandaansiga qof kale loo sheego, sidoo kale in uusan dhammaaneynin. Waxaad ogaataa in macallimiinta uu xil ka saaranyahay in dhibaatadu ay dhammaato. Waxaa loo baahanyahay in daandaansiga wax laga qabto mar kasta lala kulmo. Tusaale macallinkaaga, waalidkaaga iyo shaqaalaha kale ee iskuulka ama dhammaantood ayaa wax ka qaban kara kuwa ku daandaansada ama dhibaatada kugu haya. Sidoo kale kuwa ku dhibaateeya waalidkood lama socdaan sida xun ee ilmahoodu u dhaqmo, ilaa arintaas lala socodsiiyo.
  • Haddii daandaansiga iskuulku dhib kugu hayo, waa muhiim inaad dhibkaas ka hadasho. Tusaale waxaad la hadli kartaa waalidkaa, ayeeyo ama awoowe, saaxiibadaa, kalkaaliyaha caafimaadka ee iskuulka dhammaan waad kala hadli kartaa dhibkaaga.
  • Xusuuso, in saaxiib fiican aad ka heli karto iskuulka meel ka baxsan. Badanaa saaxiibka fiican waxaa laga yaabaa inaad iska barataan hiwaayada ama deriska.
  • Haddii dhibaatada daandaansigu ay dhammaan weydo, waxaad ka sameyn kartaa inaad iskuulka ka badalato. Iskuulka dugsiga dhexe kadib, waxaa aadi kartaa dugsi sare, dugsi xirfadeed ama waxbarasho kale oo aadan u baahneyn inaad ka fikirto kuwii ku dhibi jirey. Sidoo kale iskuulka waa la badelan karaa dugsiga dhexe intadan dhameynin. Waxaa dhibaato ah in kuwa ku dhiba daraadood aad iskuulka uga tagto. Badanaa qofka la dhibaateeyo ayaa iskuulka badesha, maadaama oo ay adagtahay in qofka wax dhibaateeya lagu qasbo inuu iskuulka badesho.
  • Waligaa haka fikirin inaad adigu isku eedeyso sababta laguu daandaansanayo ama in adiga khaladku yahay. Daandaansigu ma laha sabab la fahmi karo mana aha in qofna dhibkaas loo geysto. Haddii iskuulka kadib aadan farxad lahay, waxaa wanaagsan inaad raadsato hiwaayad aad xiiseyneyso ama saaxiib si aad farxad u hesho.

Waxaan arkaa saaxiibkay oo la daandaansanayo (la bahdilayo) maxaan sameeyaa

  • U sheeg saaxiibkaa inaad isaga la jirto, hadlkaasna waxaa fiican inaad maqashiiso kuwa isaga dhibaya. Waxaa laga yaabaa in aad ka baqdo in xataa adiga lagu daandaansado haddaad saaxiibkaa difaacdo. Tan kale haddii in badan ay la saftaan kan dhibka loo geysanayo, waxaa suurogal ah in midka dhibka geysanaya uu kali noqdo, kadibna uu joojiyo daandaansiga iyo dhibaatada.
  • Dhibaatada daandaansiga aad ayey muhiin u tahay in lala socodsiiyo waalidaka ama qof weyn. u sheeg saaxiibkaaga la daandaansado inuu arinta u sheego macallimiinta ama maamulaha. Xataa waad isu raaci kartaan si aad ugu wada sheegtaan dhibka jira. Haddaad xiligga nasashada aragto ardey la bahdilayo ama la daandaansanayo, la dhibaateynayo waxaa kugu waajib ah inaad u yeerto macallinka ilaalinaya nasashada nabadeeda, tustana waxa jira. Waligaa ha uga tagin saaxiibtaa in la daandaansado awgeed.

Sii akhri MLL Nuortennetti.

Ilmahayga ayaa wax daandaansada/dhibaateeya. Maxaan sameeyaa?

  • Waxaa laga yaabaa inaad macallinka ama qof kale aad ka maqasho, in ilmahaagu ilma kale  dhibaateeyo ama daamdaansado. Waxaa laga yaabaa in warkaas aad la yaabto ayna kugu adkaato inaad rumeyso. Waydii ilmaha warka aad maqashay siduu u arko sidoo kale waydii haddii uu wax daandaansado ama dhibaateeyo. Isku day inaad fahamsiiso in daandaansigu uu yahay wax khalad ah loona baahanyahay inuu joojiyo wixii xiliggaas ka dambeeya.

Haddii ilmaha la dhibaateeyey waalidkii ay codsadaan in ay kula kulmaan ilmuhuna ay kulankaas yimaadaan waa talo fiican. Kulankaas ilmahaagu wuxuu u balanqaadi karaa ilmaha uu dhibo in mar dambe iisan sidaas sameyn doonin.

Haddii ilmuhu uu kuu qiran waayo inuu wax daandaansaday aanad hubin weydo waxa runta ah, la kulan macallinka ilmahaaga iyo macallinka ilmaha dhibka loo geystay sidoo kale ilmaha dhibaatada tirsnaya. Waxaa muhiim ah in arinta runteeda la gaaro. Haddii ilmahaagu dhibaato sameynayo ama uu ilma kale daandaansado ood rumeysan weydo waxaad ogolaaneysaa in ilmo kale maalin walba uu xumaan iyo dhibaato kala kulmo iskuulka. Waxaa baahanyahay inaad ilmahaaga ka dhaadhiciso inuu fahmo in daandaansiga iyo dhibaateynta ilmaha kale in ay khalad tahay.

  • Marka arinta daandaansigu dhammaato, la xiriir macallinka iyo waalidka ilmihii la dhibaateeyey hubsana in daandaansigii uu dhamaaday oo nooc kale uusan isu badelin sida ilmaha oo saaxiibada kale lagu diro.
  • Ka digtoonoow, inaadan adigoo ogsoon ku dhaqmin calaamadaha daandaansiga, tusaale  inaadan waxba ka sheegin dadka kale sida ay u, eg yihiin, siday u hadlaan, awoodoodahooda kala duwan, ama aanad u malayn, in dadka qaar ka fiican yihiin dadka kale. Ilmuhu waxaa laga yaabaa  inuu fekerkiisa iyo dhaqankiisaba ku cadeeyo, inuu xaq u leeyahay inuu sheego aragtidiisa ku wajahan qofka kale sida uu u eg yahay.

Hadii xilligii isguulka daandaansigiisii dib ugu soo laabto maskaxdaada adoo qof weyn

Dadka waaweyn badanaa waxay u arkaan in bahdilkii xiliggii ískuulku uu saameyn ku yeeshay noloshooda markii ay qof weyn noqdeen. Xataa markuu qofku hawl-gab noqdo ayuu xusuusan karaa xiliggii iskuulka bahdilkii loo geystay. Waxaa caadi ah in arimahan aad si xoogan u xusuusato ama ay ciriiri kugu abuurto khaastan marka ilmahaagu iskuulka bilaabayo ama nasiib daro uu isna la kulmo bahdil ama daandaansi.

Fahamka qofka in la daandaansaday iyo arintaas wajihideeda waxay qofka u saamixi kartaa inuu fahmo arimo kale. Marka ilmahaaga la daandaansado qofka waalidka ah wuxuu markiiba ka fikiraa daandaansiga ka dhaca iskuulka. Taas ka hor waxaa laga yaabaa in daandaansiga xiliggii iskuulka qofku u dareemo qaab xishood, cabsi, khaki ama niyadjab. Marka qofku wajaho daandaansiga lagu sameeyey ilmahiisa, marka laga yimaado naxdinta hore wuxuu fursad u haystaa inuu xataa midii isaga horey loogu geystay ka soo kabsado.

Guud ahaan qofka waalidka ah ee caruurnimadiisii iskuulka kala kulmay daandaansi iyo bahdil aad ayuu u fahmaa ilmihiisa la daandaansado, wuu dhageystaa wuuna caawiyaa. Marka ilmaha iskuulka lagu dhibo, waalidka waxay arintaas ku beertaa dareem culus waxaana mararka qaar dhib ah in waalidku uu arinta dejiyo. Qofkan marna ma dhacdo inuu ilmihiisa dhageysan waayo ama fahmi waayo, sababtoo ah wuxuu aad u fahmayaa waxa uu ilmuhu ka hadlayo.

Marka qofka weyni dib u eego xilligii iskuulka daandaansigii uu la kulmi jirey, waxyaabo badan oo cusub ayaa laga yaabaa inuu fahmo. Xiliggii caruurnimada waxaa dhacaysay in ilmuhu dembiga isa saaro una maleeyo inuu inta kale ka xunyahay. Waxaana laga yaabaa in xataa taas ay wali socoto. Qofka weyn wuxuu gareysanayaa in qofna uusan u qalmin in la bahdilo ama la iska daandaansado, arintaasna in qof walba ay ku dhici karto.

Marka qofku ilmihiisa caawinayo, waxaa suurogal ah in isaguna uu dareenkiisa dib ugu laabto arimahaasna ka fikiro. Waxaana suurogal ah haddii arintu ay si fiican u dhacdo in ilmaha dhibka lagu hayo uu dhamaado, isla markaasna qofka weyn xataa uu arimihii yaraantiisii uu la kulmay uu si kale u arko. Arintaas dhibka leh ka gudbideeda qofka xoog ayey siisaa sidoo kale dhib walba oo qofka soo wajaha isla markaasna uu ka gudbo.

Marka qofku uu si qoto dheer arinta u eego kaligiis ama isagoo kaashanaya qof xirfad arintaas u leh, wuxuu fursad u helayaa inuu arintaas ka xoroobo, dareenkeedii dhibka lahaana ka reysto. Markaas daandaansigii nabar bogsaday ayuu noqonayaa isla markaasna aan dhib ku ahayn aayaha qofka. Waalidka laftiisu wuxuu ka fikiraa una muuqda waxyaabaha kale ee uu qbsaday ama gaaray isagoo waliba xusuusnaa dhibkii hortey u soo gaaray.

Buuggaag la xiriira mowduuca: Elämää koulukiusaamisen jälkeen (Holmberg-Kalenius, 2008).