Astaamaha xanuunka isxakameyn la'aanta

Astaamaha xanuunka ku waalnaanshaha waa xanuunka kurbada waxaana lagu qiimeeyaa astaamihiisa, taas oo kuwiisa ugu waaweyni ay yihiin in qofka qalbigiisa mar walba ay ku jirto fikir ahaan ama waxqabasho ahaan, in uu waxaas sameeyo in uu ku qasban yahay. Xanuunkaan ku waalnaanshaha marka uu hayo qofka, astaamihiisu waa kuwo usoo noqnoqda si joogto ah waxyna qofka ku keenaan kurbo ama dhibaato muuqata. Astaamaha xanuunka ku waalnaanshaha wuxuu sidoo kale dabiiciyan qofku ku waashaa fikir ahaan ama qabsho ahaan fikir qaldan ama aan dhab ahyn.

Guud ahaan fekerada qasabka ama ku waalnaanshaha waxaa ka mid ah cabsi in uu qofku ka qabo wasakhda, cabsi in uu xanuunsado, shaki iyo baahida symmetrian. Waxaa dhacda in qofku si joogta ah uga baqo in uu wasakhoobo ama xanuun ku dhaco. Waxaa kale oo qofku si joogto ah uga shaki qabaa in uu geysto dhibaato culus, tusaale dab.

Qofka qaba symmetrian waxaa kale oo uu rabaa, in alaabtu u habaysantahay hal qaab oo uu ogyahay ama wax walba u dhacaan hal qaab oo uu ogyahay, hadii kale waa kurbanayaa oo welwelayaa, dadka u xanuunsan ku waalashada ama fekerka qasabka ah waxaa dhacda in uu si joogta ah uga werwero caafimaadkiisa, kelmadaha qaarna ay qasab tahay soo celceliyo ama waxyaalo la xidhiidha galmada, maskaxdiisa oo ay hadba ku soo dhacayaan sawiro iyo fekredo qaldan, kuwaas oo cidhiidha geliya qofka.

Caadi ahaan ku waalashadu waxay leedahay is dhaqid iyo hubsiino. Dadka u xanuunsan ku waalashada waxaa dhici karta in wax hubiyo tobanaan jeer, sida in uu hubiyo in makiinada kafeega lagu kariyo dansantahay. Tusaale ahaan si joogta ah in uu u dhaqo gacmaha ama is dhaqitaan joogto ah waa u caadi dadka xanuunkaas qaba. Marmarka qaar is dhaqitaankoodu waa mid waqti dheer qaata oo qasan, qaabka ay u sameeyaan waa mid qasab ku ah in ay u kala hormaiyaan si ay aygu ogyihiin. Dadka u xanuunsan ku waalashada waxay ku fakaraan in, hadii aysan qaban waxa qasabka ku ah in ay qabtaan, ay dhacyaan wax xun.

Badanaa da'da weyn ee u xanuunsan ku waalashada way sheegtaan dhibtooda

Astaamaha iyo dhibaatada dadka u ildaran ku waalashada waxay sheegtaan, tusaale in aysan hurdo hayn iyo in uu awoodo in uu si fiican shaqda ama iskoolka u aadi karo, laakiin si kastaba ha ahaatee ma awoodo in uusn marka hurdo isku hubsan. Ku waalshada fuduf waa mid iska caadi ah gaar ahaan caruurta iyo dhlinyarada, laakiin marka ay si joogto ah usoo noqnoqoto ku waalashadu waxay qaadataa waqti badan waxayna si cad u adkeysaa nolosha caadiga ah iyo xiriirka dadka. Ku waalashada dadka u xanuunsan celcelis ahaan intooda badan ka bogsashadu waxay u keentaa cabsi fara badan iyo jiro taas oo keeni karta niyadjab.

Dadka qaba xanuunka is xakameyn la'aanta kuma deg-degaan in xanuunkooda ay daryeel u raadsadaan

Badanaa xanuunka ku waalshada wuxuu u siyaadaa tartiib. Dadka u xanuunsan astamihiisa isku jira waxaa dhcda in ay la xishodaan ama aysan aqoon daryeelka ay heli karaan. Arimahaas ayaa sabab u noqon kara, in dadka u xanuunsan ku waalashada ay daryeel raadsadaan 7-10 sanno ka dib markii ay dareemeen astaantii ugu horaysay. Astaamaha iyo xanuunka ku waalashada waxaa loo daryeeli karaa si fiican daryeel dawo ama teraabiyada cilminafsiga ama labada daryeel oo wada jira.