Bogsashada

Sanaddadii 1950-dii waxaa la aaminsanaa, in aan laga bogsan karin xanuunada dhimirka. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar weli ay qabaan fekerkaas, oo ay aaminsan yihiin xanuunka dhimirku inuu yahay mid joogta ah oo dhib leh. Waayahan dambe waxaan ognahay in looga bogsado si buuxda ama in loo helo daryeel sax ah oo baabi’iya calaamadaha xanuunka. Bogsashadau waa qof iyo nasiibkii, oo dhaqsashadiisu ku xidhan tahay arrimo badan. Bogsasgadu waxay kaloo u socon kartaa si ”isbedbedel leh”: marna way xumaataa iyo marmarna way fiicnaataa.

Dad badan oo ka bogsaday xanuunka dhimirka waxay bogsashadooda ku tilmaamaan inay muhiim u aheyd qirashada xanuunkoodu. Tusaale ahaan dadka qaba niyadjabka waxay sheegeen, muddo dheer ka hor intaanay qiran xanuunkooda inay ahaayeen kuwo dareemayey in niyadoodu hoosayso isla markaana ay adag tahay sidii dadka kale u aqbali lahaa xanuunkooda. Xanuunka niyadjabka ama kan dhimirka waxay keeni karaan dareemo is eedeyn iyo ceeb, bogsashaduna waxay bilaabantaa badanaa marka dareemadan la lafa guro: waa muhiim in la fahmo lana ogaado in dareemada is eedeynta iyo is ceebsashada ahi aanay aheyn wax sali yo raad leh oo qof walbana qiimo u lee yahay naftiisa.

Bogsashada waxaa muhiim u ah ka qeyb qaadashada, aqbalidda iyo inaad dareento in lagu dhegaysanayo waayo aragnimadaada. Fikradda dhib wadaagiddu waxay ku saleysan tahay middan. Kooxda dhib wadaagayaasha qofka looma qiimeeyo sida uu waxqabadkiisu uga muuqdo, hase ahaatee qaar badan oo ka hawl gala qaybta baxnaanintu waxay dareemeen tusaale ahaan in shaqadooda waxaasi ka dhici jireen.

Mar marka qaar bogsashadu wuxuu qofku ka helaa isbaddel khibradeed. Noloshu markii hore waxay aheyd mid ku saleysan wax qabsi iyo tiigsashada ujeedooyinka waxaa kaloo xanuunka dhimirka la xidhiidhi kara dareen aan la aqoon, tusaale ahaan: ”kan aniga ma ahaan karo qofkan raja la’aanta iyo awood la’aanta ah”. Xilliga bogsashada qiimaha iyo shaqsiaduba inta badan wey isbedeshaa oo soo hagaagtaa. Qofka ka bogsashada xanuunka ayaa ku qasbi karta inuu qaab cusub wax isku weydiiyo tusaale, maxaa aniga i farxad gelin kara, iyo wax kasta oo loo baahdo inaan la heli/gaadhi karin ama laga jawaabi karin.

Qofka ku jira baxnaaninta xanuunka dhimirka wuxuu lee yahay waxyaabo badan oo uu ku fiican yahay, taas oo aysan laheyn dad badani. Tusaale ahaan wanaaga qofka oo aan laga dareemin nawaaxigiisa, sababtuna waa iyadoo lagu mashquulo uun xanuunkiisa dhimirka iyo waxqabasasho la,aantiisa. Ka bogsashada xanuunka dhimirka qofka qaba waxyaabaha uu ku fiican yahay waxaa ka mid ah tusaale ahaan mar mar dhaqaale yar oo soo galay ayuu isku filnaysiiyaa, fahamka nidaamka sooshalka, helitaanka iyo ogaanshaha awooddiisa iyo weliba fahanka dadka kale ee ku sugan xaaldahan adag.

Qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha baxnaaninta xanuunka dhimirka ayaa ku guuleystay xaalado iyo marxalado la aaminsan yahay inaan laga gudbi karin. Ku guuleysashada noocaas ah khibradda aad ka hesho ayaa aad kuu anfacda inaad caawiso dadka ku sugan xaaladaha qalafsan.

Haddii bogsashadu dheeraato

Dadka qaba xanuunka dhimirka waxaa dhici karta inay is weydiiyaan su’aalahan: ”Muddo intee le’eg ayuu qaadan karaa?”, ”Ma ka bogsanayaa weligay?” Bogsashadu waa mid shaqsi ahaaneed oo ku xidhan nooca xanuunku yahay iyo helitaanka daryeel ku habboon. Qof walba waqtigeeda ayay ku qaadataa bogsashadu, dadka leh khibradda aqoonta caafimaadka uma sheegaan qofka muddada uu ku bogsan karo, waayo kuwo shaqada uga galay hawlgab xanuun awgii waa laga yaabaa inay mar danbe isa soo baxnaaniyaan una soo bogsadaan si fiican.

Inkastoo xaaladaha bukaanu ku sugan yahay anay ka muuqan wax ah calaamadaha bogsashadu, haddana marnaba lama ogaan karo sidee bay bogsashadu si dhaqso ah ugu bilaabmaysaa. Xanuunka dhimirka ee muddada dheer qaata dhankiisa xun iyo dhankiisa wanaagsan si caadiya ayay isu bedbedelaan. Muddada marxaladda xun gudaheedda waxaa la aaminaa oo keliya, in xaaladdu si dhakhso leh u fiicnaan doonto. Waxaa dhici karta in dawooyinka xanuunka dhimirka qaarkood la qaato sanaddo badan xataa haddii calaamada xanuunka la tirtiro ka dib, sababtoo ah khatarta soo cusboonaanta xanuunka waa mid weyn.

Helitaanka daryeel ama daaweyn ku haboon xanuunkan muddada dheeraaday waxay qaadan kartaa waqti dheer iyo waxay kaloo u baahan tahay dulqaad. Daryeelka saxda ah ee xanuunka ma aha mid bogsasho buuxda keena, laakiin calaamadaha xanuunka gebi ahaanba way baabi,i karaan. Waxaa wanaagsan in la xusuusnaado, in daweynta iyo hababka daryeelkuba si joogta ah u horumarayaan. Tusaale ahaan daryeelka xanuunka niyadjabka horumar ayaa laga gaadhay sanadadii aan soo dhaafnay welina way horumarayaan. Daryeelka dhimirka xataa dawooyinka loo isticmaalaa way horumaar. Bogsashadu waxay u baahan tahay sida caadiga ah waxa loo yaqaano rabitaan daryeel, taas oo ka timaada qofka qaba xanuunka waxaa kale oo looga baahan yahay inta badan inuu tijaabiyo noocyada kala duwan iyo qaababka kala duwan ee daryeelka.

Dadka muddada dheer xanuunsan waxay sameystaan koox dhibwadaagayaal ah. Kaalmada laga helayo kooxda dhexdeeda waa dadka oo is weydaarsan kara khibradahooda iyo fekradahooda ay wadaagaan ee ku wajahan xanuunka. La qabsashada jirada muddada dheer iyo aqbalidda xanuunka badanaa waxay u baahan tahay in qofka qaba xanuunka iyo qaraabadiisu si wadajir ah arrinka uga wadashaqeeyaan. Sababtoo ah xanuunku wuxuu saameyn ku yeeshaa sida shaqada iyo dhaqaalaha nolol maalmeedka, kaalmada kooxda waxaad ka heli karaa talooyin wanaagsan iyo xallinta arrimo badan. Faahfaafinta dheeraadka ah ee kooxda dhibwadaagayaasha waxaad ka heleysaa qeybta adeegyada waaxda sedexaad.