Jahawareerka dhalmada

Farxada dhalida nolol cusub waxaa la xidhiidha xanuun iyo cabsi amaanka hooyada iyo dhalaanka, sidaas awgeed dhalidu waxay u baahan tahay khibrad awood jidheed iyo mid maskaxeedba. Caruur dhalida iyo u adkeysashadeeda ma aha mid hore loo ogaan karo. Mana aha wax aan caadi ahayn, khibrada dhalidu waxay ahaan kartaa mid adag. Dhalmada kadib adkaanta waxaa la xidhiidhi kara tusaale ahaan madhaleysnimada, dhicinta iyo ilma xaaqidda.

Waxay dhalataa khibraddaa adagi, markii ay dhibaato soo gaadho arrimaha aasaasiga ee qofka. khibradahaas waxa la xidhiidha dareemo ah isku yaacsanaan, is xukumis la’aan, sas iyo cabsi iyo weliba miciin la’aan. Hooyada wax dhashay tan micnaheedu wuxuu noqon karaa tusaale ahaan iyadoo nafsad ahaanteeda la soo gudboonaato cabsi ah in ilmuhu noqdo curyaan ama khatar ku sugan yahay.

Jaahwareerka dhalidu waxay ahaan kartaa tusaale ahaan arrimahan soo socda:

  • foolasho dheer
  • xanuuno darran, xanuun aan debec lahayn
  • khibrad ah, maqal ama qaderin la’aan, caawimaad la’aan dhanka shaqaalaha waaxda dhalmada ama dadka kale ee caawinaya
  • ogaan la’aan, shakiqab
  • xaalad ama waxqabad aan qorsheysnayn, sida go’aansashada qalniin degdeg ah (qalniin) ama jeexid xun
  • baqdin nafsad ahaaneed ama mustaqbalka ilmaha
  • curyaamid nafsad ahaantaada ama ilmaha
  • dhimashada ilmaha

Qofka soo maray dhacdadaas adag waxay raadshaan inta badan sidii ay uga digtoonaan lahaayeen waxyaabaha soo xusuusinaya dhacdadaas ama waxay isku dayaan in ay ka hortagaan xusuusta dhacdadaas. Iyadoo ay saas tahay ayaa waxaa dhici kara in xusuustaa xun si joogto ah u soo laalaabato. Dadka dhibka adag haysato waxay arki karaan riyooyin la xidhiidha dhacdadaas oo ay markaasna cabsi, kurbo iyo niyadjab la kulmaan.

Khibradaha adag ee dhalmada waxaad kala hadli kartaa adigoo u maraya daryeelka hooyada iyo dhalaanka tusaale ahaan xarunta shaqaalaha dhibaatooyinka SOS-kriisikeskus. Ka hadlida dhacdada waxay kaa caawinaysaa inaad ka gudubto oo aad ka bogsato.

Dhibaatada adag waxay saamaysaa inta badan nolol maalmeedka iyo awooda qofka in muddo ah, sidaas darteed waa lama huraan in la raadsho caawimo. Ka bogsashada khibradaha la yaabka leh waxay qaadan kartaa waqti dheer ilaa iyo inta qofka awoodiisu siyaado. ”Tani waa qofka ka gudbay!”

Ka bogsashada xaalada dhalmada adag waxaa soo raaca awood u helida daryeelidda cunuga. ilmuhu dunida ayuu yimid xaalad argaggax leh kadib iyo argaggaxu wuxuu noqon karaa mid aad u weyn, taas oo aan la garaneyn, sida ay awooda haynta ilmuhu noqon karto. Tan iyo waaya aragnimda nafsad ahaanteeda Waxay sababi kartaa is eedeyn xoogan iyo dareen xun tusaale. ”Maxaan sidaas u dareemayaa”

Murugada la xidhiidha khibrada waxaa loo dareemi karaa, sidii mid aan la aqbali karin. Hooyadu waxay dareemi kartaa, in ay ahaan lahayd mid ku faraxsan cunugeeda oo aysan ahaan mid leh dareen diidmo ah ama in aysan ahaanin mid isku mashquulisa jidhkeeda.  Sikastaba ha ahaatee xataa khibrada wanaagsan ee dhalmada ka dib jacaylka ubadku waa mid si tartiib ah u kobca. Ka fekerida isbedelka muuqaalka jidhka waa mid caadi ah.

Isbedelka heerarka hoormoonada xataa saamayn ayuu ku yeeshaa dhalmada ka dib caafimaadka dhimirka. Waxaa loo baahan yahay inaad ahaato mid naxariis leh oo fahmeysa waalidnimada iyo dhalmada in ay sababaan dareemo badan. Haddii khibrada dhalmadu ahayd mid argaggax leh, dareemadu waxay yihiin kuwo uun dusha sare ah. Argaggaxa iyo murugada ay sababto dhacdada xaalada adag waa mid cudur daar leh, ka bogsashadeedana caawimaad baad u heleysaa haddaad doonayso.

Minna, 37:

”Ilmihii iigu horeeyay dhalmadu waxay ku soo gabagabowdey qalitaan degdegga ah markii ilmuhu naqaska waayay. dhalidu way adkaatay ana aad ayaan u daaley. Markaa kadib markii la ogaaday saami ilmaha laga qaaday in naqasku ku xidhan yahay, wax walba si degdeg ah ayey u dheceen. Dhakhaatiirtii waxay bilaabeen inay markiiba degdeg gasho, aniga ma fahmin sida ay wax u jiraan. Markii aan maqlay qolka qalniinka degdegga waxaan ku dhegey gacanta ninkayga oo qaylo af labadii yeedhay, ”ha iga tegin, ha tegin”. Qolka laga soo tooso ayaan ka maqlay wiilka waa fiican yahay iyo ninkayga oo ii sheegay sida dhaqsaha leh ee la ii furdaamiyey, muddada qalniinku socdayna aad ayuu u baqanayey. Midkaayana hore ugama fekerin in dhalmadu kusoo gabgabowbi doonto qolka qalniinka. Dhawr maalmood ayaan aad u xanuunsanaa, laakiin si dhaqso leh ayaan u bogsadey. Umulisada ayaa iga wareysatay qalniinkii dhalmada maalintii labaad oo aan aad u degenaa. Anigoo wiilkii haysta ayaan uur qaaday laba sanno kadib, oo waxaan ogaadey cabsidii aan ka qaaday dhalmadii hore. Fooshii markay i qabatay ayaa jaahwareer igu dhacay. Waxaan ka baqayey in dhalidana ay u dhacdo sidii tii hore oo kale cabsidii waxay ii keentay inaan sugi waayo cunugga dhalashadiisa oo waxaan go’aansaday inaan aado isbitaalka dhalmada bolikliinikada cabsida. Waxaan la kulmay saykolojiga oo aan u sheegay cabsida aan qabo kabibna waxaan fahmey inaan maarey karo. Dhalidii labaad aad ayey uga fududayd midii hore. ”

Englanninkielistä tietoa aiheesta:

Birth trauma association
Post-traumatic stress disorder after childbirth (Tieteellinen artikkeli englanniksi)