Cuqdadaha iyo baqdimaha xaddhaafka ah

Cuqdadaha ama baqdimaha xaddhaafka waxay tahay iyadoo laga baqo arrin, shey ama xaalad aan jirin. Cabsashadaas kuwooda caadiga waxaa ka mid ah meelaha dheer, meelaha cadhiidhiga ama cidlada ah, caaracaarada, irbad duridda, duulidda ama mugdiga.

Dadka qaba cuqdadaha inta badan way is fahamsan yihiin iney cabsidaas qabaan, laakiin isma xukumi karaan. Tusaale ahaan dadka ka baqda meelaha cidhiidhiga ah way fahamsan yihiin runtii in aysan waxba ku dhaceyn haddii ay maraan meel cidhiidhi ah, laakiin sidaas oo ay tahay haddana cabsi badan ayay ka qabaan.

Cuqdadahu waa kuwo guud ahaaneed oo la xidhiidha xanuunada dhimirka. Baqdimahu waa kuwo la xidhiidha dhacdooyin macquula, laakiin dhab ahaantii aan khatar laheyn. Tusaale ahaan aragtida sida duulimaadka ama raacidda wiishka waa laga yaabaa inay khatari la xidhiidho, laakiin ka digtoonaanta arintaas awgeed ayaa noloshii cidhiidhi badan gelineysa.

Cuqdaddu waxay ka dhalataa dhawr sababood oo macquul ah oo la xidhiidha taariikhda nolosha qofka, sidoo kale waxaa qeyb ku yeelan kara bayolojiga. Waxa la ogaaday in cuqdadqabka la kala dhaxlo, laakiin ilaa iyo hadda wax xaqiiq rasmi ah ee loo xaglin karo hiddaraaca ama barbaarinta iyo nawaaxiga barbaarinta ma jiro.

Cabsida xad dhaafka ah waa laga xoroobi kara

Cuqdadaha waxaa lagu daweyn karaa hab teraabiyada cilminafsi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin kashifaadda, in la hor geeyo waxa qofku ka cabsanayo. Kashifaadaas waxay bareysaa qofka qaba cuqdadda inuu xakameeyo cabsida si tartiib tartiiba ah asagoo la kaashanaya dadka aqoonta cilmi u leh. Haddii qofka qaba cuqdadda uu leeyahay argaggaxqab ama xanuunka kurbada, xalku wuxuu yahay daryeel dawo iyo/ama teraabiyada cilminafsiga taas oo u suurtogelinaysa inuu ka bogsado cuqdadda.