Xanuunka shaqsiyadeed

Sifooyinka shaqsiyadeed waxaa loo la jeedaa dabeecadaha joogtada ee qofku u arko isaga iyo nawaaxigiisa, iyo weliba sida oo uu ula dhaqmo dadka kale. Fikradaha guud ee cilminafsiga iyadoo loo eegayo, waxaa la oran karaa qofka qaba xanuunka shaqsiyadeed wuxuu leeyahay noocyo dabeecado joogto ah oo muddo dheer qaata, kuwaas oo ka duwan hab dhaqameedkiisa in la aqbalo dhaqankiisa, dareenka iyo fikirka ee uu ula dhaqmayo dadka kale.

Inta badan qofka qaba xanuunka shaqsiyadeed ma aha mid sinaba nafsadahaantiisa dhib ku qaba. Si walbo oo ay ahaato waa caadi qofka qaba xanuunka shaqsiyadeed inuu la kulmo dhibaatooyin shaqsi ahaaneed, qaabkiisa waxqabad wuxuu noqon karaa mid xaddidan iyo fursadihiisa uu ku doonayo isbeddello dhanka nolosha ah waa kuwo xaddidan.

Xadka loo yaqaano nooca caadiga iyo kan aan caadiga aheyn ee shaqsi ahaaneed inta u dhaxeysa waa mid marwalba isla bedella xaaladaha hab dhaqameedka. Sidoo kale dadka, aan qabin xanuunka shaqsiyadeed waxaa laga dareemi karaa xaalad istarees sida dadka qaba xanuunka shaqsiyadeed dhaqankooda, waxaa ka muuqan kara sidoo kale xaalad bilow ah ama mid ka mid ah marxaladaha nolosha.

Waa badan yihiin sababaha siyaadiya xanuunka shaqsiyadeed

Xanuunka shaqsiyadeed waa mid bilawda da’da caruurnimada iyo dhallinyaranimada waana suurtogal in la ogaado da’da dhallinyaranimada ama weynaanta. Waxaa saameyn ku yeelan kara in uu siyaado xanuunku nawaaxiga barbaarista caruurnimada: tusaale ahaan garaacis iyo jidhdil joogta ah ama waalidka oo ula dhaqma ama u bahdila si aan habbooneyn ayaa waxay noqon kartaa waxyaabaha keena xanuunka shaqsiyadeed.

Imaansha xanuunka waxaa saameyn ku yeelan kara nawaaxiga ku barbaarista, sidoo kale bayoloji ahaan iyo dhaxal ahaan. sababaha dhaliya xanuunka shaqsiyadeed lama odhan karo waa macno darro, lagumana tilmaami karo tusaale ahaan marxaladihii barbaarinta, kuwaas oo aan si cad loo odhan karin waxay keeneen xanuunka shaqsiyadeed inuu kordho.

Hab dhaqanka qalafsan ee xanuunka shaqsiyadeed waxaa lagu kaabi karaa taraabiyada cilminafsiga

Xanuunnada shaqsiyadeed way ka duwan yihiin kuwa jirahaaneed ama nafsadahaaneed ama tusaale ahaan isbeddellada shaqsiyadeed ay keenaan maandooriyayaasha. Dadka la il daran xanuunka shaqsiyadeed waa u caado in aysan sheegan dhibaatada hab dhaqankooda.

Dadka qaba xanuunka shaqsiyadeed waa dhif inay raadiyaan daryeelka xanuunkooda shaqsiyadeed, inta badan waxay caawimo raadsadaan xilliyada ay la soo deristo xaaladaha dhibaatooyinka niyadjabku, sida kurbada ama waxyaabaha kale ee la xidhiidha xaaladaha adag ee nolosha. Ku guuleysashada daryeelku waxay ku xidhan tahay hadba rabitaanka bukaanka taas oo muhiim u ah inuu dhaqankiisa bedelo. Waa suurtogal dadka qaba xanuunka shaqsiyadeed iney bedelaan dabeecadahooda qallafsan iyo hab dhaqameedkoodaba iyadoo lala kaashanayo tusaale ahaan daryeelka teraabiyada cilminafsiga iyo/ama daryeel dawo.

Islaweyni (Narcissism) waa xanuun aad loo hadalhayo mudadan dambe

Xanuunka shaqsiyadeed ee islaweynida wuxuu ahaa muddooyinkii dambe mid aad looga hadal hayo bogagga kala duwan ee internetka iyo warbaahinta kaleba. Xanuunnada shaqsiyadeed cilminafsad ahaan waxaa loo kala saaraa heerar kala duwan. Heerarkaas waxay yihiin shakiqab shaqsiyadeed, gooni noqosho shaqsiyadeed, xidhxidhnaasho shaqsiyadeed, niyadkac shaqsiyadeed oon daganeyn, foojignaan raadis shaqsiyadeed, rabitaan shaqsiyadeed, is xadiddid shaqsiyadeed, qabatin shaqsiyadeed iyo islaweyni shaqsiyadeed. Dareenka islaweynida waa dhibaatooyin fida oo midba tan kale la xidhiidho waxayna dhamaantood la xadhiidhaan xanuunka shaqsiyadeed.

Muuqaalka rasmiga ee qofka qaba xanuunka shaqsiyadeed ee islaweynidu wuxuu yahay inuu had iyo jeer isu arko qof laga helay ama baahi weyn loo qabo ka helidiisa, iyo in uu iska dhaadhiciyo waxaanu aheyn wuxuuna u maleeyaa in dadka kale u arkaan inuu ka fiican yahay iyaga, xataa wuxuu isticmaalaa dadka kale. xanuunka shaqsiyadeed ee islaweynida mar marka qaarkood wuxuu la xidhiidhaa niyadjab, waxaana lagu daryeeli karaa teraabiyada cilminafsiga, laakiin saameynta teraabiyada iyo daryeelka dawadu ay ku lee yihiin xanuunka shaqsiyadeed ma aha mid cad.