Murugo

Murugadu badanaa waxay la socotaa wax dhacay tusaale dhimashda xigaalada, kalataga lamaanaha ama waayitaanka shaqada. Murugadu waa khibrad qofka u khaas ah, sidaa la,ajigeed ayuu qof waliba xaq ugu lee yahay in uu u murugoodo sida isagu uu rabo. Arin qof la yar ayaa qofka kale u keenaysa murugo weyn. Habka murugada waxaa badanaa saameeya shiqsiyada qofka iyo wixii hore ugu soo dhacay, mashaqada dhacday awgeed oo dabeecadu lunto ama caawimada la helo xilliga murugada.

Dadka mar-marka qaar waxaa laga sugaa in uu u muujiyo murugadiisa qaab lawada yaqaano. Tusaale ahaan inuu, ku ooyo xabaasha ama inuu ka hadlo dhacdadii. Hababka loo murogoonayaa si walba ha,ahaatee waa mid qofka u khaas ah, dadka oo dhami tusaale ahaan ma awoodaan inay muujiyaan dareenkooda dadka dhexdiisa. Kuwo kalena waxaa laga yaabaaa inay ku burburiyaan murugadooda hab waxqabad ahaan. Qaarbaa laga yaabaa inay muddo ku dhex jiraan xaalada naxdinta iyo shooga, halka ay kuwo kalena ka bilaabaan lafagurida wixii dhacay. Haddii loo maro murugada dariiq keliya waxay keeni kartaa welwel, waayo dadku isku si uma wada dareemaan masiibada. Ta ugu xumi waa haddii qofka dhibku ku dhacay uu ilaawo inuu xaq u leeyahay, inuu dareemo farxad xilliyada fiican ee noloshiisa. Qofka murugeysani waa inuu u lafaguraa dhacdada si ku aadan naftiisa, ma aha inuu uu ka eego dad kale dhankiisa.

Murugada waxaa la xidhiidha dareemo kala duwan boholyow darran dhacdada oo la is diidsiiyo, dareen dayro ah, amaan darro, qiimo la,aan, werwer, denbiile iyo cadho. Sidoo kale jidhku wuxuu dareemaa murugada madax xanuun, calool xanuun, murqo xanuun, daal iyo calaamadaha argaggaxa. Dhibkan masiibada la socda inuu keeno xanuuno badan oo kala duwan oo dhanka dareemada ah waa suurtogal. Tusaale ahaan inuu, qofku rumaysto inuu meel uun ka maqlayo codkii qofkii dhintay.

Dareenka murugada iyo ka fekerkiisuba waa mid ugu soo noqnoqda maskaxda sida mawjadaha, maalmaha qaar baa ka sii adag kuwa kale. Si tartiib ah ayuu dareenku badanaa isu soo dheeli tiraa. Waana la awoodaa waqti ka dib in dhibka lala noolaado. Waxaa laga yaabaa inay murugadu dheeraato aanay isu bedesho niyadjab. Khaasatan marka xilligan lagu jiro caawimada dibeda ayaa faa,iido leh.

Hababka lagu badbaado xilliyada murugada

Halkan hoose ayaa lagu soo bandhigayaa waxyaabo badan oo kala duwan oo ah noocyada lagu badbaado, kuwaas oo ah kuwii ay isticmaaleen dadkii hore u dareemay murugadu:

Xog doonasho wixii dhacay ku saabsan iyo fahamkooda

Qaar waxay u dar-dar geliyaan murugada raadsashada macluumaadka la xidhiidha wixii dhacay. Waxaanay isku dayaan inay warbixino kala duwan ka helaan wixii dhacay, markaas ayay si fiican u fahmaan. Fahanka guud ahaaneed iyo warbixin ku filan oo ay ka helaan dhacdadii waxay ka caawisaa inay habeystaan murugadooda iyo inaaney bedelin xaalka noloshooda. Waxaad ku dedaashaan inay caruurtuna dhacdada ka hesho warbixin ku filan, si aanu ugu baahan inuu male akhyaali ah ka samaysto wixii dhacay. Si kastaba ha, ahaatee waxaa caruurta war bixinta loo siinayaa ayadoo hadba loo eegayo da,diisa. Sii akhri murugada ilmaha.

Caawimada dadka kale

Badanaa waxay dadku caawimo ka helaan kooxaha ama meelaha ay ka tirsan yihiin, si ay isu weydaarsadaan khibradaha koox ahaana wax uwada qabsadaan. Dadku waayadii hore waxay murugada u lafaguri jireen si wadajir ah iyagoo isugu duuban. Caawimada bulshada laga helo iyo hadalka laga wada hadlo sidii wax u dhaceen ayaa ah inta badan kuwa ugu muhiimsan. Caawimada bulshada marka laga reebo ta qaraabada waxaa inta badan laga helaa tusaale kooxda wada sheekaysiga.

Lafagurka dareenka iyo ka faaiideysashada hababka wax lagu xalliyo

Dareemada oo loo muujiyo habab kala duwan waxaa laga yaabaa inay caawiso la qabsashada wixii dhacay. Ka hadalka dareenka, oohinta, qoritaanka, sawiraada, jaaska ama dhegeysiga muusikadu waxay horumarisaa falaqaynta murugada. Rabitaanka falaqaynta dareemada adag iyo kuwa cabsida lehba waxay horumarin karaan soo celinta awooda qofka.

Dareenka ah inaad nacdo murugadii waa wax caadi ah. Laakiin taas ka hadalkeedu dad badan way ku adag tahay. Fekerka nacaybka leh iyo dareenkiisuba way fiican tahay inaad ka hadasho ama aad siku daydo inaad si uun u lafagurto, sida ugu wanaagsan ee ayadiga kuula muuqato. Haddii aad isku daydo inaad laasho dareemada kugu xeeran, waxa laga yaabaa inay ku horyimaadaan sida dhabta ah waqti dheer dhacdadii ka dib ama ay gaabiso ka bogsashadeedu.

Ka faa,iideysashada diintaada ama wax aad ka aaminsan tahay dunida 

Suurtogalnimada aaminaada siday kuula muuqato ama diintu waxaa laga yaabaa inaad ka hesho rajo ama aad ka aaminto inay noloshu soo noqonayso iyo xusuus ah qiimaha noloshu leedahay.

Wax qabadka jidhka

Dhaqdhaqaajinta jidhku waxay awoodaa inay saamayso oo ay yareyso kacsanaanta la xidhiidha murugada. Jimicsiga, orodka ama garaacitaanka geeduhu waxay kor u qaadi karaan qaybta hormoonka ee la xidhiidha niyadda, sidoo kale intaad waxaa ku jeedaa waxay ku ilowsiinayaan fekerkii murugada lahaa. Xusuusnoow hurdo kugu filan iyo cuntadu waxay mar walba muhiim u yihiin awoodaada.

Inaad samayso wax caado ah

Caadooyinka kala duwan waxay caawiyaan badanaa lafagurka murugada, tusaale hadday arintu tahay dhimasho, ka qayb galka aaska ayaa dadka intiisa badan u ah muhiim.

Caawimada xirfadlayaasha

Dhanka xirfadlayaasha tusaale la kulanka shaqaalaha ka hawlgala dhibaatooyinka ku dedaal haddaad u baahato caawimo.

Gorfaynta cusub ee murugada

Gorfeynta sida, ama sidee looga bogsadaa marka dhib weyni dhaco, waxay tahay mid taariikhda isla bedesha. Xilliyadii 1900 jidkan ayaa aad usoo xoogaysatey, kaas oo ku salaysnaa in xilliga murugada la dareemayaa inay tahay xilliga dareenkii idiin dhexeeyey adiga iyo qofkii dhintayna uu go,ayo. Aragtidaasi waxay ku wajahan tahay marka xadhigii isu kiin hayey go,o, ayaa lagu xidhi karaa markale meel kale. Ula jeedadu waxay tahay inaad ka gudubto dhimashadii oo aad u noolaato sidii qof ilaawey oo kale si noloshaadu u sii socoto.

Mar danbe waxaa la ogaadey, xilliga muragada inaanay dadku sidaa u shaqeyn. Ilmaha waayey waalidkoodii waxaa la cadeeyey inay u fiican tahay xusuusta ilmaha tusaale inay riyo ku arkaan waalidkood, inay haystaan alaabo ay lahaan jireen, inay soo booqdaan xabaasha iyo guud ahaanba inay ka fekeraan waalidkooda dhintay. Caruurtu waxay kaloo u maleeyaan in waalidkoodii dhintay uu si,uun ula joogo isla markaana la socdo noloshooda iyo waxa ay la kulmayaanba.

Marka caruurta loo ogolaado inay waalidkoodii dhintay wadnaha ku hayaan xusuustiisa, murugadii adkeyd waxay isu bedelaysaa qayb nolosha ilmaha ka mid ah waxaanay u siinaysaa awood badan. Waxaa iyaguna habkan oo kale isticmaala waalidiinta waayey ilmahoodii. Xataa hadduu reerka ilmihiisii keliya ahaa, waxay si mug leh u dareemaan inay weli waalid yihiin waxaanay ula socdaan ilmaha xusuus ahaan. Waqtigan la joogo waxaa loo arkaa in aan loo baahnayn in qofkii dhintay xadhigiisii ama xusuustiisii la gooyo, sababtoo ah waa mid mar walba kula socota.

Murugooyinka waaweyn dadka dareemay badanaa waxay ogaadeen, in aanay xusuusta qofkii dhintay sinaba u lumeyn, ee noocyadeeda ayaa is bedelaya, si aad ula noolaato xusuustaada. Mar mar way dhacdaa in dareenka boholyowgu uu kuu yimaado sanaddo ka dib dhacdadii, tusaale qofkii dhintay dhalashadiisii ama maalintii la aasay. Dadka kale su,aashooda tusaale ma ka gubtey murugadaadii? ayaa laga yaabaa inaad u dareento inaanay ku qaban oo aanay haboonayn, haddii loo maleeyo waxaa murugada laga gudbaa marka la ilaawo qofkii dhintay. Sii socodka noloshu ma aha sidaa, in la ilaawo qofkii dhintay. Murugada waxaa laga gudbaa marka la dareemo in si diirran loo xusuusto qofkii dhintay.

Murugada masiibada ah

Murugada mashaqada ah waxaa loola jeedaa dhimashada kediska ah ama gacan kale disho. Tusaale qofka is dila qaraabadiisu waxay dareemaan murugo mashaqo ah, waayo dhacdada ayaa ah mid aad u naxdin badan.

Murugada masiibada ah waxaa la xidhiidha xusuus ku aadan qofkii dhintay oo aad u xanuun badan, i naadan awoodin inaad sinaba u rumaysato waxa dhacay iyo inaad aaminto inay nolosho sii soconayso qofkii dhintay la,aantii iyo dareen isku dhex yaacsan. Noocyada kale ee lagu yaqaano murugada masiibada ah waxaa ka mid ah tusaale nolosha oo aad u dareento mid aan qiimo laheyn, wax kasta inay ku xusuusiyaan qofkii dhintay sida meelaha qaarkood, fekerkaaga iyo dareenkaaga oo aad diido ama inaad dareento in qayb kaa midi hi dhimatay. Mar-marka qaarkood dareen la,aantu waxay ka jawaabaysaa murugada masiibada ah. Masiibadu waxay keeni kartaa niyadjab.

Ka bogsashada murugada masiibada

Qofka murugada masiibado la kulanto waxaa wanaagsan inuu in badan ka hadlo wixii dhacay. Ka hadalku wuxuu ka caawinayaa inuu fahmo oo rumaysto wixii dhacay kuna sii daro qofka taariikh nololeedkiisii. Dadka runtii arkay ama dareemay arimo culculus oo naxdin badani inay mar uun xusuustooda ka baxdo dhacdadii waxay u arkaan wax aan dhici karin. Qofku wuxuu isku mar dareemayaa dareen dibeda ah iyo tabar darro aad u weyn.

Masiibadu markay dhacdo waxaa haboon in qofku u hawl galo sidii uu ufahmi lahaa wixii dhacay, intaanu bilaabin sidii uu murugada uga gudbi lahaa. Marka si fiican loo lafa guro wixii dhacdadan sababay, ayey masiibadu isu bedelaysaa murugo caadi ah, markaas ayay suurtogal tahay inuu qofku la qabsado deegaankiisan is bedeley, wuxuuna baadhaa xusuuso fiican oo ku saabsan qofkii dhintay, markaa dhacdadii mar danbe ma noqoto mid u degan maskaxdiisa si joogto ah. Si tartiib ah ayey dhacdadii uga mid noqonaysaa noloshiisa isla markaana wuxuu bilaabayaa in uu dib uga fekero mustaqbalkiisa

Astaamaha kala duwanaanshaha murugada iyo masiibada

Xilliga murugada

 

Xilliga masiibada

Xusuus ku aadan qofkii dhintay.

 

Maskaxda oo ay si isdaba joog ah ugu soo dhacdo xusuuso aad u naxdin badan oo ku aadan qofkii dhintay.

Raadinta xusuus wax ku ool ah.

 

Iska ilaalinta xusuusaha meelaha iyo arimaha ku saabsan dhacdadii naxdinta lahayd.

Rabitaanka ka hadalka qofkii dhintay.

 

Ka hadalka dhacdadda oo noqda mid adag.

Murugo, boholyow, niyadjab.

 

Kurbo, cabsi, niyadjab.

Riyooyin wanaagsan oo lagu arko qofkii dhintay.

 

 

Riyo cabsi leh, xilligii naxdintu dhacaysey oo aad mar labaad dareento.

Wax ka qabadka masiibada waxaa ka horeeya wax ka qabadka murugada

Murugada masiibada qofka la il daran waxaa laga yaabaa inuu u baahdo caawimada dadka xirfadlayaasha ah si ay uga caawiyaan wax ka qabadka murugada. xaruntaada degmada ee arrimaha bulshada ama sooshalka waaxda gargaarka deg-degga dhibaatooyinka ayaad waqti ka qabsan kartaa shaqaalaha ka hawl gala dhibaatooyinka. Nooca dhibaatadu tahay iyadoo loo eegayo waxaa kaloo suurtogal ah in laguu helo koox dhibwadaagayaal ah ama koorso baxnaanin ah, kaaso o aad ka qaybgalkiisa ku gorfayneyso dhibkaaga kooxda dhexdeeda. Sii akhri: Dhibaato masiibo ah.

Murugada ilmaha

Caruurtu waa muhiim inay la laqaybsato murugada qoyska intiisa kale murugada. Caruurta waa in loo sheegaa sidii wax u dhaceen ee dhabta ah iyadoo loo egayo da,dooda. Haddii aanu ilmuhu hayn xog dhab ah waxaa laga yaabaa inuu male akhyaali ah ku buuxsado meelaha aanu fahmin. Tusaale haddii qofkii geeriyoodey la soo booqanayo ilmuhuna rabo inuu, soo eego waa in loo ogolaadaa inuu ka qayb galo. Aragtida dhimashadu waxay ka caawisaa ilmahu inuu fahmo, in qofkii u dhowaa ama uu yaqaaney uu yahay mid dhintay. Ka qaybgalka aasku ilmahana aad ayuu muhiim ugu yahay.

Ilmaha way ku adag tahay sidii uu ugu umuujin lahaa murugadiisa hadal ahaan. Qofkii dhintay iyo dhibka wixii keenay in laga hadlaa aad bay muhiim ugu tahay ilmaha. Markaa waa arin lagama maarmaan ah in qof weyni kala sheekeeysto ilmaha wixii dhacay. Ula jeedaduna waa haddii ilmuhu maqlo wixii dhacay ma dhici karto inuu khalad wax u fahmo. Tusaale ahaan ilmayaasha da,da ciyaarta ku jiraa waxay awood u lee yihiin inay wax maleystaan, ayagoo u malaynaya inay aduunka dhan ku saameyn karaan cayaartooda. Taasina waxay sababi kartaa inuu, ilmuhu u maleeyo inuu isagu ku lug lahaa dhimashada qofkan.

La hadalka ka dib ilmuhu wuxuu u baahan karaa habab cad oo qeexaya sidii uu wax uga qaban lahaa murugada. Tusaale haddaba ilmaha waa inaad wax la sawirtaa, muusikada la dhegeysataa ama aad la daawataa qofkii dhintay sawiradiisa. Caruurta waxaa kaloo u caado ah inay dhimashada ku gorfeeyaan hab cayaareed. Dadka waaweni waa inay ilmaha siiyaan waqti aad u badan, waana inay agtiisa joogaan. Caruurtu taabashada oogada/jidhka waxay ku dareemaan naxariis iyo deganaansho, markaa waa in ilmaha dhabta lagu qabtaa, intii hore in ka badana hab la siiyaa.

Caruurtu waxaa laga yaabaa inay wax badan kaa weydiiyaan su,aalo ku aadan murugada iyo dhimashada. Haddii su,aasha ilmuhu qofka weyn ka oohiso, waxaa fiican in loo sharxo waayo aad u ooydey, si aanu uga qaadan in uu kaa xumeeyey niyadaadii oo aanu u joojin waydiinta su,aalaha. Kuwaas oo aad uga caawinaya fahamka iyo wax ka qabadka murugadiisa. Oohinta ilmohoo ku arkaya ma aha wax laga baqo, wuxuu ku fahmayaa in qofkii dhintay loo boholyoobi karo.

Dadka oo dhan iyo ilmuhuba waxay lee yihiin awood, taas oo ay iskaga badbaadiyaan imtixaanada adag ee ku yimaada. Ka bogsashada waxaa horumariya dadka kuu dhow-dhow, sida saaxiibada, ehelada ama waalidka caawimada aad ka hesho iyo suurtogalnimada soo bandhigida murugadaada, kooxda dhib wadaagayaasha ama xirfadlayaasha, sida ka qaybgalka kooxda murugada iyo helitaanka warbixinta in ficilka murugada la sameeyaa yahay wax caadi ah. SOS-Xarunta wuxuu u qabanqaabiyaa caruuraha waayey eheladooda koox wax wadaqabsi ah sida jimicsiga. Meelo badan oo kale ayaa qabanqaabiya kuwan oo kale. Caruuruhu waxay lee yihiin qaabab isku mid ah oo ay isku badbaadiyaan sida dadka waaweyn oo kale tusaale waxay murugadooda ku baabi,iyaan hab waxqabad, iyagoo niyadana ka gorfeynaya arintii.

Waxyaalaha keena murugada ilmaha

Qoyskii wuxuu isu bedeley si joogto ah

Ilmaha waxay u taabataa si kala duwan, haddii qofka qoyska ka dhintay uu yahay walaal ama uu yahay waalid. Dhimashadu waxay keentaa in aanu marnaba qoyskii dhamayn oo qof ka maqan yahay.

Dhimashada walaaalka

Waqtiyadan danbe qoysasku waa kuwo dad yar, markaa ilmaha walaalkii waayey waxaa laga yaabaa inuu noqdo keli. Ilmaha waayey walaalkii had iyo jeer si,uun buu xidhiidh adag ula leeyahay una ilaaliyaa xidhiidhka walaalkiisa dhintay. Tusaale waxay la sheekeystaan walaalkii dhintay iyagoo uga sheekeynaya waxa iyaga ku dhacay, sidii wax ay sameyn lahaayeen haddii walaalkii u noolaan lahaa. Ilmaha waa u muhiim inuu xusuusto walaakiisii ka dhintay isagoo la kaashaanaya waalidkii, tusaale inay wada daawadaan sawiradiisa.

Dhimashada walaalku waxay saameysaa xidhiidhka ilmaha ama ilmayaasha kale iyo waalidkood. Xaalada adag ee lagu jiro iyo murugada balaadhan ayaa saameyn ku yeelata awooda waalidka. Ilmaha murugada iyo farxadu badanaa waa kuwo isu bedbedela, sidaa la,ajigeed waalidku waa inuu isku dayo inuu ka qayb qaato waqtiga farxada ee ilmaha. Lafa gurida wixii dhacay waxaa horumariya, haddii waalidku awoodo inuu caawiyo murugada iyo ilmahaba.

Dhimashada waalidka

Dimashada waalidku waxay bedeshaa qofkasta oo ka mid ah qoyska iyo qoyska oo dhan. Way dhici kartaa inay waqti dheer qaadato sidii ay nolosha qoysku ugu soo noqon laheyd si caadi ah. Haddii labada waalid mid ka midi hi dhinto, badanaa ilmuhu wuxuu ka werweraa inuu waayo ka kalena. Cabsidaasi waxay keentaa in ilmuhu ilaaliyo waalidka hadhay ama qofka weynba ama uuba ka baqo inuu wax yar keli ahaado. Dareenka kurbada ilmuhu waxay u soo if baxdaa oohin, ama cadho ahaan iyo dhaqan xumo ka muuqata waxbarashadiisa waqtiyada qaar.

Dadka ilmaha ku dhow-dhow waa inay isku dayaan inay ilmaha ku caawiyaan hadal ahaan wixii dhacay, xusuus ahaan si wada jir ah waalidkiisii dhintay iyo inay sameeyaan wax muuqda, sida sawiraad ama cayaar. Kooxaha murugada, meelaha ilmuhu ku gorfeeyo murugadiisa isagoo la jooga caruur ay isku da,a yihiin isla markaana isku dhib yihiin badanaa aad bay u caawisaa ilmaha. Haddii ay dhimashadu ahayd mid aad u mashaqo badan, ilmuhuna uu arkay dhacdadan ama uu helay waalidkii oo dhintay ama murugadu noqoto mid iska socota oo joogto ah oo misna xooggan, ka qaybgalka kooxda murugadu waxay noqon laheyd mid aad faa.iido ugu leh.

Sidoo kale jidka ilmuhu murugada uga badbaadayaa waa laqabsashada isbedelka. Caawimada ehelada ama dadka kale ee ku dhow-dhow iyo waqti ka dib ilmuhu wuu fahmayaa wixii dhacay, ka fekerida sidey u saamaysay naftiisa iyo inuu ka dhigto qayb taariikh nololeedkiisa ka mid ah. Xusuusta dhimashado badanaa waa calaamadaha badbaadadda. Xusuustu ilmaha waxay tustaa sawir maskaxeed ah waalidkiisii dhintay markuu noolaa siduu ahaa. Muddo ka dibna ilmuhu wuxuu awoodaa isagoo kaashanaya sawir maskaxeedkiisa inuu ka fekero xidhiidhka waalidkiisii dhintay.

Ilmuhu waxaa qasab lagu dhaawacay noloshiisii

Xilliga yaraanta iyo dhalinyaranimada inteeda hore badanaa waxaa la xidhiidha dareen aan dhib ama dhaawac laheyn. Haddii ilmuhu waayo qof ku dhow, dhimashadaasi waxay ku noqonaysaa mid kedis ah oo ku timid waqti hore iyo qof ku dhow. Dhimashada dhowe waxay ilmaha gaadhsiisaa heer oo kaga fekero dhimashadiisa. Sidoo kale qoyska intiisa kale waxaa laga yaabaa in ay si aan loo baahnayn u ilaaliyaan xaalada qoyska uu qofku ka dhintay.

Waayitaanka eheladu ilmaha waxay ku keeni kartaa saamayn jidh ahaaneed. Ilmuhu wuxuu isu malayn karaa inuu intii hore ka xanuun badan yahay ama ka awood badan yahay. Caruurta waayey eheladoodu iyo dhalinyaraduba way uga adkaysan badan yihiin dhibaatada kuwa kale ee filkood ah. Waxaa kaloo laga yaabaa inay isu dareemaan inay ka awood badan yihiin filkooda dhibka ay soo mareen awgii iyo inay yaqaanaan qiimaynta ehelada in ka badan filkood.

Dembiile

Ilmaha waayey eheladiisu mar-mar wuxuu lee yahay dareen la mid ah ka dadka waaweyn tusaale dareen aan habbooneyn oo ah inuu isagu kalifey dhicitaanka dhibkan naxdinta leh. Ilmuhu wuxuu ku fekeri karaa inaanu xaq u lahayn in uu noloshiisa ahaado mid faraxsan ama farxo. Dadka waaweyn waa inay ka shaqeeyaan siday u xoojin lahaayeen dhaqanka ilmaha waqtiga farxadana isugu deyi lahaayeen inay kala qayb qaataan hab ciyaar ahaaneed ama qosolba waana inay u sheegaan, in wax kasta oo adag oo noloshan ku dhaca ka dib dadkoo dhami xaq uleeyahay inay farxad dareemaan markii ay suurtogal noqotaba. 

Caruurta yar-yari waxay u qaadan karaan, inay dadku awoodaan inay feker ahaan ku dili karaan qof kale tusaale walaashayda yari waa doqon waxaanan rajeynayaa, inaanay jiriba lahayn… ilmaha yar waa u muhiim in loo sheego, waayo iyo siduu u dhintay qofkii ehelka ahaa, iyo inaanay dadka kale waxba ka qaban karayn.

Culeyska fekerka

Ilmaha yar xataa way dhici kartaa, inay ku adkaato waxqabadka nololmaalmeedka fekerada culus ee kurbada wata ee ku soo dhacaya maskaxdiisa awgeed. Cabsiyo kala duwan, dembiile, murugo iyo boholyow darran dareemadaas ayaa laga yaabaa inay ku meeraysanayaan ilmaha maskaxdiisa. Ilmaha way ku adag tahay inuu hadal ahaan u sheego kuwan oo dhan marka hore ka dibna uu lafa guro. Sidaas ayey muhiim ugu tahay inuu, qofka weyni u sheego dareenkiisa sidaas ayaanu ku caawin karaa inuu ilmuhu fahmo, waxyaalihii uu isna dareemayey tusaale waxbarashada ayaa noqon karta mid ku adkaata ilmaha dhimashada ehelada ka dib. 

Dadka waaweyna shaqada ayaa iygana ku adkaan karta dhimashada ehelada ka dib. Haddii waxbarashada ilmuhu xumaato waqti dheer ama ilmuhu u dhaqmo isgoolka si xanaaq ah ama si aad uga duwan sidiisii hore, waa in caawimo debeda laga raadsadaa sida tusaale ahaan xaruntaqoyska ama baxnaaninta koorsooyinka loogu talo galay ilmaha ama kooxdamurugada waxaa dhici karta in faa,iido laga helo

Murugo aan cod lahayn

Marka laga hadlayo murugada badanaa waxaa laga hadlaa qoyska, ilmaha sidoo kale dadka qaraabada ah. Bulsho walba waxay leedahay caado iyo dhaqan ku saabsan dadka murugadu saamaynayso iyo sida ay u muujiyaan. Arintan waxaa laga arki karaa xataa dadka xaqa u leh in fasax caafimaad la siiyo xiliga murugada marka qof reerka ka mid ah uu dhinto.

Maaddaama oo murugadu aysan ahayn xanuun, marka dhakhtarku uu fasaxa qorayo wuxuu fasaxa sabab uga dhigaa ’sabab la xidhiidha isku buuqa qofka iyo calool xumada’. Waxaa iyana jiri kara in meelaha qaar heshiiska shaqadu uu ogolaanayo in qofka fasax la siiyo haddii qof reerkiisa ka mid ah uu dhinto. Ilmaha aad dhashay ama xaaska geerida ku timaada way ka fasax badan tahay marka waalidka qofka geeri ku timaado fasaxa la bixiyo. Sidaas awgeed waxaa laga yaabaa in la dhibsado qaabkaas bulshadu arintaas u deristo iyo murugooyinka qaabkooda iyo fasaxooda kala duwan.

Murugada aan codka lahayn waxaa loola jeedaa marka qofku uu murugoodo isagoon bulshada dhexdeeda loo arag in arintaas ay isaga si toos ah u saamaynayso. Murugadan waxaa kale oo ay noqon kartaa mid la xidhiidha tusaale ahaan qofka oon awood u lahayn inuu muujiyo murugadiisa ama heli waayo kaalmo la xidhiidha dhibaatooyinka qofka kala soo dersa nolosha. Murugada aan codka lahayn tusaale ahaan waxaa la kulmi kara dadka soo socda.

Kuwa ilma iska soo rida

Marka qofku ilmo iska soo rido murugo ayaa la soo derista. Si kastaba ha ahaatee in ilmo la iska soo ridey hadana laga murugooda bulshada finniska ah looma arko arin caadi ah. Arintan waxaa khuseeya ka soo horjeedka ilma la soo rido sidoo kale arinta oo loo arko mid cida sameysa ay kaligeed masuul ka tahay, waxayna beereysaa dareen ah in qofkaas uu keligiis ku noqdo murugada la xidhiidha arintaas. Waxaa jirta in qofka ilmaha iska soo ridey uu sidoo kale dareemo murugo marka wax laga ridayo iyo kadiba. Murugadaas waxaa ku dhex jira dareen in qofku dembi galay. Waxaa iyana jirta dood ah in dumarka arintaas ku kaca ay xaq u yeeshaan in ay murugoodaan iyagoon ka cabsi qabin dareenka dadka kale ay arintaas ka qabaan.

Dadka ilmahooda qof kale siiya

Dadka ilmahooda qoys kale siiya murugadooda lama tixgelin. Dadka kale waxay u arkaan in aysan qasab ahayn in ilmahaaga aad cid kale siiso si ay u korsadaan sidaas awgeed looma arko arin qofkaas murugo ku ah. Waxaa kale oo laga yaabaa in dadku ay taas u arkaan in maaddaama qofka ilmihiisa bixiya sharciyan xuquuqdii ilmuhu ay ka wareegayso in sidoo kale dareenkii uu ku hayeyna uu dhamaanayo. Sida badan arimaha dareenka la xidhiidha qofku ma go’aansan karo sida ay ku imanayaan. Waxaa laga yaabaa in qofka ilmihiisa bixiyey uu arintaas mudo badan ka murugoodo.

Dadka ilmuhu ka dhicisoobo

Hooyooyinka iyo aabayaasha ilmuhu ka dhicisoobo waxay sheegeen in aysan helin caawintii ay xilligaas u baahnaayeen. Ilmaha soo dhicisooba reerku waxay u dareemi karaan ilmo la sugayey oo la waayey, laakiin dhinaca shaqaalaha caafimaadka waxaa laga soo qaadaa ilmo la soo xaadhey. Sidoo kale wadankan haddii ilmaha dhicisoobay uu ka yar yahay 22 todobaad xataa aas looma abaabulo arintana waxay muujineysaa in dhaqan ahaan aan la abaabulin kulan arintaas la xidhiidha. Xataa waxaa dhib ah in dareenka ay qaybsadaan labada is qabta. Ilmaha dhicisoobay wuxuu labada waalid hooyada iyo aabahaba ku ahaan karaa arin culus, murugada arintaas la xidhiidhaana waxay u muuqan kartaa siyaabo kala duwan. Waxaana suurogal ah in labada is qaba uu midba midka kale ka caawiyo murugadiisa.

Ragga is qaba (khaniisiinta)

Kuwa sidan oo kale ah xataa xlligan la joogo way adagtahay in dadkooda ay kaalmo uga helaan murugadooda. Tusaale haddii laba is qaba mid dhinto ama ay kala tagaan, midka murugeysan badanaa isaga ayey keli ku tahay murugadaasi.

Saaxiibada, saaxiibka shaqada iyo saaxiibka iskuulka

Saaxiibada, saaxiibka shaqada iyo iskuulka waxaa laga yaabaa inaan la xisaabsan ama tirada lagu darsanin xilligga murugada maaddaama oo reerka murugadu haysato aysan xubno ka ahayn, sidoo kale waxaa laga yaabaa inaysan rabin caruurtu inay murugoodaan. Waxaa laga yaabaa in saaxiibka laga sugo inuu reerka ka caawiyo murugada, isagoo laga yaabo inuusan arintaas xogba u haynin.

Qaraabada khamriya-cabka ama doroogiistaha

Qaraabada khamriya-cabka ama doroogiistaha ay ka dhintaan waxaa laga yaabaa in ay maqlaan hadalo ay dhibsadaan iskadaa in lala murugoodo,e. Hadalada lagu soo tuuro waxaa ka mid noqon kara’ kaas waxba haka murugoon’. Xataa dadka laga dhintay ayaa u arki kara in xaaladu ay soo debci karto haddii dhinaca maandooriyaha ee qofka geeriyooday uu isticmaalayey ay dhibaato ku haysay inta kale, ama uu ahaa qof maandooriyuhu uu bedeley oo dhibaato iyo rabshad badan. Waxaa jirta in sidoo kale qof walba uu xaq u leeyahay inuu murugoodo sida uu rabana u murugoodo.

Qaraabada qofka AIDS.ka u dhintay

Qofka AIDS.ku ku dhacay ama qaraabadiisa waxay dareemi karaan ceeb la xidhiidha in cudurkan uu ku dhacay qof iyaga ka mid ah. Cudurkan dadku waxay ka haystaan feker xun oo laga aaminay markuu soo if baxay HIV-tukikeskus ayaa caawiya dadka AIDS.ka qaba ee murugeysan ama eheladooda.

Curyaamiinta

Dadka curyaamiinta ah waxaa laga yaabaa in aan la tixgelinin murugadooda, lamana ogaado  baahida ay u qabaan caawimo dibeda ah, sidoo kale loomana fidiyo xalal ay ku lafa guraan murugadooda.

Dadka xaaskoodii hore uu dhintay

Qofka xaaskiisii hore uu dhintay wuxuu dareemi karaa murugo culus xataa iyadoo sanado hore ay  qofkaas kala tageen. Qofkan waxaa laga yaabaa inaan loogu yeedhin inuu aaska ka soo qeyb-galo ama uusan fahmi karin qofka uu hadda la nool yahay murugadiisa ku wajahan geerida xaaskiisii ama ninkeedii hore. Culeyska murugadu waxaa laga yaabaa inay ku weynaato xataa iyagoo mar horeba kala tegey.

Dadka xayawaanka guriga u jooga uu ka dhinto

Xayawaanka guriga jooga waxaa laga yaabaa in uu qofka weyn muhiim u yahay sida ilmaha oo kale. Waxaa laga yaabaa qofka aan isagu lahayn xayawaan uu korsado in uu la yaabo markuu arko qof xayawaan ka dhintay oo murugoonaya. Waxaa laga yaabaa in lagu yidhaahdo ’ eygii ayaa dhintay’ Siday doonto ha ahaatee qofka xayawaankiisu dhintay ayaa og muhiimadii uu u lahaa.

Shaqaalaha caafimaadka sida kalkaaliyaha caafimaadka, cilminafsiga iyo xirfadlaha arimaha bulshada

Dareenka shaqaalaha caafimaadka ee la xidhiidha qofka ka dhintay dadkii ay caawinayeen inta badan lagama hadlo. Shaqaalaha waxaa loo maleeyaa inaysan dareen khaas ah arintaas siinin. Waxaa laga yaabaa in shaqaaluhu uu xidhiidh dheer oo caawin ah siin jirey qofkaas. Qofka shaqaalaha ah wuxuu dareemi karaa dareen badan oo la xidhiidha inuu qofkaas tebayo, sidoo kale inuusan ku guuleysanin caawintiisii.

Qofka sidan oo kale dareema murugada aan codka lahay, ma helo dad kale oo arintaas ka caawiya, wuxuuna dareemi karaa inaan la ogeyn murugadiisa. Qofka xaaladan ku sugan marna ma aha qof arintaas ku keliyeysta. Waxaa laga yaabaa inay jiraan dad badan oo sidan oo kale ah oo uu murugadiisa la wadaagi karo. Waxaa laga yaabaa in ay jiraan dad sidan oo kale keli ku ahaa murugadooda oo is kaashanaya xidhiidhna sameeya tusaale internetka.

Murugada labka iyo dhediga (ragga iyo dumarka)

Dhaqamada kala duwan ee ragga iyo dumarku siyaabo kala duwan ayey u muujiyaan murugadooda. Arinkan loolama jeedo in mar walba ay ragga iyo dumarku ku kala duwan yihiin murugadooda ama in dumarku ay isku si u murugoodaan. Macnuhu waa in la ogaadey in ragga iyo dumarku ay siyaabo kala duwan u wajahaan murugada. Haddii markaas aan la fahmin meelaha lagu kala duwanaan karo, waxaa laga yaabaa in isfaham la’aan aan loo baahneyni ay dhalato.

Waxaa isfaham la’aanta noocan oo kale ah ka mid ah in ninku uusan muujinin murugadiisa. Dumarku waxaa laga yaabaa in ay ooyaan, kana hadasho murugadeeda, halka ninku uu iska aamusanyahay. Ninku waxaa laga yaabaa inuu meel kale la aado murugadiisa ama uu guriga ka kaalmeeyo reerka halkaasna uu ku murugoodo. Ninku waxaa laga yaabaa inuu ooyo isagoon la arkaynin, mararka kalena uu adkeysto.

Xataa buuggaagta ka hadasha murugada waxaad moodaa in inta badan ay ka hadlaan dhinaca murugada dumarka. Buuggaagtaas waxaa aad loo soo qaataa in qofku dareenkiisa muujiyo dadka kalena uu la qaybsado. Haddii ninka ama naagtu ay yihiin kuwo keligood murugada qarsanaya dadka kalena aan la wadaagin, way adag tahay in mar keliya ay arrinta ka hadlaan kana murugoodaan. Iyadoon la eegayn lab ama dhedig, qof walba wuu rabaa in uu helo meel uu ku tiirsado iyo qof garab u ah si loo maqlo oo loo arko. Wadankan dadku badanaa qof kale kuma tiirsana waxayna xooga saaraan in keligood ay noolaadaan. Ragga khaasatan way ku adagtahay in ay sheegaan in awoodii ama tamartii ka dhammaatay ayna u baahanyihiin in la caawiyo.

Dareenka murugada badanaa ragga iyo dumarku isku si ayey u dareemaan. Murugadu waxay u socotaa badanaa sida mowjadaha oo kale iyadoo ay maalmaha qaar ay ka wanaagsan yihiin ama ka fudud yihiin maalmaha kale. Qofka murugeysan waxaa ku adkaada hurdada, inuu wax sameeyo, inuu noloshiisa ka fekero, dulqaad la’aan iyo inuu dareemo in sida wax u dhaceen aysan daacad ahayn. Sida loo dareemo murugada way kala duwan tahay, dadkuna isku si wax uma dareemaan ragga iyo dumarkuna way ku kala duwanaan karaan dareenka. Muhiimadu waa in la ogaadaa in qof walba uu leeyahay qaab uu u murugoodo, sidoo kalena inuusan jirin hal qaab oo keliya ama sax ah oo loo murugoodaa.