Cunto xumi

Xanuunada cunto xumidu waxay yihiin xanuunka dhimirka, kuwaas oo ah xidhiidhka dadku la leeyahay cuntada, jimicsiga, muuqaalka jidhka (aragtida muuqaalka iyo qaabka qofka) ama dhanka kale aragtida uu iska qabo ayaa saameyn kun yeelan karta dhibaatada caafimaadkiisa. Waxaa la xidhiidha cunto xumida tusaale ahaan khatarta cunto yarida ama cunto cunid aad u badan, matagidda cuntada ama jimicsi isku qasbid.

Cunto xumida guud waxaa ka mid anoreksia nervosa (taas oo badanaa lagu magacaabo anoreksiya), bulimia iyo dhereg la’aan. Cunto xumidu waxay yeelan kartaa dhamaan astamahaas. Cunto xumidu waxay kaloo tahay isku jirka xanuunada la qeexay, tusaale ahaan anoreksiyada si dhif ah ayay uga soo if baxdaa baadhitaanada ama muuqaalada lagu qiimeeyo ama lagu qeexo xanuunadan.

Dadka u xanuunsan cunto xumida waxay wadaagaan nacayb naftooda ah, murugo iyo dareen niyadjab, oo gooni noqosho ah sidoo kale dhaqan cunto iskuqasbid tusaale ahaan in cuntada nooc ka mid ah la iska ilaaliyo ama cuntada nooc ka mid ah oo kaliya la cuno. Badanaa xanuunadani waxay leeyihiin in dadka qabaa si uun u ciqaabaan naftooda, tusaale cuntada ka dib in ay aadaan orod rucle ah una rucleeyaan si darran.

Iscaateyn aad u badan, jimicsi xad dhaaf ah ama ismatajin joogto ah oo ku talo gal ahi waxay u keeni karaan waxyeelo joogto ah xubnahooda. Bukaanka qaba cunto xumida wuxuu badanaa u xanuunsan yahay niyadjabka ama waxaa haya isla waqtigaas xanuunada kale ee dhimirka.

Cunto xumidu ma aha mid ku xidhan da´a ama jinsi, inkastoo dadka ugu badan ee u xanuunsan ay yihiin gabdho dhalinyaro ah ama dumar. Xanuunada cunto xumidu ma aha taariikh ahaan mid hada soo ifbaxay, laakiin waxaa la aaminsan yahay in ay noqdeen xanuuno guud laga soo bilaabo sanadihii -1960 iscaateyntu waxay noqotay mid ka timid dhinaca isqurxinta moodelka.

Bukaanka cuntoxumidu hayso iyo qoyskiisu waxay u baahanyihiin badanaa dhakhtar caadi ah iyo sidoo kale dhakhtarka cilminafsiga ama kan dhimirka iyo caawimaada taraabiyada nafaqaynta. Anoreksiya qofka qaba waa muhiim bilowga hore in culeyskiisa kor loo qaado si taxadar leh iyo in uu cuntada caadi u qaato. Waa in la joojiyo inta u dhaxaysa is caateyn ku waalnaanta iyo dharag la’aan.

Noocyada kala duwan ee daryeelka waxaa ka mid talokabixinta nafaqyenta iyo teraabiyada cilminafsiga. Teraabiyada cilminafsiga waxay ka caawisaa qofka xanuunsan in uu fahmo xaaladiisa nolosha iyo in uu fahmo waxyaabaha sababi kara xanuunka. Teraabiyada cilminafsiga waxay noqon kartaa tusaale ahaan terabiya keli ahaaneed iyo mid koox ahaaneed, waxaa kaloo wehelin kara haddii loo baahdo muddo daryeel isbitaal.

Anoreksiya

Qofka u xanuusan anoreksiyada wuxuu u arkaa miisaankiisa caadiga ah in uu buuran yahay oo wuxuu bilaabaa inuu is caateeyo. Ma awoodo mana rabo inuu joojiyo iscaataynta, taas oo miiisaankiisa hoos u dhaco si khatar ah marka loo eego dhererkiisa. Waxay ku xafidaan in miisaankoodu hooseeyo cunitaan cunto yar iyo jimicsi faro badan. Xanuunka anoroksiyada waxaa lagu ogaadaa qofka oo aad uga werwer qaba in uu buurto iyo miisaanka oo hoos uga dhaca 85 % miisaanka caadiga ah, in uu aad u dhuuban yahayna wuu diidaa mana ogolaado dumarka waxaa ka tagta caadada/dhiiga.

Bukaanka anoroksiyada badanaaba waxay leeyihiin dhaqan qallafsan oo la xidhiidha cuntada iyo jimicsiga. Waxaa dhacda tusaale ahaan in ay cunaan hal nooc oo cunto ah iyo inay aad iskaga ilaaliyaan kuwo kale iyo in ay aad u badsadaan isboortiga. U xanuunsashada anoroksiya ayaa waxay sababtaa mar marka qaarkood niyadjabka. Niyadjabka iyo anoreksiyada waa suurtogal in ay islamar soowada ifbaxaan.

Qofka anoreksiyada qabaa dareenka naftiisa ayuu ku xukumaa is caateynta

Waxaa la ogaaday in gabdhaha firfircoon, caqliga badan iyo kuwa hamiga weyn ay ku dhacdo anoreksiyadu marka loo eego kuwa kale. Waxaa dhici karta bukaanka anoreksiyada in ay ku adag tahay in ay muujiyaan dareenkooda diidmada ah, ka xumaanshada iyo cadhada. Bukaanadu waxay naftooda la doonaan rajo kore ama hadaf fog qaybo badan oo noloshooda ka mid ah, taasina waxay ku kalifeysaa inay naftooda ka doonaan wax badan.

Waa in la xasuusnaadaa, in dhammaan bukaanka anoreksiyada aan laga wada heleyn calaamadihii aan horay u soo xusnay. Anoreksiyadu way ku dhici kartaa caruurta, dadka waaweyn, dumarka iyo raggaba. Caatanimada bukaanka anoreksiyada waxaa sal muhiim u ah isqiimaynta naftooda iyo kor u kaca miisaanka oo sababa dareeno madluunsanaan iyo xummaan daran.

Xanuunka waxaa saamayn ku yeelan kara warbaahinta iyo dabeecadaha aragtida nawaaxiga deegaanka

Dhaqankeenu wuxuu daciif ku yahay in badanaa la isku xidho horumarka iyo farxada. Ka helitaanka quruxduna ka muuqato dumarka, kuwaas oo miisaankoodu ka yaryahay kan caadiga ah. Is caatayntu waxay ku bilaabmi kartaa iyadoo dhalinyartu u arkaan inay xal u tahay dhibkooda, bilowgana waxaa laga yaabaa inay ka helaan khibrad ah inay maamuli karaan dareenkooda.

Isku qasbida iscaataynta doqonimada ah waxay keeni kartaa si walba ha ahaatee khatar caafimaad xaga jidhka iyo niyadda. Iscaateynta waxaa sidoo kale soo shaac bixin kara isbedelka nolosha, sida furitaanka ama iskoolka oo isbedela ama tusaale ahaan digniin uu qof kale kaa siiyo qaabkaaga dabadeedna aad u fiirsato sida aad u egtahay.

Waxaa ka soo ifbaxa qaraabada dumarka xanuunsan dhexdooda marka loo barbar dhigo kuwa kale anoreksiyada. Dabeecadaha iyo dhaqamada laga dhaxlo qaraabada ayaa laga yaabaa inay qayb mug leh ka yihiin u xanuusashada xanuunkan, Baadhitaano mataano ah jawaabta ka soo baxday si walba ha ahaatee waxaa lagu arkay inay jiraan arin aan weli la cadayn oo la xidhiidha hidaha/dhaxalka in uu qofku u xanuusado anoreksiyada.

Anoreksiyadu waa xanuun khatar ah, lakiin dadka u xanuusada badankood si fiican ayay uga bogsadaan

Anoreksiyadu waa xanuun khatar ah, is caateynta khatarta ihina waxay keeni kartaa dhimasho. Waxaa muhiim ah doonashada daryeelka goor hore. Doorashada nooca daryeelka waxay ku xidhan tahay miisaanka bukaanka iyo caafimaadkiisa kale ee jidh ahaan iyo sidoo kale rabitaanka daryeelka.

Badanaa daryeelka waxaa loo hirgeliyaa daryeel madaxbanaan, laakiin noocyada khatarta ah waxaa loo baahdaa daryeel isbitaal. Tusaale iscaateyntu waxay keeni kartaa in garaaca ama cadaadiska dhiigu hoos u dhaco, isu dheelitirnaanta isbadelka dheefshiidka iyo dheecaanka jidhka oo qasma ama isbedelada EKG (sawirka wadnaha) ama dhibaatooyinka khatarta ah ee dhimirka waxay u yihiin sabab daryeelka isbitaalka. Rajada daryeelku waa in la kabo xaalada nafaqo xumida, in la helo hab dhaqanka caadiga ah ee cuntada iyo xanuunada maskaxiyanka ah oo la tirtiro. Ulajeedadu waxay tahay in saameeyn buuxda lagu sameeyo nafaqo ahaan iyo maskixiyanba.

Caadiyan daryeelka waxaa lagu hirgelin karaa wada shaqeyn dhex marta bukaanka iyo qoyska, dhakhtarka iyo dadka kale ee daryeelaya sidoo kale iskoolka. Bukaanka oo lala galo heshiisyo quseeya raashinka iyo jimicsiga iyo qofka miisaankiisa oo la koontoroolo. Markii daryeelku sii socdaba, waxaa loo sii gudbaa wada sheekaysiyada fikradaha bukaanka iyo dareenka uu ka qabo miisaanka.

Daryeelka ay u baahan yihiin waxaa wehelin kara Dadka u xanuunsan anoreksiyda dhakhtarka teraabiyada cilminafsiga oo qaas u ah ama teraabiyada qoyska. Hadii anoreksiyada uu weheliyo niyadjab daryeel dawo ayaa anfaci kara. Bogsashada waxaa sidoo kale horey u marin kara kooxo kala duwan oo waxqabad, sida teraabiyada farshaxanka. Inkastoo anoreksiyadu tahay jiro halis ah, dadka u xanuunsada si fiican ayay uga bogsadaan.

Baaritaan lagu sameeyay dumarka finnishka jiradaan waxay ku qaadataa cecelis sadex sano. Waqtigaas jiradu waxay si muuqata u xaddiddaa nolosha caadiga ah, laakiin dadka anoreksiyada ka bogsaday waxaa la ogaaday inay ka qayb qaataan shaqada iyo waxbarashada, shukaansiga iyo caruur radainta sida dadka la kheyrka ah. Dadka u xanuunsanaa anoreksiyada sanado badan xitaa si fiican ayay uga soo kabsadaan, taas oo ay haboon tahay in marlaba anoreksiyada caawinaad loo raadsado.

Bulimiya

Calaamadaha bulimiyada waxay yihiin dhereg la’aan kedis ah, iyo matag khasab ah oo daba yaalla. Bulimiya waxaa kaloo la xidhiidha ka cabsasho cayil ama buuritan iyo miisaan ku mashquulid. Baahidu inta badan waa mid lagala dhuunto dadka xigtada ah, waxayna sababtaa ceeb daran dadka qaba bulimiyada.

Muddada dhereg la’aanta kediska ah dadka u xanuunsan bulimiyada waxaa ku adag ina ay joojiyaan cunto cunnista ama ay xaddidaan xadigga cuntada ay cunayaan. Si ay uga hortagaan kororka miisaanka waxay isku dayaan inay matagaan cuntadii ay cuneen ama isticmaalaan dawada fuuqbaxa, dawada shubanka, soon ama sameyn jimicsi xad dhaaf ah. Dhammaan dadka qaba xanuunka bulimiyada matagu lama xidhiidho boobitaankooda oo keliya, ee dadka xanuunkan qaba qaarkood waxaa laga yaabaa inay matagaan xataa iyagoo cunay in caadi ah ama wax yarba.

Dad badan oo u xanuunsan bulimiyada ayaa miisaankoodu caadi yahay, horeyna uma aysan qabin xanuunka cunto xumida. Mararka qaar dadka u xanuunsan bulimiyada waxay ahaayeen dad horay u qabay anoreksiyada. Bulimiyada waxaa la qaadaa qiyaastii da’da weynaanta marka loo eego anoreksiyada, taas oo ay sal u tahay iskudayga iscaateynnta xad dhaafka ah. Bulimiyada dadka u xanuunsan inta badan waxay dareemaan in miisaankoodu ka turjumayo sidey naftooda u qiimeeyaan: miisaanka oo kordha ama ay qabaan in miisaankoodu kordhayo ayaa wuxuu u keenaa dareen xun iyo kurbo. Inta badan dareenka uu ka qabo qofkani naftiisa waa mid hooseysa.

Saameynta bulimiyada ee caafimaadka

Mataga soo noqnoqda wuxuu xanuun ku keenaa habka isku dheelitirka cusbada jidhka, wareega caadada, garaaca wadnaha iyo waxyeelo dheeha ilkaha ah. Bukaanka xitaa qanjidhada candhuufo ayaa weynaada waxaana laga yaabaa in agagaarka wejiga uu bararo. Matagu wuxuu kaloo waxyeelayn karaa hunguriga cad iyo wuxuu kaloo keeni karaa calool xanuun iyo lalabo.

Dadka la ildaran bulimiyada waxay leeyihiin xataa xanuunno kale oo la xidhiidha xanuunka dhimirka. Kuwooda guud waxaa ka mid ah xanuunada kurbada iyo niyadjabka. Waxaa kale oo la ogaaday in bukaanku nafsad ahaantiisa is waxyeeleeyo, sida is jeexjeexida.

Waxyaabaha ay ka dhalato bulimiyada iyo daryeelka xanuunka

Waxaa la caddeeyay in waxayaabaha bulimiyada ka dhalato ay lamid tahay ilaa xad kuwa anoreksiyada. Dhaqanka ku xeeran iyo qoyska ayaa inta badan saameeyn ku yeesha xanuunka, sidoo kale dhacdooyinkii hore ee la soo maray, sida qashqashaadda iskoolka ama diidmo lagala kulmo xidhiidhka dadka.

Waxaa la horumariyey hababka daryeelka kala duwun ee ka bogsashada bulimiyada. Inta badan daryeelku waa mid iskudhaf ah tusaale ahaan sida kala talinta nafaqada, warbixinta jirada. teraabiyada ciliminafsiga iyo daryeel ku wajahan kor u qaadida caafimaadka jidhka ee bukaanka. Marmar waxaa la isticmaalaa xitaa tusaale ahaan dawada niyadjabka. Bukaanku waa inuu bartaa isticmaaalka buugga xusuusqorka cuntada iyo astaamaha xanuunka si uu ula socdo xaaladdiisa caafimaad. Bukaanku wuxuu kaloo baranayaa sidii uu uga gudbi lahaa fekerka is waxyeelaynta ah iyo hababka uu ku dhaqmo ee khaldan sida, inay miisaankiisa ku xidhan tahay ku kalsoonaanta naftiisu.

Dadka qaba bulimiyadu waxay raadsadaan daryeelka marka cudurku hayo muddo sanad ah. Sababtuna waxay tahay iyadoo laga yaabo in xanuunku isbedbedelo: Marmar dadka qaba bulimiyada ma dareemaan baahida dhuununida iyo matagga ama inkasta oo ay dareemayaan hadana waxba kama qaban karaan. Mararka qaarkood ma xukumi karaan dhereg la’aanta iyo matagga la xidhiidha, calamadahaana waa kuwo dhib ku haya noloshiisa.

Barnaamijka loogu talagalay daryeelka xanuunka wuxuu suurtogaliyaa barashada ka hortagga soo cusboonaanshada xanuunka iyo kontoroolidda calaamadihiisa. Ujeedadada habka daryeelka waxay tahay in qofku bogsado: Dadka xataa bulimiyada qabey sanaddo badan ugu dambeyn way ka bogsan karaan xanuunka.

Cunto xumida aan caadiga aheyn

Iyadoon loo eegeyn magaca, cunto xumida aan caadiga aheyn waa habka guud ee xanuunka cunto xumida. Cunto xumida aan caadiga aheyn waxay ku xasuusineysaa tusaale ahaan anoreksiyada ama bulimiyada, laakiin waxaan jirin caalamado ka dhexeeya. Dadka qaba cunto xumida aan caadiga aheyn waxay yeelan karaan tusaale ahaan dhereg la’aan laakiin ma matagaan sida dadka qaba bulimiyada. Sidaa si lamid ah, haddii baaritaanada ku saleysan anoreksiyada la raaco si taxatar leh. Baadhitaankaas anoreksiyada lagama helayo in naagtu caadadda waayayso. Sidaas daraadeed laguma tirin karo anoreksiyada ee waa xanuunka aan caadiga aheyn ee cunto xumida.

Waxaa jira xad yar oo u dhexeeya cunto xumida iyo waxa loo yaqaan cunto cunidda caadiga ah. Tusaale ahaan, qofka yareeya oo aad u xadida cunto qaadashadiisa si joogto ah si uu isu caateeyo way adag tahay in loo naqdiyo marka loo eego baaritaanka. Daryeelka waxaa lagu go’aansan karaa oo kaliya iyadoo loo eegaya nooca astaamaha xanuunka iyo darnaantooda, ee uma baahna in si gooni ah loogu magacaabo cudurka cunto xumida.

Binge Eating Disorder (BED) ama xanuunka dhereg la’aantu waa xanuunka cuntoxumid aan caadiga aheyn

Binge Eating Disorder ama BED waa xanuun keenaya baruur/cayil xad dhaaf ah. Sifada xanuunku waa cunista cunto aad u badan iyadoo aan la sameyn waxa loo yaqaano is faaruqin ama tusaale ahaan ismatajin ama isticmaalka dawada qarasfalka. Waxaa lagu qiyaasaa shan meelood oo meel in dadka cayilka dartiis u raadsada daryeel ay xanuunkan qabaan.

Dadka u buka (BED) oo ah waxa loo yaqaano dhuuninimadu waa kuwa uu si weyn isu bedelo miisaankoodu.  Sidoo kale dhuuninimada daranna waxay sababtaa niyadjabsanaan. Dadka qaba dhereg la’aanta waxaa laga yaabaa iney isku dayaan iney kontoroolaan cunto cunista oo ay ka tagaan qaar waqtiyada cuntada, tusaale ahaan sida quraacda ama qadada, taas oo u keeneysaa fiidkii baahi weyn. Bukaanka qaba dhuuninimada waxa muhiim ah in uu helo cunto waqtiyeysan oo caafimaad leh. Waxaa muhiima xitaa dadka qaba xanuunkan iney xasuusnaadaan inay ka digtoonaadaan barnaamijka iscaateynta, sababt oo ah way uga sii dareysaa oo baahi badan ayay keeni kartaa.

Dismorfiyada muruqaha

Waxa loo yaqaano dismorfiyada muruqaha waa xaalad qofku isku qasbayo inuu murqo waaweyn helo iyo in uu ku lumiyo waqti aad u badan siduu murqaha u dhisi lahaa. Sida ay xaqiiqdu tahay, dadka qaba dismorfiyada murqaha inta badan waa dad jidhkoodu aad u dhisan yahay, laakiin waxay isu arkaan dad dhuuban oo tabar daran. Muuqaalka jidhka ee dadka qaba dismorfiyada murqaha wuxuu u sirgacan yahay sida dadka qaba anoreksiyada, kuwaas oo isu arka iney buuran yihiin iyagoo runtii caato ah. Dadka qaba dismorfiyada murqaha inta badan waxay dareemaan kurbo xooggan. Jimicsigaas culus ayaa caawiya oo ka yareeya dareenka xun Murqo dhisidda waxay keeni kartaa in qofku khatar geliyo caafimaadkiisa oo uu isticmaalo walxo khatar ah, sida hormoonka.

Ortoreksiya

Ortoreksiyada dadka qaba waxay rabaa oo isku khasbaa inuu cuno cunto caafimaad leh. Waxaa laga yaabaa inay ku qaadato saacado badan maalintii qorshaha cuntada uu cunayo iyo diyaarinteeda iyo inuu iska ilaaliyo isticmaalka cuntooyinka qaar. Ortoreksiyadu waxay bilaabataa tusaale ahaan marka qofka isboortiga badan uu jidhka dhaawac ka soo gaadho oo aanu jimicsi sameyn karin. Baqdin uu ka qabo in uu buurto darteed ayaa waxaa dhici kara inay bilaabanto isku khasbidda cunto caafimaad leh iyo in dhaqankaas cunta cunidda ah uu horseedo si tartiib tartiib ah xanuunka cunto xumida.

Cunto cunidda ragga iyo dhibaatada la xiriira muuqaalkooda ayaa waxay tahay inay khasab ku noqoto inay jidhka dhisaan waana dismoriyada murqaha ama khasab ku noqoshada raadinta cunto caafimaad leh waana ta ortoreksiyada. Sidoo kale ragga waa lagu arkaa anoreksiya iyo bulimiya.