Usoo guuridda wadan kale (soo haajirid)

Usoo guurida wadan kale waa isbedel weyn oo nololeed. Qof walba oo ajanabi ah una soo guurey wadan kale wuxuu wajahaa arimaha la qabsiga wadankaas, qofku wuxuu marayaa marxalad uu kula qabsanayo nolosha cusub ee wadankaas wuxuuna ka fekerayaa, isbedelka la soo dersey noloshiisa iyo wadanka uu yimid. Isbedeladaasi waa lagama maarmaan in la wajaho xataa haddii qofku uu ka yimaado wadan dhaqan ahaan u dhow wadanka uu ka soo jeedo. Dhinaca kale culeyska isbedelka qofku wajahayo waxay kolba ku xidhany tahay kala duwanaanshaha dhaqamada iyo nolosha wadanka qofku ka soo jeedo iyo midka cusub ee uu yimid.

Isbedelka qofka ku dhaca waa mid shaqsi ah waxaana qeyb ka ah tusaale ahaan xusuusta caruurnimo, da’da, shaqsiyada qofka nin ama naag, waxbarashada qofka, meesha qofku ka soo jeedo iyo diintiisa, dhaqanka wadankiisa, sababta uu u soo guuray, haddii ay jiraan dhibaatooyin hore ula soo dersey, waqtiga sugitaanka sharciga wadankan iyo welwelkiisa, waxa laga aaminsanyahay ajaaniibta sidoo kale helida ama helid la’aanta bulsho ee uu qofku ku tiirsanaado.

Sababaha wadanka loogu soo guuro way kala duwanyihiin. Tusaale qofka qaxootiga ah wadankiisii wuxuu uga soo tagay dagaal ama faquuq la soo dersey. Badanaa qofku wuxuu ka soo tagaa waxyaabo badan oo noloshiisa qeyb ka ahaa, waxaa dhici karta inuusan qofku helin fursad uu ugu diyaar garoobo tegidiisa. Mararka qaar waxaa laga yaabaa inuu qofku u diyaar garoobo tegidiisa waqti dheer laakiin cidna uusan arintaas u sheegin. Inta badan qofku kama gaadho ama ma awoodo inuu qaraabadiisa nabadgelyeeyo. Sidoo kale badanaa qofka qaxootiga ah waxaa la soo dersa dhibaatooyin is daba socda inta uusan wadankiisa ka soo bixin. Waxaa iyana laga yaabaa in safarka qaxootinimadda uu ahaa mid dheer oo dhib badan, dadka qaxootiga ah qaar ayaa xeryo qaxooti soo mara ama ku soo noolaa. Si qofku uga soo kabto wixii soo maray una sameeyo horumar qofka qaxootiga ah waxaa suurogal ah inuusan dareenkiisa muujin.

Qofka ajanebiga ah ee usoo diyaar garoobay imaanshaha wadanka cusub. Qofkaas badanaa wuxuu rabaa inuu si uun u horumariyo xaalada noloshiisa. Waxaa laga yaabaa inuu niyada ku hayo waxbarasho ama nolol wanaagsan isaga iyo qoyskiisa xilliyada soo socda, sidoo kale inuu nasiibkiisa eeggo. Mararka qaar go’aanka ah inuu qofku wadankiisa ka soo tago waxaa kalifa dhibaato la soo derista ama soo gaadha qofka. Si kastaba ha, ahaatee wuu awoodaa inuu qorshaysto dhoofitaankiisa, nabadgelyeeyona qaraabadiisa, arimihiisana habaysto.

Marka aan la eegin sababta uu qofku uga soo tagey wadankiisa, qof walba wuxuu soo huray wax muhiim ah, qofku markuu wadan cusub u soo guuro wuxuu marayaa waqti uu wadankaas cusub kula qabsado. Dadka qaar waqtiga la qabsiga wadanka si fudud ayuu ugu gudbaa, dhibna kalama kulmaan qaarna waqti dheer ayuu ku qaataa dhibaato ayeyna kala kulmaan. Badanaa dadka qaxootiga ah ama magan-galyo doonka ah mida dambe ayey u badan yihiin, sidoo kale xataa dadka ajaaniibta ah ee wadanka cusub siyaabo kale ugu soo guura qudhoodu dhibka la laqabsiga wadanka way la kulmaan. Badanaa laqabsiga wadanka cusub waqti ayey qaadataa, mararka qaarna ma dhib yara.

Badanaa dadku ma sii saadaaliyaan kumana sii talo galaan in laqabsiga wadanka cusub uu dhibaato iyo fekero wato. Dhibaatada iyo fekerka la qabsiga wadanka cusub ee loo dareemayo cidhiidhiga iyo xidh-xidh-naanshaha waa kuwo ku taxaluqa la qabsiga dhaqanka iyo bay’ada cusub ee qofku yimid. Mararka qaar wax walba waxay kuula muuqan karaan wax kugu cusub oo dhib badan. Sidoo kale in qofku dareemo rajo la’aan waa wax dhici kara. Dad badan waxay dareemaan xaalado kala duwan oo la xidhiidha dhibaatooyinka laqabsiga wadanka, mararka qaarna dareenkoodu wuxuu ku beeraa tuhun iyo cabsi. Xaaladahaas kala duwan waa kuwo qofka la soo gudboonaan kara caadina ah, lana xidhiidha laqabsiga wadanka. Dhibaatooyinkaas ka dib, qofku wuxuu wajahaa waqti cusub, waxaana bilowda inuu wadanka laqabsado, nolol cusubna uu bilaabo.

Ku dhex jirka arimaha xilliga soo guuritaanka

Farxad ku qaabilida xilliga sugitaanka

Qofka wadanka u soo guuray badanaa rajo wanaagsan ayuu ka qabaa tusaale inuu luqada wadankaas barto isla markaasna uu shaqo helo. Badanaa qofku dareen fiican iyo xoog ayuu u hayaa inuu hagaajiyo arimihiisa. Waxaa dhici karta in waxyaabaha uu higsanayo iyo xaqiiqadu aysan is waafaqsaneyn. Waxaa laga yaabaa in ay ula muuqato in wadanka uu u soo guuray aysan ka jirin wax dhibaato ah. Arintaas waxaa sabab u ah qofka oo is diidsiiya dhibka jira ama indhaha ka xidhanaya. Waxaa dhacda in qofku isku qanciyo bay’ada uu ku sugan yahay isagoo u arka in soo guuridiisu ay ahayd arin sax ah.

Rajoojinka iyo jaanisyada is dhaafsan

U soo guurida wadan cusub iyo sida qofka soo guuray ay arimuhu ula muuqdaan waxay qofka xaqiiqdu u soo baxdaa marka uu qofku wadankaas ku noolaa mudo ama waqti dheer: waxaa qofku soo wajahaya dhibaatooyin nololeed oo meelo kala duwan kaga imanaya. Waxaa dhacaysa in qofka sidoo kale ay u soo baxdo bulshada finnishka ah waxyaabaha ay ku xunyihiin. Waxaa laga yaabaa in ay qofka ku adkaato inuu waxbarasho ama shaqo helo. Qofka waxaa u muuqata in wadankiisu ahaa mid dhinac kasta ka fiicnaa wadanka uu yimid, wadanka cusubna uu ugu muuqdo mid aan wanaagsaneyn. Marka qofku uu ku suganyahay xaaladan, waxaa dhacda in uu dareemo xumaan isla markaasna ay la soo dersaan dareeno dhibaato leh. Waxaa badanaa dhacda in qofku uu dareemo keli ahaansho iyo qanac: Wuxuuna markaas qofku is weydiiyaa in imaanshaha wadankaas uu ahaa mid sax ah? Sidoo kale wuxuu is weydiiyaa inuu doorasho sax ah sameeyey iyo in kale?

Fal celin iyo dareen xoogan

Rajo xumada mustaqbalka iyo wax qabasho la,aanta ayaa qofka ku abuurta welwel. Xaalada cusub ee qofku ku jiro ayaa abuuraya in qofku wax walba uu siiyo ahmiyad, taasna waxay qofka u keenneysaa inuu dareemo daal iyo tabar daro. Arintan waa mid dareen ahaan culus. Waxaa iyana jirta in qofku uu u baahan yahay inuu helo asxaab cusub maaddaama uusan la joogin qaraabadiisii iyo saaxiibadiisii hore. Waxaa laga yaabaa in qofku uusan isla markiiba helin shaqo, waxaa kale oo dhibaato ka iman kartaa dhinaca nolosha guriga, helida lacagta iyo cuntada. Arimahan waxay abuuri karaan dareemo xoogan mar marna waxay u muuqan karaan kuwo cabsi leh. Dadka qaar badan waxay noqdeen kuwo la yaabay dareenkooda xoogiisa xiliggan oo kale marka qofku ku jiro. Dareemadaas xoogan waxaa loo baahanyahay in loo fahmo in ay qeyb ka yihiin xaalada caadiga ah ee la qabsiga wadanka uu qofku yimid.

Dareemo ay ajaanib badani kala kulmeen la qabsiga wadanka:

  • daal, tabar daro, qanac iyo rajo xumo
  • danqasho, cuqdad, xanaaq dhow, naceyb iyo kacsanaan xanaaq ku jiro
  • hurdo la’aan iyo in qofku ku riyoodo waxaan fiicneyn
  • ereyada, magacyada iyo balamaha oo uu iloobo iyo in uu si degan wax ugu fiirsado oo ku adkaata
  • madax xanuun, calool xanuun iyo jidhka oo xanuuna
  • dareen cabsi wata iyo shak
  • in qofku uusan waxba awoodin isla markaasna uusan xidhiidh la sameyn karin bulshada ku cusub
  • in qofku uu si xawli leh oo aan caadi aheyn u fuliyo arimihiisa

Badanaa qofku wuu is dejiyaa markuu ogaado in dareemada aan wanaagsaneyn ee xilliga la qabsiga wadanka ay la xidhiidhaan waqtiga hore ee laqabsiga wadanka, isla markaasna ay yihiin kuwo caadi ah isla markaasna uu ka gudbayo. Mararka qaar qofku wuxuu is odhan karaa inuu is bedelay, dareenka dhibaatooyinka la qabsiga wadankana uusan ka soo kaban karin. Arintu sidaas ma aha. Qofku hore ayuu u sii soconayaa, wuuna ka gudbayaa arimaha la soo dersa markuu dareenkiisa muujiyo, kana hadlo. Haddii qofku uusan ka hadlin dareenkiisa, qofka waxaa la soo dersi kara dhibaato iyo isku buuq ama niyadjab.

Qofka u higsada wuxuu filayo si miisaaman

Si tar-tiib ah ayey qofka ugu muuqataa inuu wadanka laqabsanayo, waxaa usoo muuqda dhinacyada fiican ee wadanka, qofkuna aayahiisa wuxuu u arkaa mid wanaagsan. Kalsoonida inuu wadanka laqabsan karo dhibkana ka gudbi karo ayaa soo xoogeysta. Qofku wuxuu xoogga saaraa sidii uu wax u qabsan lahaa ficil iyo dareen ahaanba. Qofku wuxuu ka fikiraa inuu saaxibo rasmi ah sameysto ama uu guri iibsado.

Waxaa laga yaabaa in ay waqti qaadato, in uuna qofku ku fekerinba in uu wadankiisii ku laabto. Badanaa layaab ma laha in ka fikirida wadankii qofku ka yimid ay dib u dhac u keento sidii wadanka cusub uu ula qabsan lahaa. Kolba inta arintan ay saameyn ku yeelan karto laqabsiga wadanka cusub waxay ku saleysan tahay inta qofkaas wadankiisu u jiro iyo suurtagalnimada inuu booqdo. Qofka qaxootiga ah booqashada waxaa ka xayiri kara cabsi dhinaca nabadgelyada ah, qofka iskii u soo  guureyna awood dhinaca dhaqaalaha ah. Waxaa fiican in la xusuusto in dib u eegida wadankii uu qofku ka yimid ayna ahayn mid joogto ah laqabsigii wadanka cusubna uu sii soconayo.

Dareenka ugu muhiimsan ee qofka la soo dersa waa midka murugada, kaas oo qofka ula soo gudboonaada hilow uu u hiloobayo wadankiisii. Wadankii uu qofku ka yimid waa uu ka go’ayaa, wadanka cusubna wuu la qabsanayaa. Marka qofku arimahaas ka fikiro isla markaasna uu xaqiiqsado wixii uu ka soo tegey iyo waxa uu ka heli karo wadanka uu yimid ayuu qofku gareysan karaa aayatiinkiisa iyo fursadaha jira. Marka qofku uu arintan ka murugoonayo, waxay calaamad u tahay in qofku uu rabo inuu noloshiisa sii wato. Xusuusta taariikhda qofku soo maray waxay leedahay khibrad iyo waayo aragnimo.

Qofku markuu heerkan soo gaadho waxaa u muuqanaya arimaha wanaagsan ee usoo guurida wadan kale. Wuxuu awood u leeyahay inuu fahmo kuna dhaqmo labo dhaqan kiisii iyo kan uu u soo guuray. Labada dhaqan waxay u suurogelinayaan inuu ka helo faa’iidooyin iyo jaanisyo. Qofku markan wadanka wuu la qabsaday. Noloshiisana waa mid caadi ah oo leh farxad, murugo iyo xaalad deggan.

Xaaladda nolosha qof wadan kale usoo guurey oo adkaata

Qofka wadanka kale usoo guuray waxaa ku adkaan kara waxyaabo la xidhiidha la qabsiga wadankaas. Haddii xaaladu sii socoto waqti dheer, qofkuna dareemo in xaaladaas uusan ka gudbi karin, waxaa fiican in qofku kaalmo raadsado. Xaalada kala duwanaanshaha dhaqanka waa laga gudbi karaa, marka qofku si fir-fircoon arinta u wajaho. Sidoo kale in qofku dhibkiisa qof ka caawiya u raadsado ceeb ma aha. Waxaa wanaagsan in qofku caawimo raadsado mar walba oo arin wer-wer leh soo deristo.

Dadka qaar ayey la soo dersaan arimo dhibaato leh. Dhibaatadu waxay ahaan kartaa mid shakhsi, tusaale dhibaato qofka la soo deristay caruurnimadiisii ama waxay noqon kartaa mid dad kale ay la wadaagaan sida mid faquuqid ama dagaal. Dhibaatooyinka qofku soo maray waxay ku reebi karaan dareen caawin la’aan, cabsi ama argagax. Waxayna noqon karaan mid qofka ku reeba cabsi soo noq-noqota, taas oo caqabad ku noqon karta la qabsiga qofku wadankan uu yimid. Arintaas qofku wuxuu u dareemi karaa xusuus ahaan ama xaaladii oo hortimaada, taas oo qofka ku rida dareen cabsi leh.

Xaaladaas dhibaatada adag waxay qofka ku beeri kartaa dareen la mid ah midkii uu hore ula kulmay xilligii dhibaatadaas ay la soo deristey. Qofku wuxuu badanaa isku dayaa inuu ka leexdo arimaha dareenkaas kicin kara ama xusuusin kara. Arimahan ayaa cusleyn kara nolosha qofka iyo la socodkiisa dadka kale. Qofka ayaa marka uu xaaladaas ku jiro mar walba ah mid feejigoon oo cabsi leh xidhiidhkiisa dadka kalena uu hooseeyo. Marka xaaladaas oo kale uu qofku ku jiro waa caadi in uu xanaaq dhowaado sidoo kale inuu mujiyo cadhadiisa. Arintan waxay abuuri kartaa xidh-xidhnaansho iyo dareen kelinimo ama dhibaato ka dhex dhacda qoyska dhexdiisa.

Badanaa dhibaatooyinka adag waxaa ku taxaluqa hurdo la’aan daran, xusuusta oo xumaata iyo qofka oon deganeyn. Arimahaas waxay saameyn ku yeeshaan waxqabadka qofka iyo waxbarshadiisa iyadoo ay tusaale ahaan qofka ku adkaato barashada luqada ama inuu shaqeeyo. Qofka waxaa dhacda inuu dareemo suurtagalnimada noloshiisa in uu wax ka bedelaa inay yar tahay. Waxaa dhacda inuu si fudud u damqado, sidoo kale inuu dhacdooyinka isaga ku xeeran uu u dareemo kuwo isaga ka soo horjeeda. Waxaa ku adkaata inuu dadka kale aamino. In kastoon la bedeli karin wixii dhacay, waxaa loo baahan yahay in qofku barto inuu la noolaan karo xusuustii soo martay.

Sideen ula qabasan karaa wadanka?

Qofku saameyn badan ayuu ku yeelan karaa xaaladiisa nololeed. Halkan hoose waxaa lagu soo uruuriyey arimo la aqoonsanyahay iney wax ka tarayaan la qabsiga wadanka. Sidoo kale waxaa talaabo fiiacn ah in qofku sameysto qaab uu wadanka kula qabsanayo.

  • Aaminaad runta u dhow oo laga qabo wadanka cusub iyo dadkiisa.
  • Ka murugood wixii tegey, laakiin ka feker mustaqbalkaaga.
  • Culeyska saar xaaladda hadda aad ku jirto, xataa haddaad qorsheyneyso inaad noqoto.
  • Xoogga saar waxyaabaha aayaha leh, xataa haddii aadan go’aanba ka gaadhin sii joogitaanka wadankan aad timid.
  • Isku day inaad barato dhaqanka cusub: la qabso waxyaabaha kugu cusub, ka digtoonow dhibaatooyinka. Dhaqankaaga, waxaad taqaan iyo dabeecadaada midna kaama guureyso. Qofna isagoon wax wadan wadan kale uma soo guuro: qofku wuxuu la soo guuraa taariikhda noloshiisa, khibradihiisa muhiimka ah, aqoontiisa iyo wax qabadkiisa. Kuwan ayaa ah kuwa qofka u suurogelinaya inuu la qabsado wadanka cusub. Isu geyso labada dhaqan qaybahooda fiican.
  • Isku day inaad si geesinimo leh nolosha ula qabsato: baro luqada, bilow waxbarasho ama raadso shaqo. Barashada luqadu muhiim ayey u tahay la qabsiga wadanka, bilow sida kuugu dhaqso badan.
  • Ku dedaal inaad yeelato higsasho aad awoodo, si aan deg-deg lahayna talaabooyin u qaad si aad u gaadho himilooyinkaaga. Rajooyin iyo himilooyin noocee ah ayaad laheyd? Sideed u sii higsan kartaa una sii wadan kartaa rajooyinkaagii wadanka cusub? Waxaad qorsheysan kartaa aayatiin iyo higsashooyin badan.
  • Ku dedaal in aad yeelato jadwal maalmeed: subax walba ku talogal in aad wax sameyso. In qofku jadwal ku socdo waxay ka caawineysaa inuusan caajis dareemin. Jadwal maalmeedku wuxuu kordhiyaa dareemida kalsoonida iyo in qofku ka gudbo dhibaatada.
  • Bilow inaad wadanka cusub barato, kana bilow inaad barato meesha aad ku nooshahay bay’adeeda. Kadibna baro meelaha ka baxsan eeriyadaada. Inaad meelahaas keligaa soo martaa waxay kordhineysaa kalsoonidaada.
  • Bilow hiwaayad aad xiiso u hayso. Tusaale jimicsigu wuxuu kordhiyaa dareemida fur-furnaanshaha iyo caafimaadka. Waxaad ka heleysaa isbedel, fir-fircooni, xiiso, farxad iyo waxyaabo aad xiiseyso. Isboortigu wuxuu kaloo kordhiyaa kalsoonida, inaad wax bilowdo, wuxuu kor u soo qaadaa dareenka fikirka iyo waxqabadka qofka. Jimicsigu wuxuu wax ka qabtaa oo yareeyaa dareenka cidhiidhiga, caajiska, hurdo la’aanta iyo xurdo xumada.
  • Cunto aad ku qanacsantahay cun, nasasho kugu filana naso.
  • Xusuuso, in dareenkaaga iyo ficilkaagu ay caadi yihiin. Inaad ka hadasho dareenkaaga iyo waxaad ka fikireyso waxay fududeynayaan xaaladaada. La kulan saaxiibadaa iyo qaraabadaada. La hadal dadka kale una sheeg waxa aad dareemeyso. Waxaa laga yaabaa in aad isku si wax u dareemeysaan.