Niyadjab

Marka niyadjabsanaanta nolol maalmeedka laga hadlayo, waxaa loo la jeeda arrimo farabadan. Ereyga niyadjab waxaa laga xigan karaa xanuun dhanka dareenka ama maskaxda ah. Niyadjab waxaa la odhan karaa waa xaalad qasnaan oo looga gudbo si dhaqso ah, ama waa wax ka mid ah niyadjabka nolosha caadiga ee la xidhiidha dareemada ka xumaanshada, filanwaa, daal, niyadxumo iyo dareen murugo leh. Dhammaan dareemadaasi waa kuwo qofka inta badan ka caawiya inuu isbedelo oo uu noqdo mid adkaysan leh, mana aha wax ka qabashadoodu kuwo u baahan daryeel caafimaad.

Mararka qaarkood niyadjabsanaan waxaa loola jeedaa dareen murugo leh, kaasoo qaata dhawr maalmood ama bilooyin, laakiin waa in aanay nolosha kale la xidhiidhin waxyaabo kale oo calaamado adag ihi. Tusaale waxyaabaha laga gudbo, sida walaac uu kuu keenay wax aad ka xumaatay iyo niyadaadii oo hooseysa ma aha mid dhimirka wax u dhimeysa, sidoo kale inaad mar mar la kulanto dareemadaas ma aha xanuun umana baahna in loo daryeelo sida xanuunada, waa wax laga gudbo.

Murugada iyo niyadjabka faraqa u dhexeeya, murugadu waxay leedahay inta badan bartilmaameed iyo sabab, sida tusaale ahaan geerida xigaalada ama shaqada oo lagaa eryo. Qofka murugeysan inta badan waxay maskaxdiisu ku mashquushaa dareemadii iyo xusuusihii hore. Niyadjabku ma laha sabab cad.

Akhri murugada
Akhri dhibaatooyinka

Niyadjabka loola jeedo xanuunka dhimirka, waxaa la xidhiidha niyada qofka oo muddo dheer hooseysey iyo fekero kale, dareemo, dabeecado iyo calaamado ka muuqda jidhka oo idil. Marka niyadjabka la aqoonsado, ayaa si tayo leh loo daryeeli karaa.

Niyadjabku marmar dhif ah ayuu sabab kaliya leeyahay

Niyadjabka u baahan daryeelka wuxuu yeelan karaa sababo badan. Badanaa niyadjabku waa bayolojikal ahaan, saykologikal ahaan iyo bulsho ahaan wadartood mid ka dhalata – Niyadjabka badanaaba lama helo sababta dhabta ah ee ka dambeysa. Hiddo/dhaxal, yaraantaada deegaaka aad ku barbaarto iyo marxaladaha noloshu soo martay ayaa saameyn ku yeesha, sida qofku u qaado niyadjabka.

Dhab ahaantii niyadjabka waxaa siyaadiya tusaale ahaan khaasatan nolosha adag ee caruurnimada, sida waxyeelada jidh ahaan, maskax ahaan ama fara xumeyn loo geysto ilmaha ama takoorid. Markey ku qabsato dhibaato aad u weyn, murugo ama arin culus, waxa ka iman kara niyadjab.

Dhibaatada keenta niyadjabka waxay noqon kartaa mararka qaarkood xanuun jidh ahaaneed, sida xanuunka xasuus darada, qanjirka koritaan oo aan si wanaagsan u shaqeyneyn ama jirada maskax madoobaadka (Parkinson). Dawooyinka qaarkood, maandooriyeyaasha iyo isticmaalka guud ee khamriga ayaa waxay ku keeni karaan dadka qaarkood niyadjab. Waxaa kaloo niyadjabka sababi kara xubnaha hormoonada jidhka ama iftiin la’aanta xilliga qaboobaha ama jiilaalka.

Calaamadaha niyadjabka

Calaamadaha niyadjabku waa kuwa hoos ku xusan. Ayadoo loo eegayo calaamadaha sida dhakhtarku u kala saaray sida heerarka kan fudud, kan dhexe iyo midka culus.

Niyad jabtey

Niyadjabsanaantu waxay la xidhiidhaa dareen tiiraanyo, murugo, dareen la’aan iyo xanaaq badan leh. Mustaqbalkuna wuxuu u muuqdaa mid mugdi ah ama mid aan qiimo laheyn. Waxa laga yaabaa xitaa in oohintu badato.

Niyad farxadda lumisay

Waxyaabihii markii hore faxadda keeni jirey, waxay noqdaan kuwo aan maanku jeclaan ama xiiso lahayn. Noloshu waa mid farxaddii ka luntay.

Daalid

Qofka niyadjabsan waxaa haysta waxqabad la’aan, waxtar la’aan iyo daal. Awooduna ma aha mid ku filan xataa wax yar qabashadeed.

Kalsoonida ama is qiimeynta qofka oo lunta

Fikirkiisa guud wuxuu isku aaminsan yahay in uu yahay qof xun oo aan qiimo laheyn, sidoo kale inuu isku kalsoonaado waa mid aad u hooseysa.

Dareen leh is cambaareyn ama is eedeyn aan sal laheyn

Dareenadaas ayaa keenaya inuu isu arko dembiile mutaystay ciqaab. Dareemadaas is eedeynta ah waxay la xidhiidhaan intooda badan arrimo uusan qofku waxba ka bedeli karin ama uusan sameyn wax khalad ahba.

Dhimasho ku fekerid in badan ama is haligaad la xidhiidhta fikirka isdilka

Niyadjabku wuxuu yeelan karaa fikrado la xidhiidha isdilka, dhimasho rajeyn iyo fikrado is haligaad ah.

Go’aan darro ama xasilooni darro

Ma aha mid xasiloon mana awoodo in uu qabto waxyaabihii uu markii hore si fudud u qaban jiray.

Xidhiidhka dhaqdhaqaaqa maskaxda iyo jidhka oo gaabiya ama karaara

Waxay ahaan kartaa in qofku noqdo mid dansan ama firfircooni dheeraada leh.

Hurdo xumo

Hurdo xumadu waxay noqon kartaa gama’ la’aan, hurdo goosgoos ah iyo toosid aroor hore ama hurdo saa’id ah.

Rabitaanka cuntada iyo isbedelka miisaanka qofka

Cunto rabid la’aan iyo miisaanka oo hoos u dhaca, xitaa marmar rabidda cuntada iyo miisaankuba wey siyaadaan.

Calaamadaha niyadjabka si weyn ayay dadku ugu kala duwanaan karaan. Mararka qaarkood calaamadaha ugu waaweyn ee niyadjabka waxay noqon karaan xunuuno jidh ahaaneed iyo awood xumo, taas oo keeni karta in uu adkaado ogaanshaha niyadjabka. Qofka qaba niyadjabka inta badan wey ku adag tahay inuu dareenkiisa u sheego qoyskiisa ama dadka aqoonta u leh arrimaha caafimaadka ama waxaa dhici karta niyadjabsanaanta darteed inuu ka hadlo tusaale ahaan xidhiidhka uu la leeyahay dadka,  hurdo xumaan ama dhaqaalaha ama caafimaadkiisa oo uu ka welwelsan yahay.

Daryeelka niyadjabka

Horumar ayaa laga gaadhey sanadadii ugu dambeeyay fahmidda iyo daryeelka niyadjabka. Waqtigan la joogo fahmidda niyadjabka waxaa loola dhaqmaa sida xanuunada kale. Raadsashada iyo helidda daryeelka waqti hore waxay soo dedejisaa ka bogsashada waxaanay ka hortagtaa niyadjabka oo sii xumaada. Qofka u buka niyadjabka wuxuu raadsadaa caawimaado marka uu dareemo in uusan awoodeyn intaa in ka badan. Sii akhri raadsashada daryeelka.

Helitaanka daryeelkani waa mid u baahan marmarka qaarkood firfircoonaan dheeraad ah. Tani waa nasiib darro, sabatoo ah dadka niyadjaka qaba waa mid awoodoodu yar tahay oo ay ku adagtahay in ay hore u qaadan talaabo si ay u bilaabaan daryeelkooda.

Qaababka daryeelka niyadjabka

Niyadjabku ma laha badanaa sabab cad, sidoo kale hababka daryeelku waa noocyo badan yihiin. Niyadjabka waxaa loo daryeelaa isla mar hab dawo ahaan iyo cilminafsi ahaanba. Niyadjabka waxaa kaloo lagu daweyn karaa wada hadal, badanaaba waxaa bixiya daryeelkaas kalkaaliyeyaasha caafimaadka cilminafsiga ee xarumaha caafimaadka. Xaaladaha aadka u daranna waxay u baahan yihiin daryeel cisbitaal. Deegaano badan ayaa u qabanqaabiyay dadka qaba xanuunka niyadjabka kulamada dhibwadaagayaasha.

Daryeelka dawadda  

Waxaa jira noocyo badan oo ka mid ah noocyada daawooyinka niyadjabka, kuwaas oo keeni kara saameyn jidh ahaaneed oo uu sababo niyadjabka (Niyadjabku wuxuu sababaa isbedel ku dhaca maskaxda). Daaweynta haboon ee rasmiga ah waxay ku saleysan tahay isugeynta daryeelka cilminafsi ahaaneed iyo midka dawo ahaaneed. Marmarka qaar qofka niyadjabka qaba wuxuu noqon karaa mid aad u daalan, oo aan awoodin inuu la xidhiidho dhakhtarka cilminafsiga ama uu gorfeeyo gebi ahaanba xaaladaas adag ee uu ku sugan yahay ee dawo la’aanta ah.

Dawooyinka niyadjabka waxay u qeybsamaan dawada niyadjabka ee tricyclic iyo tan labada kanaal, selektiif serotonin ka joojinta dib uqaadashada (SSRIs) iyo Ka joojinta MAO. Noocyada kala duwan ee dawooyinka niyadjabka hab saameyntoodu waa mid wax yar kala duwan, sabatba oo ah si kala duwan ayey u saameeyaan  maadooyinka kala duwan ee maskaxda.

Marka laga hadlayo badanaa noocyada dawooyinka niyadjabka waxaa loo kala qaadaa kuwii hore iyo kuwa cusub. Daawooyinka niyadjabka ee casriga ah waxaa yar waxyeeladooda, sida daalka iyo af qalalka. Sidaasay tahay haddana dadka qaarkood waxaa ku habboon dawooyinkii hore.

Badanaa saameynta dawadu waa mid daahda

Ha sugin in dawadu isbedel degdega ku sameyso xaaladdaada, dawooyinka loogu talagalay niyadjabka maalinka ugu horaysa ee daryeelka dawadu ma yeelato wax saameyn ah. Dawada waxtarkeedu waxay isu soo tartaa si tartiib ah waxayna saameynteedu bilaabantaa 2-8 usbuuc ka dib biloowgii daryeelka. Si kastaba ha, ahaatee ma habboona in dawada dhex lagu joojiyo, In kastoo bilowga aad dareemayso in dawadu aysan waxtar lahyn ama daal siyaadiso. Calaamadaha niyadjabka ee hurdo la’aanta ayaa marka hore soo roonaada iyo niyadda oo si tartiiba kor ugu soo kacda.

Haddii dawada la isticmaalay u muuqato mid aan waxtarayn, dhakhtarku wuxuu ku badeli karaa mid kale, ama xadiga qaadashada dawada ayaa la bedalayaa ama dawo kale ayaa laguugu darayaa adoo dawadii horena isticmaalaya. Waxtarka dawada ee xaaladaha niyadjabka waxaa bogsashada soo dedejiya qaab cilminafsiyadeed haboon. Daryeelka wanaagsan waa wadajirka taraabiyada cilminafsiga iyo daryeelka dawada.

Talada dhakhtarka ayaa lagu joojin karaa isticmaalka dawada niyadjabka

Dawada aad isticmaashay haddii ay waxtar leedahay, markaad iska weydo xataa astaamaha waa inaad u qaadataa dawada sidii dhakhtarku kugula taliyey weliba afar bilood ilaa sanad. Halista ay leedahay dawada oo hore loo joojiyaa waa niyadjabka oo dib usoo cusboonaada. Dawada waxaa lagu joojin karaa talada dhakhtarka iyadoo si tartiib ah loo dhimayo xadiga qaadasha dawada si loo yareeyo astaamaha dawo joojinta.

Calaamadaha joojinta waxaa ka mid ah madax xanuun, daal, dhidid iyo cadho. Calaamaduhu waxay ka iman karaan marka jidhku la qabsanayo joojinta dawada. Haddii kurbada iyo niyadjabku ka sii darro bil ka dib markaad dawada joojisey, waxaa dhici karta in dawada hore loo joojiyey.

Daryeelka dawadu waa u mihiim dadka u ildaran niyadjabka iney sii wadaan muddo dheer ilaa iyo niyadjabku gabi ahaanba dhamaado. Gaar ahaan marka niyadjabku uu ahaa mid heer culus ah, taas oo keeni karta is haligaad, heerarka khatarta ah ee niyadjabka culus ay ugu yaraan ahaayeen sedex ama qofka la il daran niyadjabka ay daaweyntii u anfacday si buuxda, daryeelka wuxuu noqon karaa daryeel sii socda. Ka hortagga xanuunka, taas oo ah daaweynta niyadjabka oo la bilaabo waqti hore waa mid faa’iido yeelan karta marka ay soo ifbaxaan calaamadaha xanuunku.

Taraabiyada cilminafsiga

Waxaa cadaatay in taraabiyada cilminafsigu tahay nooc ka mid ah daryeelka niyadjabka. Taraabiyada cilminafsigu waxay ka caawisaa qofka qaba niyadjabka inuu ka bogsado sida sababaha soo socda:

  • Qofku wuxu baran karaa inuu si fiican u fahmo habka fekerkiisa, awoodna u yeesho inuu wax ka bedelo arrimahaas, isagoo la kaashanaya teraabiyada cilminafsiga. Wuxuu fahmi karaa sababta uu ugu fekerayo habkaas iyo siduu uga gudbi lahaa waxyeelada fekerkaas.
  • Wey kordhi karaan fahmidda iyo sababaha asalka u ah niyadjabka. Sidoo kale wuxuu heliyaa fursad uu ula tacaalo murugada iyo arrimaha qalafsan.
  • Fahamka dareenka iyo garashadu wuu is bedeli karaa. Ogaanshaha iyo fahanka dareenkiisu wuu horumari karaa. Qofku shaqsiyad ahaantiisana wuxuu isu baran doonaa hab cusub.
  • Wuxuu awood u helayaa in uu helo xal cusub si uu uga gudbo dhibaatooyinkiisa.
  • Wuu awoodaa in uu qaab cusub u arko ama u helo marxalada noloshiisa.
  • Isbedelka qaab fekerkiisa wuxuu keeni karaa in ay ka muuqato isbedel ay dareemaan qaraabadiisa, asxaabta shaqada iyo kuwa iskuulkuba.
  • Teraabiyada cilminafsigu waxay kordhin kartaa khibradda waxqabad firfircoon, taas oo sal u ah in uu qofku wax u qabsado naftiisa iyo bulshadiisa uu ka midka yahay.

Raadsasha koorsooyinka baxnaaninta iyo kulamada dhibwadaagayaasha

Dhibwadaagid micnaheedu waa wadasheekaysi dhexmara dad soo wada maray arrimo ama marxalado nololeed oo isku mid ah ama isu dhaw. Kooxda iyo kulanka dhibwadaagayaashu wuxuu ku saleysan yahay sinnaan, ismaqal iyo isfaham si ay isu taakuleeyaan. Kooxda dhibwadaagayaasha ujeedadiisu waxay tahay in xal ka gaadhida dhibka iyo ka bogsashadiisaba la sii adkeeyo. Kulanka dhibwadaagayaashu wuxuu leeyahay hage, kaas oo ka caawiya kooxda ku hagida jidkii mustaqbalka.

Baxnaaninta caafimaadka dhimirka waxaa la qabanqaabiya hay’ado dhowr ah oo ay wada shaqeyn leeyihiin sida KELAda ama SOS–Waaxda xarunta dhibaatooyinka qaybteeda baxnaaninta hore waxay qabanqaabisaa koorsooyinka iyo kulamada dhibwadaagayaasha. Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan dhibwadaagayaasha iyo baxnaanintooda waxaad kala xidhiidhi kartaa Xarunta dhexe ee caafimaadka dhimirka.

Niyadjabku waa xanuunka guud ee dhimirka

Niyadjabku wuxuu keenaa hawlgab

Niyadjabku waa xanuun culus oo dhibaato ku haysa bulshada. kuwaas oo ah xanuuno ku dhaca xubnaha dhaqdhaqaaqa jidhka oo inta badan sababa hawlgabnimada Finland. Waxaa la ogaaday sidii hore si ka fiican in niyadjabku yahay xanuunka dhimirka, waxaana sii kordhay dadka u xanuunsan niyadjabka tirokoob ahaan.

Ma aha mid si fudud lagu ogaan karo guud ahaanshaha niyadjabka. Tusaale ahaan waa suutogal, in culayska shaqada iyo werwerka waayitaanka shaqada iyo waliba maaraynta hab nololeedka ay u baahan tahay awood aad u badan, isla markaana dadka u jiran niyadjabka fursadaha awoodooda wax qabad ay ka yartahay sidii hore, taas ayaa sababtay in hawlgabka niyadjabku noqdo mid guud ahaaneed dalkan Finland.

Niyadjabku wuxuu keenaa fekerka isdilka

Waa wax iska caadi ah, in dadka u xanuunsan niyadjabka ay qabaan fekerka isdilka. Fekerka rajeynta dhimashada iyo isdilka waa mid ay ku doonayaan in ay kaga gudbaan xanuunka niyadjabka iyo dareenka xanuunka leh ee la xidhiidha. Rajo la'aanta iyo xanuunka uu keeno niyadjabku si kastaba ha ahaatee ma aha xaalad joogto ah. Niyadjabku wuxuu leeyahay daryeel xooggan iyo ka bogsasho dagdeg ah.

Dadka ka bogsada niyadjabka waxay ka sheekeeyaan badanaa, siday qaayaha noloshu ugu soo laabatay, in kastoo markii xanuunka niyadjabku hayey uu ahaa mid gabi ahaanba ka dhacsan nolosha. Halista in qofku is dilo waa mid weyn, waxayna ku xidhantahay mudada uu hayey xanuunka niyadjabku iyo heerka uu le’eg yahay. Sidaas darteed waxaa haboon in aad daryeelka raadsato goor hore, qofka qaba jirada nijadjabka qaraabadiisa waa in ay uqaataan khatar ka hadalka isdilka waana in ay ku dhiiri galiyaan in uu kaalmo u raadsado dadka aqoonta u leh. Sii Akhri Isdilka.

Haddii aad ku fekerayso in aad is disho/is haligto, wac taleefoonka guud ee lambarkiisu yahay 01019 520. Warbixin dheeraad ah taleefoonka dhibaatada.

Niyadjabku wuu soo cusbonaan karaa

Sida xaqiida u dhow niyadjabku wuu cusboonaadaa, waxayna ku xiran tahay inta jeer oo horay niyadjab kuugu dhacay iyo heerka uu ahaa. Qirashada niyadjabka ee goor hore iyo daryeelka ayaa ah habka ugu wanaagsan oo looga hortago in uu soo laabto.

Niyadjabsanaanta qofka xigaalkaa ah

Qofka niyadjabsan ma aha qof inta badan awooda inuu la dhaqmo dadka xigaaladiisa ah oo waxaa laga yaabaa inuu yahay qof geeri go’an ah. Si kastaba ha, ahaatee aad bay muhiim ugu tahay qofka niyadjabsan la macaamilka qaraabada iyo tan guud ahaaneed ee bulshaduba: Qofka niyadjabsan wuxuu u baahan yahay caawinaad iyo taageero, si aysan u sii xumaan niyadjabsanaanta iyo kelinimadu.

Qofka xigaalada ah ee niyadjabsan awoodda ayuu la tagaa

Qofka xigaalada ah ee niyadjabsan waa dhib badan yahay: sida dareenka kelinimada iyo miciindarronimada iyo weliba welwelka dhanka xigaalada oo aad u sii xoogeysta. Qofka xigaalada ah ee niyadjabsan wuxuu la yimaadaa inta badan dareemo ismaandhaaf ah iyo mushkilado. Qofkasta oo la ildarran niyadjabka uma baahna in lala ficiltamo ama la isku dayo in xal loo sameeyo. Muhiimaddu waa in la xusuusiyaa oo loo sheegaa in qofkani naftiisa muhiim u yahay.

In badan waa in la ogeysiiyaa, in uu jiro qof danaynaya oo caawinaya qofka qaba niyadjabka. waana in la xusuusnaadaa, daryeelka rasmiga ah waxaa qaabilsan dadka aqoonta u leh arrimaha caafimaadka. Inta badan hawsha qaraabadu waxay tahay dulqaad ku aadan rajada niyadjabsanaha: in la xusuusiyo, in uu helayo wuxuu u baahan yahay iyo daryeel ku habboon oo ah sida uu uga bogsan lahaa xanuunka niyadjabka.

Xigaaladu waa iney daryeelaan bedqabkooda iyo awooddooda

Xigaaladu waa iney xasuusnaadaan marwalba daryeelka awooddiisa. Hadduu isagu daalo, cid kale ma caawin karo. Inkastoo qofka xigaaladaada ah uu la ildaran yahay niyadjabka haddana waa muhiim inaad isku daydo inaad noloshaada wadato, oo aad dibadda iyo hiwaayaddaada u baxdo, iyo wax allaale iyo wixii kuu wanaagsan. Ma aha wax mamnuuca in qofku noloshiisa ku raaxeysto, waa haddii ay suurtogal tahay.

Waa in la xasuusnaadaa, in qofka qaba niyadjabka uusan jeclayn inuu arko xigaaladiisa oo daalan, waxaa laga yaabaa inuu ka cabsado inuu culeys xoogan saaray xigaaladiisa. Qofku xigaalada ahi haddii uu ku dedaalo Bedqabkiisa ma aha mid wax u dhimaysa qofka kale ee niyadjabsan, ee waa mid labada intifaac u leh. Xigaalada qofka qaba niyadjabka waxa loogu talagalay waxqabad taageero iyo mid dhibwadaag. Mararka qaarkood wey wanaagsan tahay in dadka isku xaaladdu hayso ay ka wada doodaan ama ka wada sheekeystaan si wadajir ah dhammaan dhacdooyinkii hore.

Niyadjabka dhallinyarada

Da’da baaluqa, dadku wuxuu si dhaqso leh uga koraa jidh ahaan, maskax ahaan iyo bulsho-ahaanba. Da’da baaluqa waa xilliga ugu muhiimsan ee koritaanka caafimaadka dhimirka. Way ka soo ifbixi karaan ilmaha calaamado u eg kuwa niyadjabka, kuwaas oo u muuqan kara xasillooni darro, gooni isu faquuq iyo dabeecado xun. Xaaladda niyadjabsanaanta sida xaqiiqda ah si dhaqso ah ayey u sii siyaadaa da’da qaangaarka iyo wixii markaa ka sii dambeeya. Waa iska caadi da’da qaangaarka iney iman karaan dareemo xooggan iyo marmar niyad xumo iyo murugo.

Niyadjabku waa mid ka duwan kan isbedelka xaaladda maskaxda ee la xidhiidha da’da qaangaarka. Marka laga reebo qofka weyn, calaamadaha niyadjabka ee ka muuqda qofka dhallinyarada inta badan waa dareen cadho ama xanaaq leh, kaas oo ka qaalib noqon kara dareenka rasmiga ah ee niyadjabka. Calaamadaha niyadjabka ee da’da baaluqa waxay si kastaba la mid tahay midda qofka weyn, taas oo waxyaabihii hore ee uu xiiseyney ay noqdaan kuwo aan xiiso lahayn. Niyadjabka dhallinyarada waa in laga welwelaa, markii la arko in dabeecadihiisu isu bedelayaan si aad uga duwan sidii hore.

Bogsashada niyadjabka dhalinyarada waxaa horumariya xidhiidhka wanaagsan ee waalidka iyo saaxiibka

Gabdhaha ayaa inta badan leh niyadjabka ama astaamihiisa marka loo eego wiilasha. Taageerada dhanka bulshada waa u muhiim da’yarta niyadjabsan. Xidhiidhka wanaagsan ee waalidka iyo asxaabtuba waxay keenaan ka kabsashada xanuunka. Waxa la cadeeyey, in inta badan dhallinyarada la ildarran niyadjabka ay jiraan isla dhibaatooyin kale oo u wehliya niyadjabka. Kuwa ugu badanna waxa ka mid ah dhibaatada mukhaadaraadka, feejignaan darro iyo akhlaaq darro iyo weliba cunto xumo iyo dareen kurbo leh. Kuwaas dhammaantood waxay leeyihiin daryeelo xooggan.

Niyadjabka waayeelka

Isbadelada ku dhaca waayeelka caafimaad ahaan iyo xaaladaha noloshuba waxay culeys ku noqon karaan caafimaadka maskaxda. Waxaa siyaada caawimaadka joogtada ah ee ay uga baahan yihiin dadka kale, murugadan iyo lafagurkeedu waa mid u baahan awood culus oo maskaxiyan ah. Badanaaba waayeelka niyadjabka ku dhacaa wuxuu ka yimaadaa waayitaanka ay waayaan caailadooda iyo caafimaadkooda oo sii xumaada. Sidoo kale culeyska kelinimadu ku hayso waayeelka ayaa ku keenta xanuunka dhimirka.

Niyadjabka waayeelka waa mid aan si fudud lagu ogaan

Niyadjabka waayeelka si fudud looma fahmi akro, sababta oo ah calaamdaha niyadjabka sida hurdo xumada, daalka, iyo cunto xumada ayaa waxaa loo arkaa in ay tahay isbedalka caadiga ah ee waayeelnimada. Tan kale xasuus xumida iyo caafimaadka guud waxaa dhici karta in daryeelka iyo qirashada ka dib laga bogsado. Qalada, xanuunada kala duwan, sawir maskaxeed qaldan iyo xasuus xumada ayaa iyaguna keeni kara niyadjabka.

Niyadjabka dhalmada ka dib

Inta badan hooyooyinku dhalmada ka dib waxay dareemaan oo soo mara heer ka mid ah heerka dareenka nugul. Dareenka nagul calaamadahiisa caadiga ah waa oohin, qalibiga oo isbedbedela, dhibsasho, hurdo xumo, iyo rabista cuntada oo isbedesha.  Ilmaha mar mar waxay u argtaa in uusan ahyn ilmihii ay dhashay waxayna dareemaysaa in aysan noloshu ahyn sidii ay jeclaan lahyd. Inta badan jacaylka ilmuhu maalinba maalika ka danbaysa wuu soo kordhaa. Sheekooyinka dhalanteedka ah iyo rajada, ilmaha iyo hooyada dhex marta ayaa si guud loo aaminsan yahay inay tahay waqtiga ugu fiican ee nolosha hooyada. waxaa dhici karta in dareen xoogan oo is eedayn ihi u yimaado, haddii ayna hooyadu sidaa wanaagsan wax u arkaynin.

Soo ifbaxa dareenka nugul ee dhalmada kadib waa mid iska caadi ah oo la xidhiidha isbedelka nolosha ee ilmuhu la yimaado, waayo-aragnimada dhalmada iyo isbedelka hoormoonada ee ay dhalmadu keento. Hooyada la kulantay dareenka nugul ee dhalmada waxay u baahan tahay in la fahmo iyo taageero ay ka hesho xigaalkeeda iyo iney la kulanto dadka aqoonta xirfadeed u leh arrimaha caafimaadka.

Saadaasha ka bogsashada niyadjabka dhalmada ka dib waa mid fiican

Guud ahaan dhalmada ka dib niyadjabku waa mid u baahan daryeel. Xadka dareenka nugul iyo niyadjabka u dhexeeya wuxuu noqon karaa mid dhaqdhaqaaqa, sidaa darteed mar mar ayuu niyadjabku u yimaadaa si fudud. Dhalmada ka dib niyadjabku wuxuu bilowdaa ugu dambeyn sannad ka dib laga soo bilaabo waqtiga dhalmada. Calaamadaha niyadjabkaasuna waa mid la mid ah kuwa niyadjabyada kale, laakiin daalka faraha badan iyo dareenka welwelka iyo dhibsashada dareemadaas oo dhan waxaa laga yaabaa in ay hooyada u sii dheer yihiin fekrado qasab ah oo ku wajahan ilmaha iyo xanaaneyntiisa tusaale ahaan iyadoo hooyadu ka baqaysa in ay ilmaheeda waxyeelo u geysato.

Cabsidu waa mid macquul ah marmar dhif ah, laakiin dhalmada ka dib doonashada caawimada niyadjabk waa muhiim. Raadsashada cawimada waxaa dib u dhigi kara niyadjabka dhalmada ka dib, waxaa yimaada dareen aan sal lahyn oo yaxyax leh. Hooyadu waxay dareentaa in aysan qofna u sheegi karin niyadjabka haya, sababta oo ah waxaa laga sugayaa in ay ku faraxsan tahay ilmaheeda. Niyadjabka dhalmada ka dib si kastaba ha ahaatee waa xanuunka dhimirka mana aha mid ku xidhan, intee in le,eg ayey hooyadu jeceshahay ilmaheeda. Saadaasha ka bogsashada niyadjabka dhalmada ka dib waa mid fiican.

Xanuunka jidhka iyo niyadjabka

Xanuunka jidh ahaaneed ee halista ah wuxuu geliyaa maskaxda rafaad. Tusaale ahaan xanuunada kansarka waxay halis u yihiin in ay keenaan niyadjab. Xanuuno kala duwan ayaa mid waliba leeyahay kooxda dhibwadaagayaasha (tussale Ururada kansarka ama ururka Reumaliitto), kuwaas ayaad la xidhiidhii kartaa hadii aad dareemayso in ay niyadaadu hooseyso xanuunka awgii ama aad ubaahan tahay kooxda dhibwadaagayaasha

Xanuunada halista ah ee jidh ahaaneed waa iska dabeeci in ay keenaan niyadxumo. Xanuunka dhimirka badanaa isbedelka caafimaad iyo nololeed waxaa la xadhiidha xanuunu iyo cabsi. Marmarka qaar isbedelku wuxuu sababaa culeys fara badan, taas oo keeni karta niyadjab. Markaas oo kale niyadjabka waa in loo helaa daryeel.

Daryeelka wanaagsan ee xanuunada jidh ahaaneed wuxuu ka hor tagaa niyadjabka: warbixin badan oo aad ka hesho xanuunka iyo daryeelkiisa, ama la kulanka dadka ku daryeelaya iyo guud ahaanba ku guulaysashada daryeelka ayaa muhiim u ah qofka xanuunsanaya caafimaadkiisa dhimirka.

Niyadjabka Xilliga mugdiga

Hadii niyadjabku uu soo ifbaxo xilliga jiilaalka/barafka oo keliya. Waxaa dhici karta in uu yahay niyadjabka Xilliga mugdiga. Dad badan oo finnish ah ayaa u baahda xilliga jiilaalka ee mugdiga ah in ay seexdaan waqti dheer, xanaaq badan, daal joogto ah iyo macmacaan cunid iyo miisaanka qofka oo kordha. Waqtiga yar ee xilliga mugdiga ah astaamaha xanuunku waa kuwo xoogan, taas oo markaas ah Niyadjabka Xilliga mugdiga. Niyadjabka Xilliga mugdigu wuxuu leeyahay dareemo cadhiidhi ah, rajo la'aan iyo fekero is haligaad ah.

Niyadjabka la xidhiidha mugdiga waxaa loo daryeeli karaa oo looga hortegi karaa qaababka daryeelka waxaa sidoo kale lagu daryeelaa iftiinka nalka tusaale sida nal/laydh aad u awood iyo iftiin badan. Dhaqdhaqaaqa isboortiga iyo banaan u bixida ayaa sidoo kale ku haboon niyadxumida. Aad ayay u haboon tahay in aad isku daydo dhaqdhaqaaq isboorti si aad uga hortagto niyadjabka.

Ka bogsashada niyadjabka

Niyadjabku wuxuu ka mid yahay xanuunada dhimirka dalkan Finland sidaas darteed ayaynu keligii ugu lafa guraynaa halkan. Sanad walba kumannaan finnish ah ayaa ku soo laabta shaqada iyo waxbarashada marka ay ka soo bogsadaan niyadjabkii ay soo mareen. Ka bogsashada degdega ah ee niyadjabka waa mid ku xidhan shaqsiyan, arimaha hore u mariya ka bogsashada waa dhowr. Waxaad akhrisan kartaa sidoo kale noocyada daryeelka niyadjabka iyo ka bogsashada guud. Tusaale waxaa dhici karta arimaha soo socda in ay niyadjabka iyo xanuunada kale ee dhimirka iyo dhibaatada ka bogsashada ka danbeeyaan.

Rajada guud ee nolosha ku aadan

Dabcan qofka niyadjabku hayaa way ku adag tahay haminta mustaqbalka, sababtoo ah astaamaha xanuunka haya ayaa ah kuwo leh dareen farxad la'aan ah, welwel iyo ka feker la,aan aragtida dheer. Si walba ha ahaatee waxaa la cadeeyay dadka u dhibaataysan niyadjabka kuwa isku daya inay aaminaan naftooda ama rajeeya in ay isku filnaadaan, kuwaas ayaa  hor bogsada.

Barashada diidmada fikradaha khaldan ama qalafsan

Marka ugu horaysa oo la cadeeyo niyadjabka, ayaa ah in qofka u rafaadsan niyadjabku uu la soo kulmay halmar ama dhowr jeer xaaladaha qalafsan ee nolosha ka dhaca, sida furniin, dayro, ama shaqadiisi oo uu waayey. Baadhitaan lagu sameeyay ka dib ayaa waxaa soo baxday xaaladihii qalafsanaa ee qofka niyadjabka u rafaadsan mar hore soo maray in aanay marka danbe macno badan u lahyn sidii hore. Taas ayaa u muuqata in ay soo siyaadayso in uu u fekero diidmo ahaan si aanu, sawir maskaxeedka ugu soo cusboonaan sida xaqiiqda u dhow niyadjabku.

Marka tani waa mid dhibteedu soo noqnoqoto.  Marka qofka mooralkiisu hoos u dhaco wuxuu ku fekeraa badanaa fekero mugdi iyo caloolxumo leh: tusaale ”waxaan ahay qof aan waxba ahayn”, ”sidey ii arkaan dadka markaan xaaladdan ku jiro”, ”marwalba waxba iima hagaagaan”.  Dhammaan fikradahaas khaldan ayaa waxay u keeni karaan in qofku isu arko ama u arko dadka iyo deegaanka ku xeeran inay wada khaldan yihiin.

Dad badan oo ku jira xaalada noocaan ah oo murugda iyo qasnaanta leh ayaa ah mid laga gudbo, laakiin dadka u rafaadsan niyadjabka fikirkooda qaldan ayaa ah mid joogta ah ilaa iyo xad hoose. Niyadjabka fikirka qaldan Dadka u rafaadsan oo soo noqnoqda waxaa fiican in ay bartaan xalal, kaas oo ay ku xaddidi karaan fikirkooda. Waxaa muhiim ah in aad qiyaasi karto, marka fikirka arimaha xunxun ay kugu wareegayaan ood ogaato, in fekerka noocaas ah uusan kugu caawinayn dareen fiican.

Ogaanshaha qofka qaba fikradahan kuwo la nooc ah ee niyadjabka ka sokow waxay u baahan yihiin baadhitaano la xidhiidha arrimaha xanuunka dhimrka. Tusaale ahaan ka bogsashada bulimiyada ama xanuunada kale ee cunoxumida waxaa kaa caawinaya arrimaas iyo ogaanshahooda, kuwaas ookeeni kara dhereg la’aanta ama iscaateyn xaddhaafka ah. Labamiyirlenimada xanuunka dhimirka waxaa aad muhiim u ah barashada qiyaasta calaamadaha waalidda.

Qoritaanka iyo waxyaalaha kale ee waxqabadka ah

Qoritaanku wuxuu caawinayaa in qofku qiimeeyo qibradaha adag, fikradaha iyo dareemada iyo siduu u kordhin lahaa in uu shaqsi ahaan is fahmo. Mararka qaarkood dadka ka bogsada waxay yidhaahdaan wax qoridda iyo akhrinta qoraalkii aad qortay ayaad ku fahmaysaa arimahii ka danbeeyey asal ahaan xanuunkaaga. 

Xasuusqoridu waxaa laga yaabaa in ay tahay hab guud ee lagu nefisi karo qofkuna ku fahmo dareenka kurbadiisa, intooda badan dadku waxay qoraan tusaale ahaan gabayo ama sheekooyin. Tukinetti waxaad ugu qori kartaa qibradaada dadka loo tababaro caawinta dadka ama waxaad ku soo gudbin kartaa dareenkaaga kulan kooxeedka wadasheekaysiga. Hawsha caawimada internetku waxay ku saleysan tahay ugu horeyntii kaalmo wadahadal taas oo ah inaad hesho qof ka tirsan dadka caawiya dadka, kaas oo aad ugu gudbin kartid qoraal ahaan arimahaaga. Waxqorida, rinjiyeynta, garaacidda iyo dhagaysashada muusikada waxay horumarin karaan fahmida dareemadaada xataa marmarka qaarkood waxay keeni karta bogsasho.

Jimicsi

Jimicsigu wuxuu siyaadiyaa hormooniska keena niyad wanaaga wuxuuna dhimaa niyadjabka iyo kurbada. Dadka aad ula ildaran niyadjabka way ku adag tahay haba yaraatee in ay helaan awood yar oo ay dibadda socod ugu baxaan. Siday rabtaba ha ahaate markay ugu danbayntii dibadda u baxaan, waxay helaan niyad wanaag. Bilowga horeba waxaa wanaagsan in lagu fekero jimicsiga, dhaqdhaqaaqa yar wuu ka wanaagsan yahay dhaqdhaqaaq la’aanta. Niyadjabka iyo kurbada ka dib jimicsigu waxa kale oo uu caawiyaa ciilka iyo cadhada.

Caawimaada dadka xigaalada ah

Caawimada xigtada ayaa la cadeeyay in ay si weyn ugu lug yeelan karaan bogsasha. Tusaale qofka la ildaran niyadjabka ayaa inta badan si fudud ugu go,a gooni daalka niyadjabku wuxuu keeni karaa in ay qofka ku adkaato in uu guriga ka baxo. Markaas booqashada magaalada iyo cunto karinta uu asxaabta la wadaago ayaa firfircooni keeni karta.

Dabcan nasasho waa mid loo baahan yahay mana aha niyadjabku mid ku baxaya in qofku iska giijiyo oo firfircooni is geliyo. Gooni iska yeelidda bulshadu ma aha mid horseedaysa bogsashada. Dadka oo idil ma wada laha sokeeye ama kuwana aad bay ugu adag tahay inay helaan qof ay dhibtooda kala sheekeystaan. Qof kasta oo ka mid ah bukaanka niyadjabsan waa inuu ka fekeraa nafsad ahaantiisa arrimaha u horseedi kara siduu ku bogsoon lahaa.

Helittaanka arrimaha ahmiyadda leh iyodareenka wanaagsan ee nolosha

In badan oo ka mid ah dadkii u xanuusaday niyadjabku waxay sheegeen in ay dareemeen kasoo kabsasho bilow ah, marka waqti dheer ka dib ay dareemeen in arimo yar yari ay kor u qaadayaan niyada. inkastoo helitaanka arimaha ahmiyadda leh iyo kuwa kale ee qofka muhiimka u ahba, badanaa lagu helo si lama filaan ah, haddana wuu u raadsan karaa si ogaal ah. Waa in aad samaysaa arimaha aad is leedahay waxaad ku dareemi kartaa niyad wanaaga, ama kuwii aad hore ugu dareemi jirtay niyad wanaaga. Marmarka qaar waqtiyo yar oo aad farxad heshaa waa talaabo horumar u ah bogsashada.