Dagaalka

Dagaalku wuxuu ku yimaadaa qaabab badan. Habka ugu sahlan ee dagaalka waxaa loo kala saari karaa mid jidheed (gacanqaad) iyo mid maskaxeed. Dagaalku wuxuu noqon karaa garaacid iyo haraatin qof kale ama aflagaadeyn ama sababid waxyeelo leh,welwel iyo dhibaato. Labada hadba way damqiyaan qofka kale oo ay sabab u noqon karaan in uu dagaal dhasho.

Dagaalku sidoo kale wuxuu yahay gooniyeelista sifo gaar ah ama muuqaalka qofka, tusaale ahaan sida midab takoorka. Waxa kale oo dagaal loogu yeedhaa ficil, kaasoo qofka looga faa’iideysto ama lagu khiyaameeyo sida lacagta. Tixgelin la’aanta iyo hagardaamadu sidoo kale waa qaab ka mid ah dagaalka. Tusaale ahaan caruurta kale ee daryeelka iyo ka warqbka u baahan ama daryeel la’aanta waayeelka ayaa ah hagardaamo iyo hagardaamada dhaqaalaha ee baabi’inta hantida guud ee qoyska ogolaansho la’aan.

U dhibaataysnaanta dagaalka waa khibrad marxalad adag. Dhaawaca maskaxeed oo uu wehliyo dagaal jidheed ayaa keeni kara dhaawac xun oo jidhka ah. Dhammaan dagaaladaas oo wadajira ayaa iyada oo aan loo eegin qaabkooda ayay waxayeelo u geystaan qofka oo uu dareemaa inta badan xumaan iyo qiimadarro. Khibradaha dagaalku waxay ka koobnaan karaan tusaale ahaan dareemadan soo socda:

  • Amaan darro iyo cabsi
  • Kurbo
  • Gaboodfal iyo ceeb
  • Qiimo darro
  • Miciindarro iyo awood darro
  • Naceyb iyo gardarro 
  • Cadawtinimo iyo aargudasho doonis
  • Tusaale ahaan dabeecado niyadjab iyo ishaliggaad
  • Calaamada sida madax xanuunka, hurdo xumida ama bog xanuunka ee jidhka

Waa wax caadi ah, in la qarsado dagaalka. Iyadoo aan loo eegeyn qaabka dagaalka, dadka ay la soo gudboonaato dagaalka waxa laga yaabaa inuu qariyo xalaaladda iyo dhaawiciisa ama uu daafaco qofka kale dhaqankiisa xun.Qofka la kulma ficilka gediska ah ee dagaalka waxaa laga yaabaa inuu qaadan waayo dhacdadaas, taasoo ay dhici karto caawimaad raadsashadu inay muddo dheer qaadato.Dembiga dagaalku ma, aha mid mar walba la garan karo nooca dembigu yahay, mana aha arrintu mid dadka masuulka ahi ogaanayaan.

U dhibaateysnaanta dulmiga dagaalka waxaa kaloo la xidhiidha inta badan dareemo gaboodfal iyo ceeb kuwaas oo caqabad ku ah raadsashada caawimaada.Sidoo kale cabsi ka baq ama tusaale ahaan waxyaabaha la xidhiidha dagaalka ka dhaca xigaalada dhexdeeda oo la aaminsan yahay in xal loo helayo, ayaa hor istaagikara caawimaad raadsashada. Jidh dilka joogtada ah iyo bahdilidda ayaa horseedi kara hoos u dhaca sharafta qofka, taasoo u muuqan karta in aanay suurtogal ahayn raadsashada caawimaaddu.

Dagaalka waa in marwalba caawimo loo raadsadaa!

dagaalka iyo qaababkiisa kala duwan waxay keeni karaan marxalado badan oo kala duwan. Akhri weliba:

Dagaalka la xidhiidha faro xumeynta waxaad ka heli kartaa tusaale ahaan bogagga Raiskauskriisikeskus Tukinaisen ama Väestöliiton

Faahfaahimo badan oo la xidhiidha dagaalka iyo qaababkiisa kala duwan:

Ensi- ja turvakotien liitto

Nettiturvakoti

Terveyden- ja hyvinvoinnin laitos 

Caawimadda dagaalka

Waxaa sal u ah dagaalka waxyaabo badan, laakiin waaya-aragnimda dagaalka shaqsi ahaaneed ee leh jidhdilnimo soo noqnoqota waa suurtagal in loo helo caawimaad oo sii socoshada dagaalka halkaa lagu jaro. Labadaba kan la dhibaateeyey iyo kan wax dhibaateeyeyba waxaa jira caawimaad, waana la raadsadaaa.

Haddii adiga nafsad ahaantaa ay ku qabsato ama aad aragto cid kale oo dagaalka dhibane u ah, si degdegga ah ula soo xidhiidh telefoonka degdegga ah ee 112. Dagaalku waa waajib in wax laga qabto. Akhri faalada Booliska ee wax ka qabashada dagaalka. Haddii ay jidhka dhaawacyo kaaga yaaliin, la xidhiidh halka kuugu dhow ee gargaarka degdegga ah ama wac lambarka degdegga 112.  U raadso iskaa caawimaad dhanka nafsad ahaantaada caawimaad tusaale ahaan Rikosuhripäivystys, halkaas oo aad ka heleyso caawimaad iyo warbixino sidaad ka yeeli lahayd xaaladdaas.

Caawimadda xaaladda dagaalka qoyska waxaad ka heleysaa hoyga badbaadinta, oo aad raadsan xilli walba, xataa adiga iyo caruurta. Akhri weliba Ensi- ja turvakotien liiton turvakodeista. Caruurtu waxay kaloo iskood u raadsan karaan hoyga badbaadinta. Ururka Bisha Cas ee Finland ayaa maamula Guryaha badbaadinta dhallinyarada ee nawaaxiga caasimadda, Turku iyo Tampere. Caawimadda waxaad kaloo ka heleysaa Nettiturvakodista.

Qofka dagaalka geysta waxaa suurtogal ah in la saaro mamnuucid u soo dhowaansho, xataa reerka gudihiisa. Bogga booliska ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah ee mamnuucid u soo dhowaansho iyo dagaalka qoyska wixii la xidhiidha sharciyada

Maxaan sameeyaa, haddii aan ka shaki qabo inaan ahay dhib wade?

Qeybaha kale ee wax caawiya:

Caruurta iyo dhalinyarada waa in laga badbaadshaa dagaalka, sababtoo ah ka markhaati ahaanshaha dagaalku wuxuu dhaxalsiin karaa caruurta khibrad xun.

Caawinta ajaaniibta:

Dagaalku yuusan kugu keli noqon!

Dembiyada dagaalku waxay saameyaan dareenka nabadgelyada

Dembigu waa ficil sharciga ku qoran oo ciqaab leh. Dembiyada dagaalka waxaa ka mid ah gacan qaadka iyo gacan ku dhiiglaha waxaana soo raaca dembiyada galmoodka sida kufsiga ama galmada khasbka ah. Sidoo kale boobka wuxuu ka mid yahay dembiyada dagaalka.  dembiyada guud ee waxyeelayntu waa gacan qaadka. Sidoo kale tusaale ahaan khasabka iyo hanjebaadu, inkastoo aysan ku jirin dagaal jidh ahaaneed hadana waa falal dembiyeed.

Dhibanaha loo geysto dembiga wuxuu noqon karaa qof walba. Waxyeelada lama filaanka ah ee dembiga loo geysto dhibanaha ma aha mid laga sii gaashaaman karo. Haddii aad tahay dhibanaha dembiga, sida ugu dhaqsaha badan ula xidhiidh Booliska.

Lambarka guud ee gargaarka degdegga 112

Gargaarka degdegga dhibanaha dembiga dadka loo geysto dembiga waxay ka heli karaan caawimaad iyo kaalmo. Sidoo kale markhaatiga dembiga waxay ka heleyaan caawimaad gargaarka degdegga dhibanaha dembiga.

Marka laguu geysto dembi aad ku noqoto dhibane dhibaatada ka timaada badanaa waa badanaa ka bogsashada dhibkaasna wuxuu la mid yahay kuwa kale. Dadku badanaa way ka gudbaan qibradaha dhibaatoyinka adag qof walba wuxuu uga gudbaa qaab, kuwaas waa laga faaiidaystaa. Dembiyada dadka qaar loo geysto waxay u baahdaan dadka xirfadda u leh. Caawimaad dalbashada ma aha in laga shakiyo.

”Markii dariiqa la,igu soo weeraray, ayadoo aysan jirin wax sabab ah oo aan geystay. Waqti dheer ayaan shooksanaa runtii ma aanan fahmin sababtu waxa ay tahay. Waan rumaysan waayey, in arrintani aniga igu dhacday, waxaan deganaa  noloshayda  isku meel, iyo magaalo aan aqaan.”

Waxay ku xidhan tahay nooca dembigu yahay iyo qof walba qaabka u goonida ah ee uu u dareemo xaaladahaas, qibradaha dembigu waxay keeni karaan dareeno badan oo kala duwan. Sida qofka dhibanaha ah, iyo qofka ka ah denbiga marqaatiga dadka ay la kulmaan xaaladahaas waxay ku keeni karaan dhibaatooyin adag.

  • Cabsida denbiiluhu sameeyo in aad mar kale la kulanto. Shakiga iyo xaaladaha kala duwan dadka way ku siyaadi karaan.
  • Dareen nabadgelyo la’aaneed iyo xidhxidhnaan. Wax walba way dhici karaan. Dhacdooyinka ka dib qofka waxaa u fududaan karta waxyeelada” sugidda arrinta u xun” xaalad walba.
  • Murugo, tusaale ahaan dareemadaada ayaa qofka qaldi karta oo cabsi gelin karta. ” ma waashay”.
  • Ceeb iyo is eedeyn. Wuxuu qofku ku fekeraa oo madaxiisa ku soo noqnoqda, sideen uga hortegi karaa in ay wax dhacaan. Weydiinta ay dadka kale dhacdadda ka waraystaan qofka ayaa dareensiin karta. Is eedeyn joogta ah.
  • La kulanka arimahan waxay keeni karaan niyadjab. Dareenka ceebta waxaa looga hortegi karaa dalbashadda caawimada
  • Xusuusta- iyo dhibaatooyinka foojegnaanta. Dhacdadda qofku wuxuu u dareemi karaa in aysan ahyn mid dhab ah ama sawir maskaxeed iyo qarow qofkana si lama filaan ah ayay madaxa ugu soo dhacaan. Sameynta qoraalada ayaa saameyn ku yeelan kara.

Xigaaladu waa fiican tahay in ay ogaadaan, in qibradaha denbigu ay saamayn ku yeelan karaan isbedel shaqsiyadeed iyo isbedeldareen oo ah dhanka nolosha iyo bulshadaba. Tusaale ahaan dareemo xoog badan oo isbedbedela ayaa saameyn ku yeelan kara dhaqanka qofka, la qabsashada arrintan waxay xigaaladu u dareemi karaan mid adag.

Dhibanuhu wuxuu dareemi karaa in uu u baahdo keli ahaansho, laakiin haddii sida kale loo fiirsho dhibanahu wuxuu u baahan yahay taageeradada xigaaladda. Isbedelku ma aha mid ay ka muuqato calaamado in qofku u xanuunsan yahay niyad ahaan ee waxa jiraa waa dareemo. Caawimadda waqti dheer socotaa si kasta ha ahaatee way habboon tahay in la dalbado.

Dhibanayaasha qaarkood waxay leeyihiiin xanuuno jidh ahaaneed, sida madax xanuun iyo calool xanuun, xataa haddii uusan dhibku aheyn mid waxyeeleeyey. La kulanka xanuunadda galmada, sida xanuunka neefsashada oo adkaada ama dareen ah dhuun qabad iyo hurdo, waa u caado.

Qofka kufsashadu haleeshay badanaa waxay ku keentaa is xaqiraad qofku jidhkiisa uu ka dareemo, taas oo badanaa keenta in uu yimaado xanuunka cunto xumada ama in uu jidhkiisa u geysto waxyeelo. Sidoo kale dadka kale ee dhibanayaasha ahi waxay waxyeelo u geysan karaan naftooda iyo in ay u dhaqmaan ama ku fekeraan ama isku dayaan inay isdilaan.

Haddii aad dareemayso tusaale ahaan murugo iyo niyadjab joogta ah, ama aad ku fekerayso isdil, hurdo xumo ama xasilooni darro ama aad dareemeyso inaad siinayso feejignaan badan oo aan muhiim ahayn sheekooyinka la xidhiidha dembiga, waxaa aad u wanaagsan oo weliba habboon inaad caawimaad u raadsato.

Tusaale ahaan caawimada waxaad ka heli kartaa xarumaha arrimaha dhibaatooyinka. Dhibanayaasha la kufsaday waxay caawimada ka heli karaan tusaale ahaan Raiskauskriisikeskus Tukinaisesta. Sidoo kale tusaale ahaan daryeelka caafimaadka waxaad ku heli kartaa la sheekaysashada dhakhtarka cilminafsiga. waxaa kaloo habboon la sheekaysashada kalkaalisada caafimaadka.

Rikosuhripäivystys: Väkivaltarikokset

Dagaalka maskaxeed qalbada ayuu wax yeelaa

Dagaalka maskaxeed macnaheedu waa dagaal, kaasoo aan ahyn mid jidh ahaaneed. Dagaalka maskaxeed ma aha mid badanaaba loo raadsado caawimo, sababtoo ah waxaa adag qirashada oo looma arko dhib dagaalku keenay. Waxa la odhan karaa waa nooc dagaal qarsoon, oo uu qofku gudaha ka dareemo mana laha calaamado muuqda oo lagu garto, sida haaro ama dhaawacyo.

Dagaal maskaxeedku wuxuu ka imaan karaa meelo badan oo kala duwan, wuxuuna lee yahay heerar kala duwan. Dagaalka maskaxeed wuxuu keeni karaa tusaale ahaan dhaqan wax kala jeclaansho la’aan iyo aflagaaddo ama cagajugleyn iyo cabsi gelin. dagaalka maskaxeed wuxuu keenaa waxyeelo qalbi ahaaneed. Dareenada ah ka cabsashada dagaal oogaha, kurbada, qiimo darrada iyo is eedaynta waa kuwa caadi ah. Dagaalka maskaxeed wuxuu waxyeelayn qoto dheer u geysan karaa tusaale ahaan qaayaha iyo qiimaha oo sababa niyadjab.

”Ma aha, in gacan qaadkii uusan ahayn waxba ee waa, waxaan helay in aan joogto u dareemo ama aan maqlo xumaantayda. aad ayay u xanuun badnayd. Haarihii usbuuc gudihiis ayay ku baabe’een”

Dagaal maskaxeedka waxaa badanaa la xidhiidha waxyeelaynta qoyska. Dagaalka gacan qaadka ee xaaska ama aflagaadada, cambaareyn xun ama liidid qof qoyska ka mid ah. Xataa goobta shaqada- iyo daandaansiga iskoolka waa dagaal maskaxeed. Dagaalka iskoolku wuxuu noqon karaa tusaale ahaan gujeyn ama gacan qaad, taas waa arrin adag oo dagaal jidh ahaaneed ah.

Calaamadaha dagaal maskaxeedka:

Wajihida ceebta, sida

  • Is eedayn
  • Is qiimeyn ama is liidid
  • Aflagaado ama cay
  • Sidoo kale gef

Dhaqanka wax kala jeclaansho la’aanta

  • Wax kala jeclaansho la’aanta dagaalka ee dareenka dhibanaha
  • Qaderin la’aan sinaanta aad xaqa u leedahay

Is xakamayn, sida

  • U hanjebid, cabudhin ama cabsi gelin. Xaaska ayaa sameyn karta tusaale ahaan in ay ula dhaqanto caruurta si xun si ay u hesho in aad adigu samayso sida ay rabto. Dagaal maskaxeedka qoysku waxay wax u dhintaa ilmaha.
  • U fiirsasho iyo xaddidaada wax qabadka. Qoyskaaga tusaale ahaan waxaa lagaa sugayaa in aad” masuul ka ahaato akoonka” bixitaanka iyo waxa ay samaynayso xaaskaagu go,aan kama gaadhi kartid arrimahaaga.
  • Waxyaabaha lagaaga baahan yahay iyo waxqabadka qasabka ah sida qofka kale rabo tusaale hanjebaad in lagu waxyeeleeyo.
  • Takoorista, tusaale xidhiidhka 

”Dhibaatada la igu eedaynayo ayaa keentay in aan aamino in aan anigu masuul ka ahay xaaladahaas, anna taas ayaan aaminay, in sida xun ee la iila dhaqmayo ay tahay sax. Wuxuuna iigu hanjebey xanibaad  guriga ah, si aanan saaxiibaday uga dalban caawimaad.  Sidaas ayaa keentay in uu si fudud ii kaantaroolo aniga. Waxaan dareemayey keli ahaan iyo dayro.”

Maxaan ahyn dagaalka maskaxda?

Dagaal maskaxeedku mar marka qaarkood waa mid ku xaddidan xumaan ama dhaqan aan habboonayn. Waa iska caadi in aad dad kale hadal wax ugu dhinto ama adiga laguugu dhimo. Si walba ha ahaatee qaab dhaqankeena ama odhaahdayada in aysan ahay, sida qofka kale wax u fasirtay.

Haddaad dareentid in arrin qofku ka xumaaday, waxaa fiican in laga wada hadlo lagana heshiiyo, sida qofku wax ula jeedo ama u yidhi iyo sida ay ula muuqatay. Wada hadal furan ayaa naga wada caawin kara arrintaas oo ku wada dareemi karnaa wanaag dhammaanba. Arrimaha aan cadeyn ama aan laga wada hadlin ayaa keeni kara in qofku wax gocdo.Qofka oo ka xumaaday hadana ixtiraamaya dadka kale ayaa doonaya macquul ahaan waxa loola jeedi karo in uu fahmo tusaale waana qof doonaya wada hadal iyo in laga wada hadlo arrinta.

Dhanka kale marka loo eego arimo badan oo loo fahmi karo siyaabo kala duwan , kuna yeelan kara saamayn habdhaqanka ayaa noqon kara ku talagal. Badanaa dagaalka maskaxeed ee goobta shaqada ama lamaanaha waa mid soo noqnoqda. Qofka geysta dagaal maskaxeedka ama dareemo eedayn ah wuxuu daneeyaa dadka kale fikradooda iyo dareenkooda.

Qofka geysta dagaalka maskaxeed wuxuu ula dhaqmaa dadka kale si ay jeclaystaan taas oo keenta in ay dadka kale aamini waayaan waxa uu sheeganayo dhibanahu. Xaaladahaasu waa kuwo qalafsan, laakiin si walba ha ahaatee waxaa fiican in laga wada hadlo. Haddii aysan saas macquul ahyn inaad wada hadashaan qofka geystay dagaalka, waa in aad caawimo ka raadsataa meel kale tusaale ahaan waa in aad kala sheekaysato arrinkaas qof kale oo aad ku kalsoon tahay, si aad u nefisto.

Dagaalka qoyska

Waxaan odhan karnaa qoyska ama xidhiidh walba oo dad ka dhexeeya waxaa ka yimaada dagaal. Dagaalka qoyska ee jidh dilka ah waxaa weheliya badanaa dagaal maskaxeedka. Badanaa marka laga hadlayo dagaalka qoyska waxaa laga wadaa waalidka ama labada qof ee wada nool dagaalka ka dhex dhaca. Qofka dagaalka geysanaya wuxuu noqon karaa qof walba oo reerka ka tirsan, sida ilmaha qaangaadhka ah ee qoyska. Xataa ilmaha yaryar waxaa dhex mari kari dagaal, waxaana dhici karta in aan la dhexgelin, sababtoo ah waxaa loo arkaa ” isjiidjiid caadi ah”.

”Qeyb aad uyar oo ka mid ah dagaalka qoysk a ayaa soo gaadha shaqaalaha dowlada. Qoyska muddo dheer ku wada noolaa dagaal badanaa wax weyn kama dhigaan qibradda iyo saameynta dagaalka.”

Badanaa dagaalka qoysku waa mid soo noqnoqda, waxay u xidhiidhsan yihiin hir ahaan way sii socotaa ilaa ay ka qaraaraato. Dagaalka dhexmara dadka is xiga badanaaba waa mid soo noqnoqda. Waqtiyadaas ayay dhacaan falalka dagaalka leh, kuwaas oo tusaale ahaan keena cabsi xoogan iyo rajo la’aan, laakiin badanaa qofka sameeya dagaalka wuxuu ka dhigaa wax aan weynayn ama wuxuu isku dayaa inuu u sharxo dhibanaha in uu keenay dagaalka. Dhibanuhu wuxuu badanaa aaminaa inuu yahay danbiilaha dagaalkana wuxuu u aqbalaa in ay tahay xumaan isaga ka socota.

Mar marka qaar dembiiluhu qofka wuu raali geliyaa, ama badanaaba balan ayuu ka qaadaa, in uusan mar dambe sameynayn sidan oo kale. Qofka jecel qofka kalena wuu aaminaa isagoo rajaynaya in uu isbedelayo. Marka jawigu degenaado muddo si walba ha ahaatee arrinku wuu ka sii daraa sidii hore wuxuuna badanaa ku dhamaadaa gacan qaad hor leh iyo cadhada oo badata.

Xanuunka guud ee joogtada ah ee dagaalka qoyska waa dareen ka socda xidhxidhnaanta iyo rajo la’aanta. Dareemadda hanjebaada iyo cabsida leh waxay ka socon karaan jaahwareerkii hore oo keeni karta xanuunka niyadjabka. Xaaladdaas oo u muuqata mid aan laga gudbeyn ka hadalka arrintaasna qofku dareemayo in ay aad ugu adag tahay. Ceebta iyo hanjebaadunu waxay noqon karaan mid qofka aad ugu sii adkaysa jidhdilka hallista ah. Xaaska ama xigaalada in ay isbeddellaan waaxaa laga yaabaa rajada laga qabo in ay qaadato sanaddo. Xusuusnoow, in dhibaatada iyo is eedayntu ay keento fadeexado iyo dagaalka aad la soo kulantay, Taasuna ma aha mid aad sababteeda leedahay!

Waxaad ka heli kartaa warbixin dheerad ah oo ku saabsan dagaalka qoyska Ensi- ja turvakotien liiton sivuilta.
Sii akhri kala duwanaanta waxyeelaynta.
wareegtada booliska iyo wasaaradda arimaha gudaha 
ee dagaalka qoyska.

Sheekada: Sari, 35

”Waxaan ka imid shaqada anigoo ka baqaya in uu soo jeedo. Albaabka ayaan furaha ku rogay si tartiib ah,si uusan u maqlin, waxaanan galay gudaha. Wuxuu fadhiyay fadhiga asagoo badhna ka hurda badhna ka soo jeeda, wuu cabsanaa. Waxaan soo dhex maray fadhiga anoo qolka hurdada u sii socda waxaan maqlay, inuu ka soo kacayo kursiga fadhiga asagoo dhacdhacaya wuuna ii yeedhay. Ma aanan rabin in aan u jawaabo, wuxuu bilaabay qaylo wuxuu igu dhuftay derbiga qolka hurdada. Wuxuu isku deyey in uu hab i siiyo iguna sasabo, in uusan mar dambe gacan ii qaadayn. Xanuunkii iyo raadadkii hore ee nabarada ku yaalay gacmahayga oo igu dhacay usbuucyo ka hor, ayaa isoo xusuusiyey in balanqaadkani uu yahay mid aan hore usoo maqlay.

”Waa mid aan horay dhowr jeer usoo maqlay”, ayaan ku idhi wuuna ka xanaaqay.Badanaa uma baahna in aan hal ama labo kelmadood ku idhaahdo anigoon waxba odhan ayaa ku filnayd. Kama gaadho in aan wax dhaqaaq ah sameeyo marka gacantiisu ruxdo daankayga kuna dhacdo.Waxaan dareemayey in uu aad ii ruxi doono ka dibna derbiga ayuu igu garaacay. Marar badan xanuun ayaan la qaylyey, laakiin ma awoodin in aan la dagaalamo ugu dambeyntii waan suuxay. Nasiib wanaag deriska ayaa boolis wacay. Gadaal markaan u fekero, sidii aan ugu adkaystay waqti dheer. Anigoo ceeb xun dareemaya ayaan qarsan jirey jidhdilka la ii geysto.Waxaan naftayda iyo dareenkayga ku baabi’in jirey shaqo dheeraad ah waan daalanaa waxayna u badan tahay in aan niyadjabay.

Caruurta waa in laga badbaadiyo dagaalka

Waxaa macquul ah in jidh ahaan iyo maskax ahaanba caruurta qoyska u gaadho dagaalku. Dagaalka nolalosha ayaa soo gaadhi kara caruurta taas oo u keeni karta dhaawacyo culus. Waxyeelada qoyska waxay caruurta ku tahay qibrad ku hadha qalbigooda xaaladaha noocaas ah, si uusan ilmuhu u noqon bartilmaameedka waxyeelada. Waxyeelaynta caruurta ogeysii badbaadadda caruurta ee magaaladda aad degan tahay, meeshaas oo la idiinka qabanqaabin doono caawimada qoyska.

Xidhiidhka u dhexeeya waalidka iyo jawigu waxay reebaan saamayn badanaa waxqabadka waalidka iyo dareenkooduba wuxuu sidoo kale saameeyaa caruurta. Waxyeelaynta iyo hanjebaadu waxay caruurta ku keentaa shaki iyo cabsi. Ilmaha weyn tusaale ahaan wuxuu noqon karaa mid niyadjabay. Taasna waxay saamayn ku yeelataa habka la joogitaanka ilmaha. Ilmuhu wuxuu u fekeri karaa in waalidku yahay maqane jooga ama wuxuu u fahmi karaa in waalidku yahay mid aan rabin in uu waqti la qaato ilmaha.

Waxyaabahan soo socda ayaa laga yaabaa in uu dagaalku u keeni karo ilmaha

  • dib u dhaca ku yimaada garaadka iyo waxbarashada oo ku adkaata
  • dhibaatooyinka dareenkooda shaqsi ahaaneed
  • aaminaada dadka kale oo adkaata
  • dhibaatooyin ah dareenka nolosha, sida koontorool la’aan ama dheelitir la’aan
  • dhibaatooyin maskixiyan ah sida dhaqan xumada (tusaale dagaal badan, tuuganimo) iyo niyadjab
  • caado ka yeelasho dhaqan dagaal ee noloshiisa oo dhan

Ka badbaadi caruurta dagaalka una fidi caawimo:

  • Dagaalka qoysku wuxuu caruurta noloshooda ku abuuraa cabsi iyo kalsooni xumo. Ilmuhu wuxuu dareemayaa, in uu yahay qof u qalma in la badbaadiyo una baahan qof weyn oo fahmaya dareenkiisa. Ka dhegayso ilmaha waxa uu rabo inuu sheego. Ilmuhu weligood kuma koraan guri waxyeelayn leh. Hadii loo baahdo ogeysiinta badabaadinta ilmaha ee magaalada ilmuhu degan yahay ee arrimaha bulshadda.
  • Qof walba oo weyn ayaa noqon kara kan ilmaha wax ka dhegeysta, laakiin xaaladaha qalafsan ka hadalkooda waxaa habboon in loo raadsho caawimaada dadka u leh xirfadda. Xagee laga cawiyaa caruurta iyo dhalinyarada?
  • U sheeg ilmaha, waxa dhacay iyo sababta iyo in aysan ilmuhu xaaladdaan sababin. Sidaas waxaad uga hortegi kartaa dareenkii ahaa in ay is eedeeyaan, taas oo keeni karta tusaale ahaan in uusan ilmuhu ogeyn sababta waalidku isu dilayo.
  • La yeelo ilmaha qorshaha nabadgelyada, kaas oo aad ku tusayso, sida ay samayn karaan xaaladaha khatarta ah.
  • Far cunugga, in joojinta iyo dhexgalka dagaalka uusan waajib ku ahyn isaga, ee sida waxyaabaha saxan ee uu sameyn karaa tahay in uu raadsado meel uu ku badbaadi karo. Tusaale ahaan ilmaha ayaad la akhrisan kartaa hagitaanka iyaga loogu talagaly: sidee looga badbaadaa dagaalka?

Waayeelka waxaa dhici karta in ay la aamusnaadaan tobaneeyo sanno dagaalka qoyska

Dagaalka qoyska ee qabsaday dadka waayeelka ah ayaa noqon kara mid soo socdey tobaneeyo sanno, oo aysan u sheegin qofna. Badanaa qofka jidh dilka ku sameeya ayaa ah kan ay nolosha wadaagaan. Sidoo kale cauurta waaweyn iyo qaraabada ayaa isticmaala dadka waaweyn iyagoo uga faa,iidaysanaya xigaalo ahaan tusaale ahaan dhaqaale dartiis. Sidoo kale daryeelka beenta ah waa waxyeelayn. Sababtoo ah dareenka ay u hayaan caruurtooda waa mid xoogan, taas oo keenta dagaal dhexdooda ah in aan si fudud lagu dhexgelin. Canbaarayntaas iyo ka faa,iidaysashadaas ayaa keeni kara dareemo cidlo dareemis iyo xidhxidhnaan ah.

Terveyden- ja hyvinvoinninlaitoksen tutkimuksen baadhitaankaasi sida uu sheegay dadka da’doodu ka weyn tahay 60-sanno ee dumarka ah afrtiiba mid ayaa la kulmay dagaalka. Intooda badan waxaa qabsada dagaal maskaxeed. Daryeelka khaldan ayaa saamayn ku yeelata qaayaha nolosha.

Dagaalka qabsada dadka waaweyn ma aha mid ay la xidhiidho booliska ama ka muuqata daryeelkaooda caafimaad, sababtoo ah ma aha mid ay sheegtaan ama si fudud caawimo ay ku raadsadaan. Xaaladaha nooloshooda waxaa fiican in aad u sheegto tusaale ahaan shaqaalaha adeega guryaha ama kalkaalisooyinka caafimaadka. Waxaa habboon shaqaalaha la shaqeeya dadka waaweyn in ay ku hagaan xarumaha caawimada, haddii ay ka shakiyaan ama dareemaan in ay haysato dhibaatada dagaalka qoysku.

Akhri sidoo kale wareegtada ” Dumarka waayeelka ah waxyeelaynta soo gaadha waa arrin nugul”. Wareegtada ka soo baxday wargeyska- Tesso lambarkiisa 8/2010. Waxaad ka heli kartaa wareegtadaas THL:n arkistosta

Keli ha noqon, ee raadso caawimaad!

Haddii aad dareemayso in xaaladu tahay mid aan macquul ahyn, u sheeg qof kale. Qofkaas wuxuu ahaan karaa tusaale ahaan saaxiib ama shaqaalaha arrimaha bulshada. Dagaalka xaaladaha deg-degga u dhacda waxaad wici kartaa lambarka heeganka ama booliska. Wax ka samee dagaalka, waxaad xaq u leedahay in aad nolol nabadgelyo leh oo aan lahyn dagaal, hanjabaad ama aadan ka cabsanayn xigaaladaada caafimaad ahaan iyo mustaqbal ahaanba aad ku noolaato.

Xusuunow, in dagaalku uusan aheyn hab la aqbali karo oo lagu xalliyo mushkiladaha mana aha mid aad adigu sababteeda leedahay dagaalka laguu geysto. Marwalba caawimaad waad heleysaa, sida qofka geystey dagaalka uu u helo. Xaaladaha qaarkood waxaa xal noqon kara mamnuucid u soo dhowaansho.

Akhri qoraalka teraabiyada cilminafsiga ee kala lug bixidda xidhiidhka dagaalka. Qoraalka waxaa laga qoray dadka qaba xanuunka islaweynida shaqsi ahaaneed sida ay u arkaan dadka u dhow, laakiin qoraalka waxaa kaloo looga hadlayaa dagaalka u dhexeeya lamaanaha wada nool sidoo kale dareenka is eedaynta ah ee aan waxba ka jirin.

Qof la kulmay fal denbiyeed sheekadiisii

”Waxaan ku soo laabtay gurigaygii saqdii dhexe kadib markii la ii geystay dhac hubeysan. Waxaan iska dhaadhacshay in qof i dabajoogo, laakiin waxaan ku guuleystey inaan ka baxsado xaaladaas. Dareenka kowaad wuxuu ahaa aamin darro: siday ku dhici kartaa arrintani sideyse Finland uga dhici kartaa sideey uga dhacday wadada xaafadaan ku noolahay. Boolis ayaa iigu yimid gurigayga isla habeenkaas. Waxaa suurtogal ah inaan la kulmo intaan subixii la gaadhin taliyaha dembi baadhista.

Dhacdooyinkii maalmihii ugu dambeeyey waxay ahaayeen kuwo qasan: waxaa i seegay telefoonkaygii, boorsadii lacagta, dhamaan kaadhadhkii bankiga, kaadhadhkii aqoonsiga iyo furayaashaydii. Isku hagaajinta arrimahaasi waqti ayay qaadaneysaa. Dhacdadaasna waxaa xataa laga sheegay warbaahinta qaarkood si loo aqoonsado.  Jaraa’id ayaa soo bandhigay sawirada sarta dabaqa ah ee aan degenahay oo islmarkaana xusay da’deyda. Dhacdadaas weliba waxaa laga baahiyay Poliisi tv, siday ila tahay waxaa loo metelay xaqiiqdii si ka waxyeelo badan. Qaar saaxiibadayda iga fog ma awoodi kareyn inaan u sheego dhacdada, laakiin way i fahmeen markii laga baahiyey idaacadda, si ay u xaqiiqsadaan arrintana waxay isku dayeen inay isoo wacaan waxayna ogaadeen in telefoonkaygu xidhan yahay. Qaar ka mid ah saaxiibaday aad ayay ii caawiyeen. Markay khasab igu noqotay inaan hadlo, way i dhegeysteen.

Ninkii dhaca ii geystay ayaa maalmo kadib wuxuu weerar ku qaaday naag kale oo waa la qabtay. Waxaan booqday saldhiga booliska si aan u aqoonsado. Isku daygii aan kaga baxsanayey iyo dhicii la ii geystay waxaa duubtay kamarad shirkad ku taala jidkaan degenaa oo ninka waxaaba laga hayaa cadeyn fiican. Si dhaqso leh ayuuna u qirtay dembigiisa. Inkastoo uu in badan ku andacooday inuusan hubaysnayn, tani waxay keeneysaa in arrintu sii adkaato. Xataa madaxa dembi baadhistu wuxuu ku adkaystay inay dhici karto si kastaba ha ahaatee haddii aan anigu u maleeyey in uu baaskoolad haystay oo uu ninku igu soo taagey baaskoolada gaaska. Xaalada waxa sii xumeeyey, markii aniga shaki iga galay muuqaalkii xusuustayda, kuwaas oo ahaa si kastaba kuwo aad u cad. Waaxaan xasuustaa, in aan seexan waayey, oo waxaanban ka shakiyey caafimaadka dhimirkayga. Waxaan kaloo isku arkay calaamado jidh ahaaneed, sida calool xanuun iyo madax xanuun. Waan adkaystay intaan karo oo ugu dambayntii ninkii wuxuu qirtay inuu hub sitay oo uu u sheegay booliska halka uu ku xaseeyey hubka.

Muddada baadhitaanku socday waxay ahayd mid adag. Saldhiga boolisku wuxuu ku warwareegey si joogta ah siduu u cadeyn lahaa dhacdada iyo shaqadaydii oo loo arkay inay badatay maqnaanshadaydii, taas oo aan waxba ka qaban karin. Midda ugu yaabka badan waxay ahayd markii aniga maxkamad la iiga yeedhay. Waxaan u maleyn jirey, in maxkamada looga yeedho dadka dembiyada galay, ee uma haysan dhibanayaasha. Si kastaba ha,ahaatee waxaan dareemay inaan eedaysane ahay markii aan arkay xeer ilaaliyihii oo taagan albaabka afkiisa. Markii maxkamadu soo gabagabowdey oo ninkii lagu xukumay in kabadan laba sanno oo xadhig ah aad ayaan nefis weyn u dareemay. marxalada bogsashadu waxay ii bilaabantay markii maxkamadu dhamaatay.

Dhacu wuxuu dhacay bishii koowaad, sanadkaas oo dhana waxaan ku sugnaa xaalad cabsi leh. Mar marka qaarkood markaan kasoo laabto makhaayada waxaa gurigayga i geeya saaxiibadayda degen meel ii dhow. Mar aan gurigayga ku soo laabtay waxaa jaranjarada aqalka ka qaylinayey nin sakhraansan oo sabarad sita. Dhacdadan waxay i soo xusuusisay dhacii la ii gaystay oo waxaan mar kale ila soo gudboonaaday cidhiidhi darran. Marka aan taaganahay samafaraha aad ayaan uga taxaderaa dadka gadaashayda taagan oo anfariir ayaa i qabta markaan metrooga iyo hoolka jaamacada ku suganahay. Ma awoodin muddo dhawr sanno ah inaan daawado aflaamta hubka la sito.

Sanadka oo idil wuxuu ahaa mid adag. Waxaa ii sawirmay xaaladdii dhaca mar aan wada sheekeysaneyney aniga iyo saaxibkay arrin ahayd laba usbuuc ka hor mar saaxiibkeen isku deyey inuu isdilo. Marmar waxaan dareemaa, in noloshu aaney sidii hore u wanaagsaneyn ama la mid ahayn. Waa laga yaabaa in mar uun wax dhacaan. Saaxiibkay wuu dhiman gaadhey, ana waa la i toogan lahaa. Waxaa u maleyn, in arrinta dhaca waxaa ka darnaan lahayd haddii aan isku deyi lahaa inaan xaaladdaas ka baxsado. Nafsadayda ayaan u carary laakiin arrintu way dhacday siday u dhici lahayd. Haddii aan waxba sameyn lahayn, waxaa dhici kartey inaan aqbalo dhacda si ka wanaagsan.

Laba sano kadib fikradahaas waxay u muuqdaan kuwo jaahwareer ah, oo hadda sagaal sanno kadib sanadkaas waxaa loo dareemi doonaa sidii riyo oo kale iyo waxaan dhab ahayn, dhanka kale waxay ka mid noqonaysaa taariikh nololeedkaaga.

Dhacdadu waxay sababtay nooc dhantaalnaan joogto ah ee dhanka dareenka amaanka nolosha.  Markaas kadib waxaa la dareemaa in noloshu burbursan tahay oo aysan qiimo lahayn. Waxaan ogaaday dhacdada ka dib waxayaabihii aan ku hamiyi jirey iyo xaqiiqdii hore ee aan ku noolaa. Laakiin waxaa la yaab leh dhacdada ama waxyaabihii ka dhashay ma aysan ahayn muddo dheer kadib kuwo u muuqda kuwo xun. Muddadii dhaca iyo maxkamada lagu guda jirey waxaan helay nafsad ahaantayda awood buuxda, taasoo aan u aaminsanaa inaysan jirin. Waxaan ogaaday, in aan waxwalba laga badbaadi karin. Sidoo kale xidhiidhka qoyskaygu wuu hagaagey. Xidhiidhkii saaxiibaday wuu kala qaybsamay: dadka qaar xidhiidhkeenu aad ayuu isugu soo dhowaadey, qaarna waa sii kala fogaaney. Qaar asxaabtayda kamid ah waxay u dulqaadan waayeen niyadjabkayga ama maba aysan garanayn sidii ay ula tacaali lahaayeen, laakiin dadka i caawiyey, weligay ma ilaabi doono oo ilaa haddana waa saaxiibada iigu dhow. Ma garanayo sidaan u sharaxo, laakiin si kastaba dhacdadu xataa waxay ii siyaadisey inaan fahmo nolosha. Waxaan u arkay markaas wixii ka dambeeyay dhaqanka kala duwan ee dadka iyo inaan u aqbalo sidii hore si ka wanaagsan.

Haddii aad i odhan lahayd iminka, maxaad kale oo aad samayn lahayd dhacdada kadib, waxaan marka hore yeeli lahaa, caawimaad wada sheekeysi ah ayaan u raadsan lahaa qolyaha aqoonta u leh. Waxaan la kulmay dhakhtar ka hor fadhigii maxkamada anigoo doonaya dawada hurdada, laakiin si kastaba ha ahaatee maanan ka hadal arrintaas. Markii aan ku sugnaa Rikosuhripäivystys-ka waxba ma samayn, wax weyn bay ahaan lahayd haddii aan caawimaad weydiisan lahaa. Waxaan go’aan saday in aan ku mashquulo waxbarashada iyo shaqada si aan u ilaabo dhacdadaas. Natiijadu waxay noqotay anfariir i qabta taasoo igu bilawday nabar caloosha iyo markaas kadib waxaan fahmay in la nasto.

Dadka qaar ayaa jira, oo xigaalkooda dhibane dembi loo geystay, waxaan siin lahaa talooyinkan:

Ha is eedayn. Qofna ma doonayo inuu noqdo dhibane dembi si ula kac ah. Waxaa iga yaabiyay inta badan dadka waxay yidhaahdeen ”maxaad isaga eegi weydey qofka gadaashaada socda” ama ” maxaad u qaylin weydey?”

Ha ka baqan ficilada layaabka ah. Anfariirka i qabtay iyo xaaladaha cabsida waxay ka nixisay saaxiibaday qaar ka mid ah. Dareenka waallida ah waa caadi markaad ku sugan tahay dhibaato. Xaaladu ma aha mid fudud, haddii saaxiibadaa kaa cabsadaan adiga.

Muhiimadu waa dhageysasho. Muhiimadu waa in xigaaladu aysan u firaaqayn marka ay timaado xaaladaas adag. Haddii loo baahdo waa in aad ku dhiirri gelisaa inuu u raadsado caawimaad qolyaha aqoonta u leh ama tusaale ahaan inaad raadsato xarunta shaqaalaha dhibaatooyinka ama inuu la xidhiidho heeganka dhibanaha dembiyada. Saaxiibku wuxuu si hoose oo bilow ah ugu sheegi karaa inuu caawimaad raasado, raadsashada caawimada iyo xaalada naxdinta leh ee nafsadu gasho waa kuwo iska caadi ah. Waxaan nafsad ahaantayda isku eedeeyey calaamadahaygii iyo ficiladaydii oo aan u maleeyey inay i qabsan lahaayeen waxyaabo intaa ka sii xun, haddii aanan caawimaad raadsan lahayn. Markaan gadaal ka fekero,waxaan dareemaa inay ahayd arrin layaab leh.