U sheegidda xigaalada ee xanuunka dhimirka

Waqtigan xaadirka way adag tahay u sheegidda xigaalada xanuuka dhimirka sabatoo ah dadku intooda badan aqoon uma laha dhibaatooyinka xanuunka dhimirka. Fahamka xanuunka dhimirku badanaa wuxuu ku saleysan yahay ogaanshi la’aanta waqtiyadii la soo dhaafay, qaabab daryeelada xun iyo dabeecadaha diidmada ah.

Qofkasta isaga ayaaa iska leh go’aankiisa la xidhiidha baadhitaanka xanuunka dhimirka inuu u sheego xigaaladiisa iyo in kale. Inta badan sheegitaanka xanuunka marka uu qofku u sheego qof kale wuxuu dareemaa fudayd, marka loo eego xilligii aanu sheegin, Si kastaba xanuunku wuxuu noqonayaa mid muuqda marka calaamadaha xanuunku soo baxaan. Xigtada waxaa laga yaabaa inay u fududahay inay ogaadaan dhibka jira. Waayo waxaa fiican in loo sheego xigaaladaoo ay la socdaan noocyada daryeelka xanuunka.

U sheegidda caruurta

Ma wanaagsana in aad ka qariso xanuunka dhimirka caruurtaada, sabatoo ah caruurtu wey dareemi karaan isbedelka xaaladda weyna ka ficil celyaan tusaale ahaan si cabsi iyo welwel leh. Haddii ilmuhu aysan ogeyn dhibaatada jirta, badanaa ayaga ayaa isku eedeeya dhibaatada waalidka haysata. Way wanaagsan tahay inaad adigu u sheegto caruurta xanuunka dhimirka, adigoo u eegaya da’da iyo inta uu le’eg yahay. Waxaa aad u muhiim ah inaad u sheegto sida uu dhibku u saameeyo dhaqanka waalidka. Waxaad odhan kartaa tusaale ahaan ”hooyo xanuunka niyadjabku waa sida kan hurdada oo kale oo marwalba waan daalanahay.”

Ku talagal adiguna marka aad u sheegeyso caruurta arrimaha la xidhiidha xanuunka dhimirka, inay su’aalo kaa weydiin doonaan. Waxaa wanaagsan tusaale ahaan in caruurta aad u sharaxdo dhamaan astaamaha ka soo ifbixi kara xanuunka dhimirka, arrimaha uu saameyn ku yeelan karo iyo in waalidku qaato dawo una helo daryeel caafimaad dhibkan. Waxaa loo sheegi karaa caruurta, inuu su’aalo weydiin karo mar walba waalidka, haddii wax ka khaldan yihiin hab dhaqanka waalidka. Waxaa kaloo la ogeysiinaya ilmaha in arrinta haddii loo baahdo mar walba laga wada sheekeysan karo.

Haddii aysan guriga farxadi ka jirin, waxaa muhiim ah in caruurtu leedahay saaxiibo guriga ka baxsan iyo hiwaayado, kuwaas oo farxad geliya. Tusaale ahaan qofka qoyska ka mid ah ee qaba xanuunka niyadjabka ma ah mid laga leexan karo in ay yaraato nolosha bulshanimo ee gurigu. Waxaa fiican in la xasuusiyo caruurta in uu ilmo yahahy oo uu ku noolaado noloshiisa iyagoo aan eegeyn xanuunka waalidkiisa.

  • U sheeg caruurta sida xanuunku nololmaalmeedkiisa uga muuqdo (oohinta waalidka, daalka, farxad la’aanta...)
  • U sheeg in caruurtu sinaba aysan saameyn ugu laheyn soo ifbaxa xanuunka
  • U sharax inaad daryeel u hesho xanuunka
  • Xusuusi, haddii caruurtu rabto inay xanuunka dib wax kaaga weydiiyaan in ay ku weydiin karaan
  • U sheeg caruurta, in aysan ka welwelin waalidkooda, ee ay hiwaayaddooda aadaan iyo in ay saaxiibadood ula socdaan sidii hore

U sheegidda waalidkaa

Dadka inta badan wey ku adag tahay inay waalidkood u sheegtaan xanuunka dhimirka. Sababtuna waxay tahay sida dhabta ah ama ay qiyaasayaan, mar marka qaar waalidku iyagaa isku eedeeya soo ifbaxa xanuunka dhimirka.

Hadii aad hesho fursad aad ugu sheegto waalidka xanuunka dhimirka, waxaa haboon in aad doorato waqti degan oo ku haboon si aad waqti u siiso su’aalahooda. Waxaa wanaagsan in waalidku xusuusnaadaan in xanuunka aanu qofna sababin, ee soo ifbixiisa ay keenaan arrimo fara badan. Ma jirto inta badan sababo khaas ah oo keena xanuunka dhimirka marka laga reebo dhaawacyada asiiba madaxa ee ka dhasha shilalka.

Dhaxalka bayolojiyadeed, uur kujirta iyo waqtiga dhalmada, bulshada ku xeeran iyo qaayaha xidhiidhka dadka ee qaraabada ah, xanuunada jidh ahaaneed iyo waxyaabihii nolosha soomaray dhacdooyinkaas oo dhami waxay saababaan soo ifbaxa xanuunka. Qaybo badan oo ka mid ah xanuunka dhimirka ayaan weli la aqoon sababaha uu ka dhasho.

Waxaa wanaagsan in waalidka loo sheego in dhibkan loo helayo daryeel, isla markaana aad u sheegto dhamaan arrimaha xanuunku saameynta ku yeelan karo. Qof walba isaga ayaa waayo arag u ah xanuunkiisa, isagaana aad u og saameynta xanuunku ku leeyahay noloshiisa.

Cabsida dhaleeceynta

Dhaleeceyn waxaa loola jeedaa tusaale ahaan xanuuno, waxyeelada, muuqaalka kore iyo wixii la mid ah ayaa waxay keenaan takoorid iyo shakiqab iyo yasid. Dhaleeceyntu waxay keeni kartaa tusaale ahaan takoorid helitanka shaqada, waxaa kaloo adag helidda caymiska jirada haddii dadku muujiyaan shakiqabkooda. Cabsida dhaleeceynta uu ka qabo ayaa ka hor istaagta raadsashada daryeelka ama inuusan u sheegin xanuunka qofna.

Dhaleeceynta waxa lagu dhimi karaa saameyn lagu sameeyo aqoonta, dabeecadaha iyo dhaqanka bulshada dhexdeeda. Dhaleeceynta waxay ka timaadaa ilaa iyo xad aqoon darrada iyo khuraafaadka la xidhiidha cudurada iyo jirooyinka. Tusaale ahaan aqoon darrada dadka ee xanuunka niyadjabka iyo u xanuunsashadiisa oo noqotay mid guud soo siyaadday iyo fikradda xanuunkan laga qabo oo la ogaaday. Dadku waayahan dambe waxay awoodaan inay sheegaan in xanuunka niyadjabku ku dhacay. Niyadjabku wuxuu la mid noqday cudurada kale.

Ururada xanuunada dhimirka waxay ka soo horjeedaan dhaleeceynta, laakiin qofwalba oo u xanuunsan niyadjabka wuxuu ku yeelan karaa saameyn bulshada dhexdeeda si looga hortago dhaleeceynta. Dhawr ka mid ahna waa:

  • Marka uusan xanuunku ku xukumin gabi ahaan, adiguna ha isku xukumin xanuun: Taas badelkeeda, intuu qofku odhan lahaa waxaan ahay iskitsofarenia, wuxuu odhan karaa waxaan u xanuusanayaa iskitsofareeniya.
  • Haddii aad ka aragto waxyaabo aad dhibsaneyso tusaale ahaan telefishinka iyo jaraa’idada ama waxyaaba su’aalo kugu dhaliya oo la xidhiidha xanuunada dhimirka, isla markiiba ka soo jawaab. U soo dir qoraalka ra’yigaaga oo si fiican u qoran.
  • Ha u ogolaan inay saameyn kugu yeelato cabsida dhaleecadu. Raadi daryeelka aad u baahan tahay iyo inaad isku daydo dadka kugu xeeran inay ku daryeelaan, inkastoo la helayo dad dhib wadaagayaal ah. Qofna lama takoori karo xanuunka dhimirka awgiis.

Qofwalba wuxuu sameyn karaa inta uu rabo iyo intuu awoodo. Qofna uma baahna keligii inuu la dagaalamo dhaleeceynta tusaale ahaan inaad wax badan ka hadasho xanuunka ama aad ka sheegto meelo kala duwan. Si kastaba ha ahaatee dad ayaa doortay jidkaas, waayo waxay og yihiin haddii si waadax ah looga hadlo inay caawineyso dadka ay isku xaaladda yihiin ama doonaya inay ka bixiyaan fikrad khaldan xanuunka ay qabaan cabsi ay ka qabaan in la dhaleeceeyo ama la takooro awgeed.