Shaqo la’aanta

Rajo la’aan la xidhiidha waqtiga soo socda iyo waxa uu qofku ku noolaanayo ayaa sababi karta wer-wer iyo feker. Si la mid ah isbedelada kale ee qofka la soo dersa shaqo la’aantu waxay noqon kartaa dhibaato. Xataa qofka oo ka baqa in shaqada uu waayo ayaa qofka culeys ku noqon kara. Sidoo kale waxaa hubitaan la’aan dhaqaale iyo mid maskaxeedba abuuri kara shaqada qofka oo ah waqti cayiman ama aan joogtaba ahayn.

Shaqo la,aantu waxay sababi kartaa dareen cidhiidhi ah, degganaan la’aan, kalsooni daro iyo ceeb. Shaqo la’aantu waxay hoos u dhigi kartaa dareenka ah in qofku noloshiisa wax ka qabto. Marka qofku uu dedaal badan muujiyo wax badana galiyo inuu wax barto hadana uusan helin shaqo waxay sababi kartaa niyadjab. Khaasatan qofka oo shaqada laga eryaa waxay keeni kartaa dareen ah xumaan ama inaan loo baahnaynba. Marka waxaa muhiim ah in la xusuusto in shaqada aysan ku xidhnayn qiimaha qofku leeyahay. Qiimaha qofku isma badelayo haddii uu shaqeeyo ama uusan shaqeyn waana sidiisii.

”Markii shaqadii aan hayey la iga ruqseeyey markii hore waan rumeysan waayey. Markii la i ruqseeyey waxaa ila soo dersay inaan dareemo ceeb xataa iyadoo ay jirtay in sababtii shaqada nalooga ruqseeyey ay aheyd mid la xidhiidha dhaqaale xumo. Waxaan dib ka dareemay in ay fiicneyd qaabkii masuulkii shaqadu uu arinta noola socodsiiyey in kastoo markii uu arinta sheegayey aanan sidaas u fekerin.”

Dhibaatooyinka shaqo la’aantu waxay abuuri karaan kelinimo iyo in uu qofku dareemo gooni ahaansho. Dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo nolosha marka laga yimaado shaqo la’aantu waxaa kale oo ay abuuri kartaa dareen la xidhiidha in qofku is weydiiyo meesha uu bulshada kaga jiro. inuu is weydiiyo: muxuu yahay waxqabadkayga bulshadani? khaasatan dareenkaas wuxuu sii xoog badan yahay haddii nolosha qofku ay ku xidhan tahay shaqada, qofka oo shaqada ka jooga banaanka ama shaqo aan rasmi aheyn haya waxay xataa dhibaato u keeni karaan xidhiidhka qofka iyo saaxiibadii.

Waxaa iyana jirta in isbedelka dhaqaale ee qof qoyska ka mid ahi uu saamayn ku samaynayo reerka oo idil. Isticmaalka lacagta ayaa noqon kara mid aad loo ilaaliyo iyo hab dhaqanka qoyska oo isbedel ku iman karo. Wuxuu muran ka iman karaa isticmaalka lacagta iyo waqtiga badan ee la hayo.

Waqti hore bilow inaad wax raadsato

Waxaa fiican in qofku markuu ogaado in shaqo la’aan ay ku soo socoto ama ay hayso in isla markiiba uu wax raadsado. Qorshe dejin: tusaale maxaan rabaa inaan qabsado? Waa inuu baadhaa arimaha ku saabsan lacagta shaqo la,aanta inuu xaq u leeyahay sida ugu dhaqsaha badan si uu ucodsado gunooyinka iyo caawimada uu xaqa u lee yahay.

Waxaa iyana muhiim ah in qofku isla markiiba marka ay shaqo la’aan ku dhacdo inuu iska diiwaangeliyo xafiiska shaqada (työvoimatoimisto). Waxaad kale ood la xidhiidhi kartaa xafiisyada dadka shaqada u raadiya ama si toos ah ayaad shaqo bixiyayaasha dalab shaqo ugu gudbin kartaa. Shaqo doonashadu waxay noqon kartaa mid aan fududeyn, laakiin haddii qofku markiiba si firfircoon u raadsado markey shaqo la’aan ku dhacdo, jidka shaqo doonashadu ma,aha marka danbe mid ku adkaata.

Qofku waa inuu xaaladiisa qiimeeyo, si waxyaabaha nolol maalmeedkiisa quseeya uu ugu diyaar garoobo. Waxaa muhiim ah in qofku uu ogaado waxa soo gala iyo waxa ka baxa, sidoo kale waxyaalaha u baahan in isbedel lagu sameeyo. Arimaha soo socda ayaa qofka ka caawin kara waxa u baahan in la qiimeeyo.

  • Sidee ayey shaqo la’aantu u saameysay nolosheyda?
  • Maxaan qaban karaa? Kaalmo noocee ah ayaan u baahanahay?
  • Sidey u muuqataa inaan shaqo helo? Intee in la eg ayey shaqo la’aanteydu socon kartaa?
  • Sideen u arkaa aayahayga? Sideen u qiimeeyey arimaha khuseeya aayatiinkeyga?
  • Sideen u arkaa shaqo la’aanta?
  • Maxaan ka rabaa aayahayga, maxaan rabaa dhab ahaantii inaan sameeyo? Sideen u gaari karaa rajadeyda?
  • Xaggeen ka heli karaa akhbaar ama caawimo?

”Marka qofka ay shaqo la’aan ku dhacdo qaabkii isticmaalka waqtiga ee qofka isbedel ayaa ku dhacaya, waqtiga firaaqada ee qofku hayana wuu badanayaa. Waqtigaas badan ee qofku hayo ama shaqo la’aanta oo sii socota ayaa abuuri karta in qofku ka fekero shaqooyinka uu rabi lahaa inuu qabto. Dadka qaar ayey ku dhalataa in uu waxbarasho raadsado ama uu xirfadiisii horeba badelo.”

Xafiiska shaqo la’aanta

Sidee ayaan yeeli karaa hadaan shaqo la’aan noqdo.

Eeg xusuus-qorka shaqo raadiyaha

Xafiiska sahqo la’aanta waxaa laga heli karaa tafsiilaadka soo socda: shaqo dey-deyid,  shaqo dalbid, doorashada xirfada, qorshaha faya dhowrka shaqada, sidoo kale tafsiilaad la xidhiidha helida shaqada iyo nolol maalmeedka sida lacagta shaqo la’aanta iyo shaqo ku tababarashada.

Khasnadaha shaqo la’aanta

Haddii aad xubin ka tahay khasnadaha shaqo la’aanta, waxaad khasnada ka heleysaa lacag ka badan lacagta shaqo la’aanta caadiga ah.

Sii akhri

KELA (Xafiiska Caymiska Bulshada)

Haddii aadan khasnadaha shaqo la’aanta ka tirsaneyn, waxaad lacagta shaqo la’aanta ka codsan kartaa KELA.

Sidoo kale waxaad halkan ka akhrisan kartaa sharciyada la xidhiidha lacagta shaqo la’aanta.

Arimaha bulshada

Lacagta nolol-maalmeedka waxaa laga codsadaa xafiiska arimaha bulshada ee deeggaanka.

Eeg mowduucyada ku qoran shaashadaha soo socda iyo maqaalada lagaga hadlayo nolol maalmeedka baxnaaninta dhimirka, kuwaas oo lagu falanqaynayo caawimooyin kala duwan.

Shaqo la’aanta oo daba dheeraata

Shaqo la’aanta oo daba dheeraata, waa mida socota wax ka badan sanad. Qofka waxaa ku dhici kara shaqo la’aan sababo badan awgood. Tusaale xiligga dhaqaaluhu hooseeyo shirkaduhu waxay dhimaan shaqaalahooda, qaar shaqaalaha ka mid ah ayaa la dhimaa. Waxaa suurogal ah in marka qofku soo dhameysto waxbarashadiisa inuusan isla markiiba shaqo helin. Sidoo kale qofka oo xanuusada ama curyaamaa waxay hoos u dhigi karaan awooda shaqada ee qofka.

Raadsashada shaqada waxaa la xidhiidha shaki iyo hubitaan la’aan waxaa laga yaabaa in qofku uusan isla markiiba shaqo helin. Raadinta shaqadu waxay qofka raadsanaya uga baahantahay hawl badan. In qofku shaqo helo waxaa dhib ku noqon kara aqoonta qofka iyo shaqada banaan oon is waafaqsanayn sidoo kale jaanisyada shaqada oo meelaha qaar hooseeya.

Qofka waxaa loo baahanyahay inuusan caajisin isla markaasna uu wax qabto. Sidoo kale waqtiga badan ee qofku uu hayo xiligga uu shaqo la,aanta yahay waxaa loo baahanyahay inuu ka faa’iideysto. Waxaa muhiim ah in qofku uu dedaal la yimaado, tusaale wuxuu la shaqeyn karaa ururada si lacag la’aan ah, wuxuu ka qeyb geli karaa isboorti ama hiwaayad faa’iido u leh, waxbarashadiisa ayuu sii wadan karaa dhamaan arimahan qofku wuxuu ka heli karaa khibrad dheeri ah shaqo helida ayeyna u fududeynayaan.

Sidoo kale qofka oo hela shaqo ku meel gaadh ah waxay u fududayneysaa inuu mid kale helo. Dhamaan arimahan waxay qofka u fududeeyaan inuu helo shaqo rasmi ah,markaad shaqo cusub doonanayso waxaa lagaaga baahan yahay inaad muujiso khibrada shaqo ee aad leedahay iyo rabitaankaaga shaqadan.

”Shaqo la’aanta sii badaneysaa waxay mudooyinkii dambe si khaas ah u saameysay dhalinyarada, khaasatan ragga”

 Shaqo la’aanta mudada dheer socota iyo shaqo raadinta badan waxay qofka ku abuuri karaan daal, rajo xumo iyo niyadjab. Arinta waxaa kale oo sii xumeyn kara haddii qofka deyn lagu leeyahay ama ay jiraan dhibaatooyin kale oo qofka ku furan maskixiyan ama uu ka fekerayo. Haddii qofku uu niyadjabo ama uu aad uga fekerayo dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha waxaa laga yaabaa inaanu awoodin inuu shaqo raadsado ama uusan si firfircoonba wax u raadsanin.

Xaaladda noocan oo kale ah uma baahna in qofku ku keliyeysto, waxaa loo baahan yahay in qofku raadsado caawimo. Haddii xaaladaada dhaqaale ay xuntahay uma baahna inaad qariso, haddii aad qariso xaalada ayaa ka sii dareysa. Xageen caawin uga heli karaa dhibaatooyinka dhaqaalaha?

Haddii adigoo shaqeynaya aad xanuusato isla markaasna aad aragto inaadan sii shaqeyn karin, waxaa loo baahan yahay in qofku raadsado kaalmooyinka faya dhowrka shaqada ee goobtiisa. Tafaasiil dheeri ah oo la xidhiidha tafsiilaadka faya dhowrka shaqada waxaa laga arki karaa xafiiska shaqada ama KELA. Tusaale niyadjabka waa la daweyn karaa kadibna qofku wuu ku laaban karaa lana qabsan karaa shaqadiisii.

Sidoo kale waxaa laga yaabaa in qofku uu shaqada hawl-gab ka noqdo xanuun la soo dersay awgiis. Marka sidaas ay dhacdo, waxaa loo baahan yahay in qofku ogaado suurtagalnimada inuu codsan karo dhaqaalaha hawl-gabka shaqada.

Waxaa kale oo muhiim ah in qofku raadsado waxyaabaha kale ee ka caawinaya inuu shaqo helo sida koorsooyinka xafiiska shaqada, tababarka shaqada ama tusaale shaqada lagu bixiyo caawinta mushaharka dhamaana waa muhiim in laga qeyb-qaato. Akhri työ- ja elinkeinotoimiston sivuilta, wax qabad noocee ah ayaa laguu fidin karaa. Dhalinyaradu waxay heli karaan tafsiilaad la xidhiidha dhinaca waxbarashada, doorashada xirfadaha iyo tababarka shaqada. Halkan ka sii akhriso tafsiilaadka dhalinyarada loogu talogalay. Deegaamo badan waxaa dhalinyarada loo abaabulaa meelo ay isugu yimaadaan oo ay wax ku qabsadaan. Meelaha noocan oo kale ah, waxaa loogu talogalay in kor loogu soo qaado awooda shaqada ee dhalinyarada, raadinta waxbarashada iyo in qofku halkaas kula kulmo dhalinyarada kale. Halkan ka akhriso tafaasiil dheeri ah.

Sidoo kale akhriso maqaalkan "Waxyaalaha lagu caawiyo dadka shaqo la,aanta ah waxay xoojisaa maaraynta noloshooda". Maqaalkan waxaa lagu daabacay Tesso-lehden numerossa 6/2010. Waxaanad ka helaysaa maqaalkan THL:n arkistosta.