Dhibaatooyinka dhaqaalaha

Qofka oon haysanin dhaqaale ku filan iyo sidoo kale xaalado dhaqaale xumo oo qofka la soo dersaa waxay saameyn weyn ku yeelan karaan nolosha qofka. Dadka ay haysato dhibaatada dhaqaalahu ayaa soo bata xilliyada ay wadanka ku habsato dhaqaale xumidu, dhibaatadana waa mid soo food saarta dad badan nolol maalmeedkooda. Xataa iyadoon la eegin dhibaatooyinka ka jira dhinaca dhaqaalaha wadanka, qofku wuxuu ceeb u arki karaa inuu ku suganyahay xaalad dhaqaale xumo. Dareemida ceebtuna waxay saameyn ku yeelanaysaa inuu qofku caawimo raadsado. Sidoo kale dadku badanaa ma yaqaanaan sida, ama meelaha dhibaatada dhaqaalaha kaalmo looga raadsan karo.

Marka ay jirto dhibaato dhaqaale waxaa muhiim ah in qofku uusan rajo dhigin. Waxaa wanaagsan in qofku si firfircoon isugu dayo xal u helida dhibaatada jirta. Waxaa sidoo kale muhiim ah in qofku uusan deyn cusub qaadan. Haddii ay jirto deyn hore oo lagu lahaa, xaaladu weli ma aha mid rajo la’aan ah. Dhibaatada dhaqaaluhu waxay la mid tahay dhibaatooyinka kale ee nolosha, laakiin waa suurtogal in aad ka gudubto maskaxiyan iyo dhaqaale ahaanba. Dhibaatada dhaqaalaha waxaa laga yaabaa inuu qofku caawimo ka helo arimaha soo socda.

Kaalmooyinka arimaha bulshada iyo helitaankooda

Dadku waxaa laga yaabaa inaysan la soconin kaalmooyinka ay xaqa u leeyihiin ee arimaha bulshada. Tusaale ahaan kaalmada dhaqaalaha ee xafiiska arimaha bulshada deegaanku bixiyo waxaa laga yaabaa in dad xaq u lahaa aysan codsanin. Kaalmadaas nolosha qofka ka sokow, deeggaanadu waxay bixiyaan kaalmooyin kale oo la xidhiidha maareynta nolosha qofka. Tusaale haddii kaalmada nolosha ee dhaqaalaha arimaha bulshada lagu daboolo iibsashada cuntada iyo kharashka gala dawooyinka, mida maareynta nolosha waxay noqon kartaa in qoyska laga kabo kharashka isboortiga ama hiwaayada ilmaha. Kaalmadan dheeriga ah waxaa loola jeedaa kor u qaadida waxqabadka qoyska iyo ka hortaga si, aanu qoysku nolosha uga dhicin.

Deegaanada qaar waxay diyaariyaan deyn la xidhiidha arimaha bulshada. Dhaqaalahan deynta arimaha bulshada waxaa suurogal ah in deymihii qofka lagu lahaa ee kala duwanaa in hal deyn ah oo keliya lagu soo ururiyo, sidoo kale in qofka la siiyo deyn uu ku iibsado tusaale mishiinada guriga ee uu u baahanyahay. Sidoo kale kaalmooyinka KELA da ee bixiya gunooyinka, sida kaalmada kirada guriga, mida ilmaha hal waalid oo keliya la nool, mida lagu kabo waalidka ilmaha keligii korsada, mida curyaamiinta ama haynta caruurta sadex sanno ka yar ayaa laga yaabaa qof xaq u lahaa in uusan codsan. Waxaa aad u muhiim ah inaad ogtahay waxa aad xaqa u leedahay ama qoyskaagu u leeyahay.

Dhaqaalaha deeggaanka iyo la talinta deymaha

La taliyaha arimaha dhaqaalaha iyo deymaha waad la xidhiidhi kartaa inta aanay dhibaataduba soo if bixin. Waxaa ku filan, in aad dareemayso in aad u baahan tahay talo bixin ku saabsan arimaha dhaqaalaha. Wax qabadkana waa lacag la’aan. Cinwaanka la talinta deeggaankaaga ee arimaha dhaqaalaha iyo deymaha waxaad ka heli kartaa shaashada xafiiska la talinta bulshada Kuluttajaviraston sivuilta.

Wax qabadka ururka damiinka

Xafiiska damiinku Takuu-Säätiö wuxuu damiin ka noqdaa dadka deymaha badan lagu leeyahay in deymahooda la isu keeno, wuxuuna dadkaas dhibka dhaqaaluhu haysto u fidiyaa talo bixin habka telefoonka ah oo lacag la’aan ah.

Wax qabadka ururada iyo kaniisadaha

Kaniisadaha deeggaanada ayaa iyana bixiya kaalmo la talin maskaxiyan ah sidoo kale waxay qaybiyaan kaalmo dhaqaale. Ururada qaar ayaa iyaguna qaybiya cunto lacag la’aan ah. Shaqaalaha kaniisada ayaa yaqaana ururada deegaanka ka jira ee qaybiya caawimada cuntada.

Maxaan loo baahneyn in la sameeyo marka dhaqaale xumo kula soo gudboonaato?

  • Inaad sameyso xal aan rajo lahayn sida inaad deymahaaga ka fogeyso cidii deynta ku siisay ama aad ka cararto, arintan waxaad ku waayi kartaa in deymahaaga la isku soo uruuriyo.
  • Inaad ilowdo, adoo u fekeraya waxa lagugu leeyahay sow lacag uun ma,aha.
  • In qofku uu caafimaadkiisa ama qoyskiisa uu ku waayo dhibaatada dhaqaalaha awgeed.
  • Inaad rajo dhigto, oo aanad furin biilasha ama aadan la xidhiidhin cidii deynta kugu lahayd ama aadan raadsanin cid kaala talisa dhaqaalaha- iyo deynta.

La socodsiinta ilmaha

Dadka waaweyn wuxuu xil ka saaranyahay in ay si suurtogal ah u badbaadiyaan in caruurtu ay ahaadaan caruur. Caruurta waxaa fiican in laga ilaaliyo arimaha dadka waaweyn u yaala. Sidoo kale caruurtu waxaa laga yaabaa inaysan fahmin,in aanay iyaga suurtogal u ahayn waxkaqabashada arimo badan oo u yaala dadka waaweyn, sidoo kale dhibka aan weli dhicin sida qofkoo ay ku soo socoto inuu waayo shaqadiisa ma fiicna in ilmaha culeys la saaraa.

Haddii wixii laga baqayey uu dhaco oo qofkii ay shaqo la’aan ku timaado, waxaa haboon in ilmaha ama caruurta loola socodsiiyo si kooban oo aan lahayn warbixin dheer. Warbixin dheeraad ah waxaad la yeelan kartaa saaxiibkaa haddii aad rabto, qaraabadaa, qofka aad isku dhibka tihiin ama qofka kuu fidinaya la talin xirfadeysan. Dhibaatada dhaqaalahu waxay saameyn badan ku yeelanaysaa ilmaha markaa way fiican tahay inuu la socdo waxa jira. Si markaas uu u fahmo sababta uusan u geli karin hiwaayad la mid ah mida laga yaabo in saaxiibkii ku jiro.

Waxaa wanaagsan in ilmuhu uusan qeyb ka noqonin dhibka dadka waaweyn. Waxaa haboon in ilmuhu uu ahaado mid dhibka aan qeyb ka ahayn. Arintan waxay u baahantahay in waalidku aad uga feejignaado si aanu ilmuhu uga wer-werin dhibaatada waalidka. Waxaa fiican in ilmaha loo sheego in dhibaatada dhaqaaluhu ay tahay oo keliya xaalad aduun ee aysan ahayn mid jaceylka ilmaha ama qoyska la xidhiidha. Ilmuhu waa inuu fahmo in jaceylka iyo xidhiidhka dadku ay ka muhiimsanyihiin arimaha dhibaatooyinka dhaqaalaha, si xataa haddii uu arko waalidka oo xanaaqsan ama ka wer-wersan dhibaatada dhaqaalaha awgeed, ay haddana waalidku jecel yihiin caruurtooda.

Ka gudbida dhibaatada dhaqaalaha

Waxaa wanaagsan in qofku uu kala hadlo arimaha dhibaatooyinka dhaqaalaha qof kale. Marka qofku arinta ka hadlo waxaa u suuroobaysa inuu fahmo xaalada jirta ee dhabta ah sidoo kale inuu ogaado ilaa heerka arintu gaadhsiisantahay. Shirkadii qofku lahaa oo khasaartay ama kacdaa waxay u muuqan kartaa marka hore aduunkii oo dhammaaday, laakiin arintu sidaas ma aha. Dhibaatada dhaqaalaha waa laga soo kaban karaa si la mid ah sida qofku uga soo kabto ama uga gudbo dhibaatooyinka kale ee nolosha. Looma baahna in qofku caafimaadkiisa u lumiyo ka wer-werka arimaha dhaqaalaha.

Waxaa laga yaabaa in marka hore ay dhibaato qofka ku noqoto inuu la qabsado heerkiisii nolosha oo hoos u dhacay. Bulshadeenan waxaa si xoogan loogu dhiiri geliyaa amaba ku xeeran bay’ad qofka kharashkiisu badanyahay ama uu udeymoobayo si fudud. Heerka deymaha ee dadka finnishka ah sanadaddii la soo dhaafay aad ayuu u sareeyey, in badan oo dadka finnishka ah lacagta soo gasha iyo mida ka baxda isuma dheeli tirna.

Deymaha badan iyo dhibaatooyinka dhaqaalaha waxay sababayaan in noloshii qofku ay hoos u dhacdo. Nolasha hoos u dhacday waxaa ka sii daran dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo wel-welka soo kordhaya. Mida kale waa inaan xusuusano in qofku uu la qabsado kolba xaaladaha uu ku jiro. Arin marka hore laga yaabo inuu qofku dhibsado sida inuu u guuro guri yar ama guri kiro ah ayaa laga yaabaa inuu la qabsado marka dambena u arko arin caadi ah ama mid fiican.

Waxaa muhiim ah in qofku isku dayo inuu arimihiisa xaliyo noloshana uusan isku adkeynin si wanaagsana u noolaado. Guriga ama baabuurka oo la waayo ama deyn badan oo qofka lagu yeesho waxaa ka muhiimsan caafimaadka qofka.

Dadka ku khasaaray shirkadoodii ayaa og in shirkadaha oo idil aysan wada guuleysanin. In shirkadu kacdo waa arin ka mid ah arimaha la filan karo marka qofku shirkad leeyahay.

Shirkada oo kacda ma aha dembi. Iyadoo sidaas ay jirto hadana dadka qaar waxay dareemaan ceeb la xidhiidha in shirkadoodu kacday. Mararka qaar si qofku uu uga gudbo dareemida ceebtaas waa muhiim in arinta uu ka hadlo. Arinta oo aan laga hadlin waxay keeni kartaa tusaale ahaan niyadjab.

Mararka qaar dareemida ceebta ayaa qofka ka celin karta in uu raadsado caawimo. Xaaladaha kala duwan ee dareemida ceebta, xumaanta iyo qiima dhaca ayaa qofka ku keeni karta inuu tamar dhigo. Qofku wuxuu ceeb u dareemi karaa waxa dhacay iyo xaalada uu ku jiro. Dareenka ceebta oo aad u bata ayaa qofka u keeni kara inuu isku qasmo. Dareenka la xidhiidha xaaladaha khasaaraha ganacsiga ama dhaqaale xumada waxaa lala soo xidhiidhi karaa telefoonka dhibaatooyinka p. 01019 5202.

Meelo kale oo muhiim ah

La talinta arimaha dhaqaalaha iyo deymaha. Espoon talous- ja velkaneuvonta. Shebekada waxaa ka faa’iideysan kara xataa dadka kale ee aan ahayn reer Espoo. Waxaa kale oo laga heli karaa shebekada akhbaar la xidhiidha nidaaminta deymaha, la talinta deymaha iyo bixintooda. Shebekadan waxaa kale oo laga heli karaa akhbaarta shebekado kale oo muhiim u ah arimaha dhibaatooyinka dhaqaalaha.

Kuluttajaviraston talouspalvelut

Takuusäätiö

Kaski-ryhmä. Vertaistukea talousvaikeuksiin joutuneille. Wada sheekeysi dhex maraya dadka ay ku dhacday dhibaatada dhaqaaluhu

Suomen Yrittäjien neuvontapalvelut (xubnaha oo keliya)