Xanuunka labamiyirlenimada ee dhimirka

Xanuunka labamiyirlenimada ee dhimirka ama xanuunka bipolarka waxaa la odhan jiray waa walaac iyo niyadjab (manic depression). Xanuunka labamiyirlenimada waa mid waqti dheer lagana dhaxlo xanuunka dhimirka. xanuunka dhimirka shaqsiyadu caadiyan waa mid isbedbadesha. Niyadjabka iyo (manic) waalidda soo noqnoqotay ama sida la yidhaahdo jaahwareerka soo noqnoqda waa is bedbedelaa. Marmar dadka xanuunsan waxaa laga yaabaa in aysan lahayn astaamo xanuun ama soo noqnoqda, markaas xanuunku waa mid fudud.

Dadka u xanuunsan dhimirka labomiyirlaha waa dadka u rafaadsan ka bogsashada khamrada ama maandooriyaha kale badanaaba. khamri cabida badan way xoojin kartaa waalida iyo niyadjab soo noqnoqda.

Xiligga manic dareenka maskaxda ayaa aad u kaca ama karaar dhaafa

Waa wax si fudud lagu ogaan karo waalida iyo niyadjabka soo noqnoqda, sababtoo ah bukaanka dhaqankiisa iyo firfircoonidiisa ayaa ah mid ishu qabanayso. Xiliga waalida iyo bipolaarihäiriö dadka u xanuunsan waxay dareemi karaan usbuucyo ama biloba in ay aad u fiican yihiin taas oo aan dhab ahyn.

Manic waalidda waqtiga isdaba jooga ah ayaa keenta maqnaanshaha awooda ka baaraandega. dadka u xanuunsan dhib ayay sameyn karaan, taas oo u keeni karta nafsadooda iyo dadka xigaalada ah dhibaato weyn. Tusaale wuxuu qofkaas isku qasi karaa si buuxda arimaha lacagihiisa ama wuxuu u dhaqmi karaa si halis weyn ku ah galmada.Waxaa ka imaan kara dhibaato qoys, mid shaqo iyo in boolisku la soo xadhiidho.

Manic ma aha lagama maarmaan in aysan farxad lahayn waali ku dhaqmidu, dhalinyarada keliya ayay ka muuqataa xanaaq waali ah oo ka sii dareeysa. Hadba sida aysan waqtiga isdaba jooga waalida Manic aynan u haynin, waxay isu qabaan in aan waxba ka qaldanayn, mana rabaan in la caawiyo.

Xiliyadda niyadjabka qofka u xanuunsan wuxuu dareemaa inuu isagu masuul ka yahay arinta sidoo kale qiimo jab

Xanuunka labomiyirlaha dadka u xanuunsan badanaa ma raadsadaan daryeel marka ugu horeysa ee astaamaha xanuunku bilaabmo. Marka ay daryeelka soo raadsadaan waa mar mudo dheer uu soo hayay xanuunku iyo xilli niyadjab xoogani hayso.

Xanuunka labomiyirka iyo niyadjabka waqtiga soo noqqoda waxaa la xariira badanaaba waqtiga waalida. Waqtiyada soo noqnoqda waa la mid dadka u xanuunsan niyadjabka. Xanuunka niyadjabka iyo labomiyirka dadka u xanuunsan waxay dareemaan daal daaran iyo awooda wax ka fakarka oo maqan, waxaa kale oo caadi uh hurdo xumo.

Dadka xanuunkan hayo ayaa niyada waxaa ka soo gala dareemo ah is eedayn/dembiile iyo fekrado dhimasho. Manic Xanuunada waalida waxaa la ga yaabaa in ay keenaan dhaqaalo xumo ama xidhiidhka dadka oo xumaada kuwaas oo ku sii kordhiya dadka u xanuunsan labomiyirka dareemo ah in uu is eedeeyo.

Xaaladaha isku dhex jira waxay noqon karaan dhimir ama Manic

Waqtiga xanuunku wuxuu noqon karaa mid qasan, xiligaas oo ay soo ifbaxayaan niyadjab iyo Manic waali. Xiligaas uu qofku qasan yahay waxaa dhici karta in uu hayo xanuun gooni ah, sababtoo ah bukaanku qaabka uu u fekerayo ayaa ah mid kacsan laakiin fekerkiisu waa niyadjab. Qofka u xanuunsan labomiyirka waxaa dhici karta in uu is tuso waxyaalo aan jirin ama ku fekero, si kasta ha ahaatee kuwaas oo aan ahyn asal ahaan iyo ujeedo ahaan kuwo la mid ah kuwaskitsofreniaa u xanuusan.

Darajada 2aad ee marxaladaha waallida ee xanuunka labamiyirlenimada dhimirku waa kuwo fudud 

Darajada 2aad ee marxaladaha xanuunka labamiyirlenimada dhimirku waxay yihiin kuwo inta badan loo yaqaano marxaladda hypomanic. Marxaladda hypomanicga ma aha mid khatar ah oo saameyn xooggan ku yeelan karta shaqada ama xidhiidhka bulshada. Dadka ku jira darajada labaad ee xanuunka labamiyirlenimada waxay caawinaad raadsadaan markay ku jiraan marxaladda niyadjabka, taas oo sababi karta in gebi ahaanba la aqoonsan waayo xanuunka.

Qaadashada dawada iyo qirashada astaamaha xanuunka waa muhiim

Xanuunka labamiyirlenimada waxaa guud ahaan lagu daaweeyaa dawooyinka caadiga ah ee dhimirka, sida nooca jiilka labaad ee loo yaqaano antisaykootikis (antipsychotics) oo kurbada iyo hurdo la’aanta yareeya, dawo ahaanna loogu qaataa niyadjabka.

Waqti ayay qaadanaeysaa sidii loogu heli lahaa xanuunka labamiyirlenimada dawo ku habboon, laakiin tan ugu wanaagsan waxay tahay tan si xooggan uga hortegi karta ama khafiifin karta marxaladaha niyadjabka iyo waallida. Dawooyinka iyo xaddiga qaadashadooda waxaa imaan karta in dhawr jeer la bedbedelo, inta aan la helin dawo ku haboon. Marmar daaweynta ugu wanaagsan waa marka la isla qaato dhawr dawo isku waqti.

Si daaweynta loogu guuleysto waa lagama maarmaan in la raaco hab qaadashada dawada. Inta badan dadka la il darran xanuunka labamiyirlenimada uma qaataan dawada sidii loogu talagalay. Sababtuna waxay noqon kartaa tusaale ahaan dareen la’aan xaga xanuunka ah xilliga marxalada waalida lagu jiro, rabid la’aan qirashada xanuunka, dhibaatooyinka ay dawadu keento ama garasho la,aan la xidhiidha sida dawadu u yareyn karto ama u joojin karto calaamadaha xanuunka.

Daaweynta xanuunka labamiyirlenimda ee dhimirka waxay qaadan kartaa sanado badan taas oo loo yaqaano daaweynta joogtada ah. Marka xanuunka calaamadihiisu yihiin kuwo fudud ama bukaanku si fiican u maareyn karo xanuunka, markaas keliya ayaan loo baahanayn dawo joogto ah. Tan kale ee suutogalka ah waa ka hortagga, haddii bukaanku barto oo uu ogaado bilawga marxaladda waallida.

Waa wanaagsan tahay in la barto sidii loo ogaan lahaa calaamadaha marxaladaha kala duwan ee xanuunada, markaas oo dareenka is xukumiddu siyaadayo iyo in qofku noloshiisa si fiican u sii wato isagoo xanuunkiisa qaba. Muddada ka hortagga marxaladaha xanuunka waa muhiim in laga digtoonaado welwelka xad dhaafka ah iyo hurdo la’aan.