Baqdin ka qabka bulshada

Xishoodka, sheexidda ama cabsida iyo naxdinta fudud ee bulshada waa wax caadi ah oo la xidhiidha dabeecadda qofka. Inta badan xishoodka ama sheexidda way yaraataa marka qofka da’ u korodhaba, khibrado iyo waayo aragnimo ayaa ku soo kordha noloshiisa. Geesinimada bulshada dhexdeeda hadbaa waxay isla bedeshaa xaaladda la joogo: tusaale ahaan qaar baa aad uga qajila wax soojeedinta, qaar kalena waxaaba ku adag dad la kulanka.

Xaaladda cabsida ee bulshada waxa lagu tiryaa xanuunka dhimiraka, marka cabsida iyo kuwa kale ee is dhexgalka bulshada ay calaamadaha la xidhiidha si toos ah u adkayso xaaladaha nolosha caadiga ah ee qofka iyo kurbada la xidhiidha xaaladaha bulshada ay tahay mid xooggan.

Xaladaha cabsida ee bulshada waxay bilaabantaa sida caadiga ah xilliga caruurnimada iyo dhalinyaranimada, taas oo saameyn ku yeelan karta xilliga waxbarashada iskuulka. Xaaladaha cabsi ee bulshada waxay u muuqataa iney ku iman karto hab dhaxal ahaaneed iyo dhibaatooyinkii hore ee adkaa iyo hababkii hore ee aad wax u soo baratay.

Cabsashada bulshadu waxay aad u adkeysaa nolosha

Xaaladaha cabsida ee bulshada ama cuqdadda bulshada waxay xadiddaa oo adkeysaa xiriirka dadka. shaqada iyo waxbarashada. Xaaladaha leh kurbada darran dadku wey ku kaladuwan yihiin.  Dadka qaba xaaladaha cabsida leh ee bulshada waxaa soo wajihi kara kurbo xooggan tusaale ahaan hadal kajeedinta shirka, la kulanka dhakhtarka, amarsiinta dadka, kula xaajoodka telefoonka ama caadi ahaan la sheekaysiga bulshada dhexdeeda sida kuwa shaqada iyo waxbarashada.

Tan ugu xun waxay tahay, dadka leh cabsida xaaladaha bulshada waxay si feejigan isga dhawraan xaaladaha u keeni karra kurbada iyo inay gooni uga go’aan shaqada iyo waxbarasha iyo xiriirka dadka.

Astaamaha cabsida ee xaaladaha bulshada

Aataamaha cabsida xaaladaha bulshada ee jidh ahaaneed tusaale ahaan waa garaacida wadnaha, wareer, gariir, dhidid, caloosha ama madaxa oo culeys aad ka dareento, dhuunta iyo afka oo qalala ama madax xanuun. Kafeega, maandooriyaha iyo hurdada oo yaraata waxay siyaadiyaan xanuunka.

Xaaladaha cabsida bulshada iyo kurbada waxaa keeni kara adiga oo ka baqaya inaad la kulanto yaxyax ama ceeb. Waxaa laga yaabaa in cabsida qaarkeed tahay mid aan la aqoon ama inteeda badana aan dhab ahyn ama la buunbuuniyey. Xaaladaha ka cabsashada bulshada dadka u dhibaataysan waa kuwo ka feejigan xaaldaha kurbada leh si ay shaqsi ahaan uga badbaadaan xanuunkooda iyo waxyaabaha la xidhiidha.

Waxay kaloo ku fekeraan, in dadka kale ee goob jooga ahi ay ku mashquulsan yihiin u fiirsashadooda, ayagoo raba inay u qiimeeyaan si adag oo cadownimo leh, in kastoo sida xaqiiqdu tahay aysan ahyn sidaas. Badanaaba rajadooda oo aad u koreysa iyo inay naftooda si axmaqnimo ah ula xisaabtamaan waa noocyada dadka u dhibaataysan cabsida bulshada.

Astaamaha cabsida xaaladaha bulshada waxay keeni karaan dhibab kale

Waxaa arin guud noqotay xaalada cabsida bulshada in ay keeni karto niyadjab ama arimo si cad ula xidhiidha niyadjabka. Dadka qaarkood oo u dhibaataysan xaaladaha cabsida bulshada waxay badbaado ka raadsadaan khamrada ama maandooriyeyaasha kale si ay xanuunka nefis uga dareemaan. Si walba ha ahaatee maandooriyuhu wuu ka sii daraa xaalada waxaana dhici karta in qofku uu ka maarmiwaayo. Xaalada cabsida bulshada dhibkeedu wuxuu keeni karaa in xataa qofku ku fekero in uu si dilo.

Xaalada cabsida bulshada waxaa loo daryeeli karaa si fiican. Waa in daryeelka loo raadsado sida macquul ahaan ugu dhaqsaha badan, hadii uu qirsan yahay qofku in shaki weyn ka haysto xaalada cabsida bulshada.

Xaalada cabsida bulshada daryeelkeedu waa dawo ama taraabiyada cilminafsiga

Xaalada cabsida bulshada waxaa lagu daryeeli karaa oo natiijo leh daryeel dawo ama teraabiyada cilminafsiga ama labadooda oo wada jira. Badanaa xaalada cabsida bulshada daryeelkeeda aan noqon mid guud ama taraabiyada waqti gaaban waa mid awoodle xaalada cabsida bulashada oo noqotay mid guud waxaa caawin kara taraabiya socota wqati dheer.