Kala tagga lamaanaha

Waxyaabaha keenay kala tageena way badan yihiin, qaabab iskumid ah, kuwaas oo kala taga keena. Dabeecadaha xidhiidhka iyo waxayaabaha keenay kala taga ayaa saamayn ku yeeshay sidii loo qaabili lahaa xaalada nolosha cusub. Kalatagaas qofka kale wuxuu u arki karaa nefis ah inay dhammaatay marxaladii adkayd, qofka kalena waxay u tahay murugo qotodheer iyo amaan darro. Kala tagu wuxuu noqdaa mid hore looga gudbo labada qofba qof walba iyo taagtiis, taasoo ay lamaanuhu u arki karaan kala taga qofba si.

”Kala tagu waa isbedel weyn halkan sida loo arko. Kalataga lamaaanuhu waxay keentaa kalatag ah dhanka dareenka, dhaqaalaha iyo hantida ay wada wadaageen.”

Dhammaanshaha xidhiidhka waxaa la dareemi karaa guul darro iyo qoonsimaad. waxay keeni kartaa ceeb, eed iyo weliba saamayn dhanka sharafta. Maxaa khalad ah oo aan sameeyey? Sideen uga hortegi karaa arrintan? Isbedelka dhanka nolosha waxay keeni kartaa waxa loo yaqaan dhibaatada xaalada nolosha, taas oo micnaheedu yahay kala guurka la xidhiidha kala wareega marxalada nolosha iyo dareemada la xidhiidha. Ka tegida wixii hore waxay leedahay marwalba murugo.

Xaalada kala taga iyo dareenada la xidhiidha waxaa la dareemi karaa dareen isku dhex yaacsanaan ah. Xaalada nolosha ee cusub waxay keeni kartaa kelinimo, cidlonimo iyo dareen rajo la’aan iyo cabsi ah. Sidee isu deberaa? Sideen u maareeyaa lacagaha? Khaasatan markii kala tagu si lama filaan ah u dhaco ama ay timaado tusaale ahaan daacad darro. Dhammaanshaha xidhiidhka lamaanaha wuxuu sababi karaa dareen naxdin weyn leh. Kala tagu wuxuu noqon karaa dhibaato adag. Si loo maareeyo dhibaatada adag waa in la raadshaa caawimaad.

Saamaynta kala tagu ku reebo caruurta waa mid welwel leh inta badan. Cunug kasta ficil celin ayuu la yimaadaa markii labadiisa waalid kala tagaan. Sideedaba kala tagu ma aha mid saamayn weyn ku yeesha cunuga, sabatoo ah arrinta ugu muhiimsan ee aragtida cunugu waa dareenka uu qaadayo, taasoo ilmuhu ku barbaaro lana koro. Xaalada qoyska waxaa laga yaabaa inay ku adag tahay caruurta furniinka ka hor. Mushaakilada waqtiga dheer waxay ka abuurmaan inta badan xaaladahaas, taasoo la xidhiidhey mushaakilaad hore ee qoyska caruurta leh, sida muran joogto ah iyo dagaalka qoyska.

”Caruurtu waxaa laga yaabaa inay si xooggan uga ficil celiyaan kalatgga kadib, haddii kalatagu lahaa ismaandhaaf weyn ama mid waalidka ka mid ahi faraha kalabaxo nolosha caruurta”

Caruurta waa in laga badbaadshaa iskhilaafka u dhexeeya lamaanaha. Waa muhiim, in waalidku la yimaadaan wadashaqeyn dhexdooda ah, sababtoo ah xidhiidhka wanaagsan ee caruurta, barbaarinta wadajirta ee waalidka iyo jawi ku dheehan jacayl caruurta way caawisaa. Furniinku wuxuu ka takhalusaa guurka, laakiin qoyska ama waalidnimada kama takhaluso.

Akhri weliba warbixinta ku saabsan caruurta iyo kala taga iyo weliba ka tegida caruurta bogga Väestöliito iyo Mannerheimin lastensuojeluliito.

Tiiraanyada kala taga iyo lafagurkeedu waxay qaadan kartaa muddo dheer

Tiiraanyada kala tagu waa caadi, waxayna qaadataa waqtigeeda. wax waayida waa loo tiiraanyoodaa. Akhri weliba murugada. Dhammaanshaha xidhiidhka muddada dheer ee lamaanaha wuxuu u baahan yahay aqoonsasho cusub in la dhiso iyo muddada marxalada tiiraanyada si tartiiba looga gudbaa wixii hore oo jiho cusub la qaado.

Xidhiidhka muddada dheer ee dadka waxa laga yaabaa inuu abuuro is aqoonsasho adag oo ah xidhiidhka lamaanaha. Dhammaanshaha xidhiidhku wuxuu keeni karaa in laga fekero, runtii waa kuma, maxay tahay heerka bulshada gudaheeda iyo muxuu yahay xidhiidhka dhanka saaxiibada. Marka dambe khibrada laga dhaxlo kala taga waxay u muuqan kartaa fursad cusub oo awood ah, sida in wax kasta oo mashaakilaadka kale ah ama dhibaatadaba laga bixi karo.

”Waxaan wada soconay muddo sanado ah aniga iyo xaaskaygu, ka hor intaanan kala tegin. Marka hore waxaan dareemayey, in aanan ka bixi karin. Waxba kama xusuusto xataa waagii aan keliga ahaa. Waxaan dareemay xataa inay igu adag tahay inaan barto isticmaalka ereyga ’aniga’ ee aanan odhan ’anaga’. Si kataba ha ahaatee waxaan ogaadey inaan ka gudbayo. Nolosha waqtigan xaadirka ah waxaan dareemayaa inay aad u fiican tahay oo marmar waxaan ku fekeraa xidhiidh cusub, inkastoo laga yaabo inay goor hore tahay.”

Dareenka diidmada ah ee uu kala tagu keeno waxay noqon karaan kuwo culus, oo maareynta kala tagu uu noqdo mid cakiran. Taasi waxay u muuqan kartaa mid cadho badan leh, eedaynta joogtada ah ee xaaskaagii hore ama dareenka xoogan ee cabsida iyo guul daradda leh, taas ayaa keenta badanaa hor istaagida ka dhexdhalata xidhiidhka dadka ama in uu sii socdo xidhiidhkoodii hore. Xalinta arrintan waxaa habboon in caawimaad la raadsado reerkoo dhan ayaa u baahnaan kara caawimaad hadii furitaan yimaado.

Dhibaatada qoyska waxaa caawimaad laga heli karaa tusaale ahaan xarumaha la talinta qoyska. Magaalooyinka qaar xarumaha la talinta qoysaska ama la talinta xidhiidhyada kale ee lamaanaha taas oo ay tegi karaan qoysaska ilmaha leh oo keliya. Hadii qoyskiinu uusan lahayn caruur ama sabab kale awgeed aadan u tegi karin la talinta qoyska, waxay noqonaysaa in aad keli u xalisataa ama lamaanuhu tusaale ahaan ay u tagaan shaqaalaha heeganka dhibaatooyinka. Xarumaha ka wada sheekaysiga arrimaha qoyska ee kaniisada kooxda furitaanka ayaa qabanqaabiya iyo wada sheekaysiyo kale ee dadka is furaya.

Sidoo kale  telefoonka guud/qaran ee dhibaatooyinka waxaad uga hadli kartaa arrimaha la xadhiidha furitaanka.

Eroretki.fi-palvelussa waxaad uga baaraan degi kartaa xaaladahaaga la xadhiidha furitaanka iyo caruurta.

Caawimaad iyo warbixino xaaladaha furniinka: