Hababka daryeelka ee teraabiyada cilminafsiga

Teraabiyada cilminafsiga macnaheedu waa hab daryeel, taas oo ku saleysan xidhiidhka ka dhexeeya laba qof ama in ka badan. Teraabiyada cilminafsiga qofku wuxuu la sheekeystaa dhakhtarka cilminafsiga ama tusaale ahaan kooxteraabiya ah oo kala hadlo arrimihiisa, kuwaas falanqeyntooda wuxuu u baahan yahay teraabiya. Wadahadalka ayuu ku falanqeyn karaa dhibkii soo maray iyo inuu xal u raadsho dhibabkaas. Macaamiisha dhakhtarka teraabiyada cilminafsiga waxay noqon karaan hal qof ama labo, qoys ama koox. Sii akhri codsashada teraabiyada cilminafsiga.

Teraapiyada cilminafsiga waa xidhiidh ku saleysan dadka dhexdiisa, laakiin ma aha mid wadasheekeysi caadi ah. Teraabiyada cilminafsiga waa hab daryeel, taasoo leh ulajeeddo cad. Wada sheekeysiga ujeedadiisu waa baabi’inta ama dhimidda xanuunka dhimirka, ama dhibaatooyinka kale ee nolosha ee la xiriira xanuunka. Baaritaanadu waxay sheegeen, in teraabiyada cilminafsigu tahay hab daryeel oo xooggan tusaale ahaan niyadjabka.

Caawinaadda wadasheekeysiga ee kooxda aqoonyahanada iyo la hadalka qof ay ku kalsoon yihiin ayaa caawiya. Teraabiyada dhabta ah waxaa bixin kara qofka aqoonta u leh teraabiyada cilminafsiga. Isticmaalka magaca teraabiyada cilminafsiga iyo waxbarashada teraabiyada cilminafsiga waxaad ka akhrin kartaa faahfaahin dheeraada xafiiska ogolaanshaha iyo ilaalinta ee waxbarashada cilmiga caafimaadka iyo bulshada ee bogga Valvira.

Teraabiyada cilminafsigu waxay leedahay takhasusyo kaladuwan. Takhasusku wuxuu khuseeyaa tusaale ahaan, nooca aragtida ee falanqeynta dhibaatada loo kontoroolo. Tusaale ahaan niyadjabka waa mid lagu ogaan karo da’da caruurnimada ama habka ay u fekeraan dadka u xanuunsan niyadjabka. Hadba aragtida la qaato ayay ku xiran tahay sida la isugu dayo in xal loo helo dhibaatada. Takhasusyada kaladuwan way is dhameystiraan waana la isla isticmaali karaa.

Takhaatiirta cilminafsiga daryeelkoodu wuxuu ku xiran yahay badanaaba siday wax u arkaan ama khibradahoodii hore. Daryeelka awgiisa waxaa muhiim ah in takhtarka cilminafsiga iyo macaamilkiisa uu ka dhexeeyo xidhiidh wadasheekaysi iyo wadashaqeyn wanaagsan.

Codsashada teraabiyada cilminafsiga

Teraabiyada cilminafsiga waxaa loo codsan karaa

Hadii aad iskaa u codasanaysid teraabiyada cilminafsiga, uma baahnid warqadda warbixinta dhakhtarka. Waxaad toos ula xidhiidhi kartaa dhakhtarka teraabiyada cilminafsiga oo aad kala sheekeysan kartaa bilaabista daryeelka. 

Tayada teraabiyada awgeed waxaa wanaagsan inaad dooratid dhakhtarka teraabiyada ee xaqa u leh inuu isticmaalo daryeelka caafimaadka iyo bulshada oo ka haysta ogolaansho xafiiska ogolaanshaha iyo ilaalinta ee valvira darajada teraabiyada cilminafsiga. Sida aad ula xidhiidhi lahayed dhakhaatiirta cilminafsiga waxaad ka ogaan kartaa tusaale ahaan rugta caafimaadka ee xaafaddaada. Ururka teraabiyada cilminafsiga ee Helsinki iyo ururka midawga cilminafsiga ee Finland boggooda ayaad ka heli kartaa diiwaanka teraabiyada cilminafsiga.

Maacaamilku ayaa iska bixiya kharashka teraabiyada cilminafsiga ee uu iskii u bilaabay. Qiimaha dhakhaatiirta cilminafsiga waa isbedbedelaa iyadoo ku xidhan adeeg bixiyayaasha. Halkii booqasho qiimaheedu waa tobaneeyo yuuro ilaa iyo boqol. Booqashadu badanaa waa 1-3 jeer todobaadkii.

Teraabiyada gaaban waa mid waqti ahaan xaddidan iyo kulamaduna badanaa waa hal jeer todobaadkii labadii xillina waa 20-30 kulan. Teraabiyada cilminafsiga ee muddada dheer waxay tahay mid loo baahan yahay, marka ay dhibaatooyinku yihiin kuwo hallis ah. Teraabiyada waqtiga dheer ee cilminafsiga waxay qaadan kartaa sanado, kulamaduna waxay noqon karaan dhawr jeer todobaadkii. Nooca terabiyada cilminafsiga iyo xaaladaada ayaa xukuma inta bilood ama sanaddood ee ay kugu qaadanayso daryeelka terabiyadaadu.

Haddii aad ka codsaneysid daryeelka caafimaadka guud teraabiyada cilminafsiga, waxaad u baahan tahay sidoo kale warqadda qiimeynta dhakhtarka ee xaaladdaada iyo xidhiidh daryeel oo muddo dheer qaatay, inta aadan dalban caawinaadda KELA-da ka hor. Waxaad marka hore la xidhiidhi kartaa tusaale ahaan dhakhtarka bukaansocod eegtada ama kalkaalisada caafimaadka. Warbixinada muhiimka ee codsashada teraabiyada cilminafsiga waxaad ka heleysaa tusaale ahaan bogga  xarunta dhibaatada kufsashada caawinta dumarka ee Raiskauskriisikeskus Tukinainen.

Kaalmada baxnaaninta KELA-da ee cilminafsiga

Kaalmada baxnaaninta KELA-da waxaa loo ogolaan karaa dadka da’doodu tahay 16-67 jir oo ah teraabiyada hal qof, laba qof, koox iyo tan farshaxanka. Dhalinyarada u dhexeeysa 16-25 sano waxaa dheeri u ah teraabiyada qoyska iyo muusikada. Wixii ka yar 16 sano KELA-du waxay ka kabtaa teraabiyada cilminafsiga qeybta keliya baxnaaninta qoyska.

Kaalmada baxnaaninta la’aanteed teraabiyada cilminafsiga badanaa aad bay qaali u tahay. Kaalmada waxaa lagu heli karaa oo kaliya caddeymo caafimaad. Sidaas darteed, teraabiyada cilminafsiga waxaa laga dalbadaa takhtarka. Bogga ayaa lagu sharxayaa sida aad u raadsan lahay haddii aad uga baahato KELA-da kaalmada baxnaaninta. Warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga KELA-da ee kaalmada baxnaaninta.

“Teraabiyada cilminafsiga waa loo heli kartaa kaalmo, haddii dhakhtarku qiimeeyo in qofku u baahan yahay teraabiyada cilminafsiga. Waxaa kale oo la la qiimeeyaa, teraabiyadu ma ka caawineysaa qofka inuu sii wato waxbarashadiisa ama shaqadiisa”

Dalbashada teraabiyada cilminafsiga waxaa horay u marin kara tusaale arimaha soo sacda:

  • Qofka niyadjabku ku dhacay ama murugada ama dareemaya in uu caawimaad u baahan yahay.
  • Qofu wuxuu aadaa rugta caafimaadka shaqada, bukaan socod eegtada, ama goobaha dhakhaatiirta barayfatka ah.
  • Dadka qaar dhowr booqasho ka waxaa lagu sameeyaa Qiimeynta cilminafsiga taas oo qofka lagu cadeeyo tusaale inuu uu hayo niyadjab u baahan daryeel. Qiimaynta waxaa sameeya dhakhtarka cilminafsiga, dhakhtarka rugta shaqada ama takhtar kale. Qeymeynta dhakhtarka ayaa hormarisa in KELA-da laga helo kaalmada teraabiyada ciminafsiga.
  • Qeymaynta jirada ka dib ayey qofka u bilaabantaa helitaanka daryeelka dhibaatadiisa, tusaale taakuleynta wada sheekaysiga iyo/ama dawada. Marka daryeelku socdo ugu yaraan sadex bilood, dhakhtarka cilminafsiga ama takhtarka ku takhasusaya cilminafsiga waxay qeymaeyn ku sameyn karaan taakuleynta baxnaaninta qofku u baahan yahay waxayna qoraan warqada warbixinta takhtarka, taas oo takhaatiirtu ka talabixiyaan bilaabista daryeelka teraabiyada.
  • Warqada warbixinta takhtarka waa in ay ku sharaxantahay baahida teraabiyada cilminafsiga iyo talo bixinta inta loo baahan yahay inay socoto teraabiyadu, rajada laga qabo iyo jahada ay terabiyadu u socoto. Dhakhtarka ciliminafsiga ayaa ka talobixiya sida loo dalbanayo teraabiyada cilminafsiga, marka uu takhtarku u arko in loo baahan yahay oo faaiido ay tahay.

Marka qofku helo warqada dhakhtarka, wuxuu awoodaa waxyaalaha soo socda:

  • In aad iskaa u raadsato takhtar cilminafsi oo kugu haboon. KELA ayaa bixisa taakulaynta booqashada takhtarka ciminafsiga oo kaliya, qofka haysta ogolaanshaha caafimaadka daryeelka bulshada iyo ogolaanshaha xaafiiska ilaalinta ee Valvira (oo waqtigii hore aheyd TEO) ayaa bixiya xaq u yeelashada isticmaalka darajada teraabiyada cilminafsiga. Arintaas waxaad ka xaqiiqsan kartaa tusaale ahaan dhakhtarka cilminafsiga. Sidoo kale KELA waxay xaqiijinaysaa takhtarka cilminafsiga warbintiisa marka ay go,aanka gaarayso.
  • Haddii teraabiyiistaha cilminafsiga ee la doortay uusan lahayn aqoonta waxbarashada aasaasiga ee takhtarnimada cilminafsiga, waa in daryeelka lagala xiriiraa takhtarka dhimirka.
  • Kaalmada baxnaaninta waxaa laga codsadaa KELA-da
  • Sug go’aanka codsiga
  • Haddii go’aanku yahay ogolaansho, waxaa bilaabma kaalmada teraabiyada cilminafsiga ee KELA-da

Xaq intee in le’eg ayay KELA-du ka bixisaa teraabiyada?

KELA-du waxay dejisay waxa loo yaqaan xaqa ugu badan, kaasoo loo eegayo xaqa loo dejiyay halkii teraabiya booqasho. Wixii kharash ah ee intaa ka baxsan qofku isaga ayaa iska bixinayaa. Halkii booqasho ee teraabiyada qiimaha wuxuu u dhexeeyaa tobaneeyo yuuro ilaa boqol yuuro. Teraabiyada dadka waaweyn qofkiiba KELA-du waxay ka bixisaa 37-45 yuuro booqashadiiba iyo dhalinyaradana qofkiiba 52-60 yuuro booqashadiiba.

KELA-da ayaa gaarta go’aanka khuseeya teraabiyada cilminafsiga sanadkiiba mar. KELA-da ayaa bixisa xaqa sanadkii ee teraabiyada, taasoo ah ugu yaraan 25 jeer iyo ugu badnaan 80 jeer. Haddii aad u baahan tahay teraabiyada cilminafsiga waqti dheer, KELA-du waxay kuu ogolaan kartaa kaalmada muddo sedex sano ah. Teraabiyada qaadata sedex sano waxaa la bixiyaa ugu badnaa 200 oo jeer ee teraabiya ah.

Waa sidee haddii KELA-du aysan ogolaanin teraabiyada?

  • Waxaad KELA-da ka codsan kartaa isbedel haddii goa’aanku yahay diidmo
  • Haddii dhaqaaluhu kuu saamaxo, waad raadsan kartaa teraabiyada cilminafsiga adigoon warbixinba ka helin dhakhtarka dhimirka
  • Caymiska jirada waa ka heli kartaa mararka qaarkood teraabiyada ciliminafsiga. Fursaddan waa inaad ogaadaa inta aaadan bilaabin teraabiyada cilminafsiga ka hor.
  • Haddii aad ka hesho KELA: da go,aan diidmo ah adna aadan iska bixin karin teraabiyada cilminafsiga, waad sii wadan kartaa la kulanka dhakktarka iyo inaad ka faa’iideysato wada sheekeysiyada kale ee xarumaha guud ee caafimaadka. Takhtarkaaga iyo waxaad kaloo la kulmi kartaa tusaale ahaan saykolojiga ama kalkaalisada caafimaadka ee sida khaaska ah ugu takhasustay arrimaha xanuunada dhimirka.

”Qeybaha ugu badan ee codsiyada kaalmada teraabiyada cilminafsigu ay bixisay KELA-du. Sanadkii 2009 teraabiyada cilminafsiga ee khuseeya dadka waaweyn go’aanada baxnaaninta ee laga gaadhay waxay ahaayeen 81,7% kuwo ogolaansho ah. Go’aamada diidmadana waxay ahaayeen 13,9%. Go’aamada ogolaanshaha teraabiyada cilminafsiga ee dhalinyarada waxay aheyd 82.7%, diidmaduna waxa aheyd 12,8%.”

Haddii aad dareemeysid baahida teraabiyada cilminafsiga, laakiin aanu takhtarka cilminafsigu kuu ogolaan?

Haddii takhtarkaaga cilminafsiga uusan qabin fikradaas, oo ah inaadan u baahneyn teraabiyada cilminafsiga, waxaad

  • ka codsan kartaa dhakhtarka cadeyn sababta uu kuugu diiday teraabiyada
  • la socon kartaan adiga iyo dhakhtarkaaguba xaaladdaada oo aad dib u eegi kartaan baahida teraabiyadaada
  • weydiisan kartaa dhakhtar kale fekerka uu ka qabo arrintan
  • ka faa’iiseysan kartaa caawinaada wada sheekeysiga ee ay bixiyaan adeegyada guud ee xarumaha caafimaadka

Wadashaqeynta dhakhtarka teraabiyada cilminafsiga

Arrinta ugu muhiimsan ee ku guuleysashada teraabiyada cilminafsiga waa xidhiidhka u dhexeeya dhakhtarka iyo macmiilka. Taas waxay ku fiicnaan kartaa in bilawga hore aad la kulanto dhakhaatiir kala duwan si aad u hubsato inuu idin dhexmari karo xidhiidh wanaagsan oo wadashaqeyn ah.

Marka hore takhtarka teraabiyada cilminafsigu wuxuu badanaa qofka weydiiyaa arrimihiisa ku saabsan taariikhdiiisii hore iyo tan la joogo, iyo sababta uu u doonayo daryeelka. Wareysiyada noocaas ah waxay badanaa ka koobmaan bilawga 1-3 jeer oo daryeel ah. Waa inaad ogaataa dareenkaaga ku aadan wadashaqeynta iyo wadasheekeysiga dhakhtarka teraabiyada cilminafsiga. Waxaa muhiim ah in aad dareemayso in lagu qiimaynayo laguna dhageysanayo iyo wadashaqeyna ay jirto.

Takhtarka cilminafsiga ee wanaagsan waa mid foojigan marka lagu gudo jiro xaaladda teraabiyada, taasoo ku tusi karta qaayaha dhakhtarka teraabiyada iyo in dhakhtarku xiiseenayo xaaladda noloshaada. Dhakhtarku waa inuusan kuu sixin fekerkaaga, uusan ka xumaanin ama uusan waxba kama jiraan ka soo qaadin waxyaabihii hore kusoo maray. Badanaa sifooyinka wanaagsan ee dhakhtarka cilminafsiga lagu yaqaan waa in uusan siin talooyin farabadan ama uusan ku dirqin inuu ga’aan ka qaato arrimmihiisa, waa in dhakhtarku u ogolaado in qofku go’aan ka gaadho arrimihiisa, waxayaabaha in isbedel lagu sameeyo loo baahan yahay dhakhtarka wanaagsan wuu og yahay, meelaha uu awoodo iyo meelaha uusan awoodin in uu ka caawiyo macmiilkiisa.

Teraabiyada waxaa badanaa lagu gorfeeyaa arrimo, kuwaas oo ka gudubtaankoodana loo dareemo inuu yahay mid culus. Mar marka qaar marka laga wadahadlayo arrimahaas adag, qofka waxaa ku soo dhici kara maskaxdiisa in uu iska joojiyo terabiyada ama uu ku fekero in uu dhakhtarku xun yahay, arintoo culus awgeed. Si walba ha ahaatee arimaha culculus ka gudubkoodu ma aha wax fudud, waayo waa arimo adag. Xilliga gorfeynta arimaha culus waxaa wanaagsan inaad kala saarto sida aad u dareemayso jawiga wada sheekaysiga arrimaha adag ee kala duwan iyo kan guud ahaaneed ee idin dhex maraya adiga iyo dhakhtarka cilminafsiga.

”Teraabiyada cilminafsiga waxaa lagu falanqeeyaa arrimo adag, taas oo teraabiyadu u baahan tahay u adkaysi. Si kastoo ay ahaataba kulanka kadib waxaad heleysaa fikrad ama faham, kaas oo ku caawin kara.”

Waxaa wanaagsan inaad si furan uga hadashid dareenkaaga iyo dhibaatootinkaaga ku aadan xidhiidhka teraabiyada. Haddii aad dareemeyso inaadan rabin inaad wadashaqeyn la yeelato dhakhtarka teraapiayada cilminafsiga, waxaad isku deyi kartaa dhakhtar kale. Waxaa habboon inaad waqti siiso intaadan qiimeyn xidhiidhka idin ka dhexdhalanaya dhakhtarka. Sababtoo ah waxaa kulan iyo wada sheekaysi dhex marayaa laba qof oo aan hore isu arag sidaa darteed, waqti ayey qaadanaysaa intay labada qofba ku fahmayaan nooca/jawiga daryeelka ama xidhiidh noocee ah ayaa inaga dhex dhalanaya. Haddiise aad dareemayso inuusan xidhiidhkiinu haba yaraatee ahayn mid shaqaynaya, xaaladu way ka duwan tahay sidatan aan soo sheegnay.

Mararka qaarkood teraabiyada iyo takhtarka teraabiyada cilminafsiga waxaan ka filan karnaa waxyaabo xaqiiqda ka fog. Waa fiican tahay in la fahmo, in aysan teraabiyadu ahayn indhosarcaad, ama qof dadka dhibaatada ka qaada, Dhakhtarka cilminafsiga ma aha qof dadka ka sareeya, oo ka jawaabi kara su,aalaha oo dhan. Dhakhtarka cilminafsiga shaqadiisu way isbedbedeshaa mar marka qaarna arrimaha qaarkood wuu jiheeyaa. Ujeedaduna waa in uu ku caawiyo si aad u raadisid arrimaas, iyo xalalkooda, kuwaasoo muhiim kuu ah. Aririntu waa noloshaada adiguna waa in aad ka shaqayso sidii aad isbedel u sameyn laheyd. Waa sida ugu wanaagsan ee teraabiyada cilminafsigu ay kuu caawin karto kuuna taageeri karto.

”Waxaan ogaaday, in ahay anigu qofkii shaqadan qabanayey. Ee aanu, qof kale noloshayda siin karin hab ama xal diyaar ah.”